Laascaanood : Beelaha Bahararsame iyo Qayaad oo Bilaabay dhaqan gelinta Heshiiskii Nabadeed (Sawirro+Warbixin)

Laascaanood ( Kalshaale ) Waxaa maalintii shalay magaalada Laascaanood  Heshiis Nabadeed ku gaadhay Beelo wada dhashay oo Colaadi ay ku dhexmartay Koonfurta Gobolka Sool, waxaana maanta Bilowday dhaqan gelinta Heshiiskaasi.

Kulankan oo ahaa kii ugu danbeeyey ee gudiga nabadaynta labada beelood ee Cabdi Garaad ( Qayaad ) iyo Maxamed Garaad ( Bahararsame ) ayaa waxaa ay labadan beelood keeneen kharashaadkii Duugta oo kala ahaa dhinac 7 Qof (7000 $) Dhinacna 14 Qof oo uu ku jirey ninkii Fitnada Bilaabey oo iyana ay keeneen (13,000 $ ) .

Kulankan ayaa Waxaa loo ballamay in inta hadhey oo ahaa in socdaa wacyi gelin ah lagu maro deegaanadii dhibaatadu ka dhacdey , sidoo kale , Waxaa xiga in mudo lix bilood lagu fuliyo go’aanadii Maxkamada Shareeco ee ay ku xukuntey labadan beelood .

MAXAA KAMID AHAA GO’AANADII NABADDA EE LA GAADHAY ?

1. Labadii nin ee dilka ku fuliyay Cabdi weli (Dhiindhiinshe) in lasoo qabto oo maxkamadda la horkeeno oo wixii sharcigu ku xukumo lagu fuliyo.

2. Labaatankii qof ee dhummay ku dhintay ee midi gabadha ahayd in laga bixiyo mag shareeco oo ah ninka boqol halaad. Gabadhana konton. Laguna bixiyo muddo lix bilood ah.

3. In berri la keeno duugtii oo ah calaa qof kun doolar.

4. In la keeno sabtida furkii oo ah xaga bahararsame labo qori iyo labo gaadhi. Xaga Cabdigaraadna afarta qori ee ay qirran yihiin iyo baastooladda oo ay iska soo caddeeyaan.

5. Qiimayntii dhaawaca iyo khasaarihii hantiyeed waxaa dib loogu dhigay waqtigay ku habboon tahay.

GO’AANKII DHAQANKA.

1. Afartii nin ee guriga lagala baxay waxay ka xukumeen min 20 halaad oo Tacsiir ah.

2. Weerarkii tiknikada ee magaalada waxay ka xukumeen konton halaad oo tacsiir ah.

GO’AANKII MAAMULKA.

1. Waxay xukumeen ciidamada iyo tiknikada labada beelood ee iyaga maamulkooda ka tirsan ciddii fal ka qayb qaadata in maxkamad mullatari lasoo taago doono.

2. Inaan la arki karin ciidammo malaysiyaad beeleed ah oo is urursanaya ama meel ku sugan.

3. Magaalooyinka la wada degan yahay inay yihiin goobo ka caagan hubka kiisa culus iyo kiisa fududba.

4. Ciddi ka hortimaadda ama fulin weyda waajibaadka laysa siiyay oo dhan in meel looga soo wada jeesanayo.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. mohamed abdi jama says:

    Waxaan doonayaa inaan idin tusaaleeyo dadkaygoow kolay qabyaalad baa idinka xoog roone? Eeg somaliya markasta waxay jeceshahay iyadooaan xamar oo kaliya aan wada xukumin ? In hadana sool waxyeelo ka dhacdo oo la qaxo waana iga run ? Waa xasad naftooda ka ahaatay jawaab deg degana waxay ka helaan xagga eebe? Somaliya waxay jeceshayhay in jam som land degaanadeeda dagaal beeleedyo ka dhacaan sida sool sanaag awdal iyo guud ahaan jam somland mana fahansana shacabkaygu? In la kala jioto beelaha wiilka iyo abtigiiya ee dega galbeedka iyobariga jam somland iyo beesha dhexe gudaheeda indhaha fura oo wiilashiina ha dilina somaliyana jawaabta xagga eebay ka heshaa? Bal u fiirsada iskama hadlayee u fiirsada haday wax ku qaadanayaan




War deg deg: Mooshinkii Laga keenay Madaxwayne Farmaajo oo Bur-buray
- Dec 11, 2018
Muqdisho ( Kalshaale )  Warqad qoraal ah oo kasoo baxday xafiiska xoghayaha joogtada ah ee ...
MUUQAAL: Qalbi-dhagax oo Booqday Jeel-ogaadeen iyo Dad lagu xidhay oo Arimo Naxdin leh ka sheegay (Daawo)
- Dec 11, 2018
Jigjiga  ( Kalshaale)  Cabdikariim Sheekh Muuse ( Qalbi-dhagax ) iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawlad ...
Daawo Awliyo oo Afka Furtay “Mooshin Ma jiro, waa Shirqool Imaaraadku soo Maleegay” Hanjabaad Culus (Waraysi)
- Dec 11, 2018
Muqdisho ( Kalshaale )  Siyaasi AMB. Awliyo ayaa Waraysi uu bixiyey kaga hadlay xaalada ...
MUUQAAL: Ololaha Doorashada Puntland oo Xiiso yeeshay iyo Xaflad lagu Qabtay Minnesota
- Dec 11, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka lagu ...
Xasan Sheekh Iyo Siyaasiyiin uu kula Kulmay Hoygiisa Muqdisho maxay ka wada Hadleen?
- Dec 11, 2018
Muqdisho ( Kalshaale )  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula ...