DHEGAYSO: Soomaliland oo sheegtay inuu Bur-buray Wadahadalkii Nabadda ee Tukaraq iyo Xiisada cusub ee dagaal

Hargeisa ( Kalshaale ) Iyadoo oo Ciidamada Somaliland iyo Puntland dhexmaray  dagaal Qorshaysan oo gaystay Khasaare kala duwan,  ayaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somaliland sheegay in uu Bur buray wada hadalkii nabadda ee Tukarraq.

Xildhibaan Axmed Maxamed ( Nac-nac) ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay eedeymo kaga yimid dhanka Puntland oo la xiriirta in dagaalka ay ciidankoodu ku horreeyeen.

Wuxuu sheegay in dagaalka uu yimid markii weerar gaadmo ah ay kusoo qaadeen ciidamada Puntland ee ku sugan aagga hore ee jiidaha dagaalka.

HALKAN KA DHEGAYSO WARBIXINTA IYO WARAYSIGA 

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay meesha ka baxeen dedaalladii nabadda oo beesha caalamka ay ka dhex waddey Labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland, Wuxuuna sheegay in Ciidanka Somaliland Hadii ay Ruqaansadaan ay Garoowe dul tegi doonaan.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (7)

  1. Maxamud says:

    Somali muuqal bani aadam ayeey leedahy lkn dhaqandugaag ayeey leedhy

  2. Dabshid says:

    Wariyaha miyaa magaca qaldey mise waa sax oo sheeko Tukoraq ayaa wali taagan.

    Gaas ma wuxuu rabaa inuu dhaho dagaal ayaa socdo, ma codeynkaraan Odayaasha deegaanka Puntland.

    Mise wuxuu is tusahayaa Wafdiga Xamar ka yimid.

  3. Dabshid says:

    Waligey ma arkin Tuulo sidaas u yar, oo hadana sidaas magaceedu u saameeyo Soomaaliya dacaladeeda.

    -Ma kista Koontoroolkaa
    -Ma difaaca Garowaa
    -Ma Tuuladii ugu dambeysay Soolbaa (oo meesha waxaa ka baxeyso sheegashadii Fileka)

    Wali waa suaalaha aan weydiiyo maskaxdeydaa ilaa qarnigii Huganta.

  4. Wadaniboy says:

    Adigu xageed ku argtay ssdf iyo khaatumo. Dagaal dheer gala waxaad waa maalin ama 2 saac kadib xafadahooda. Aadan you remember ssdf the war with somali government they was loosers. Ssdf war with kacaan boys.

  5. Dabshid says:

    Kkkkk

    Xildhibaankaas Xaal halaga qaado 5 mar ayuu ku cel celiyey – WAA YAACAHAYAAN, waa Yaacahayaan. War Cidda waa loo Qariyaa Orodka.

    Xantii iyo Media keenay,

  6. mohamed abdi jama says:

    Cuqubo halkii lagu galay caw ku hurudaaye caruurtay ka laysaa ninkii caano baas dhamaye? Jam somland iyo shacabkeeda ninkii gardaraystaa kama macaasho ee is habeeya oo shicibkoow shicib loo taliyo noqda oon siyaasadda ku milmin khayrka ku jira inaad ahaataan shicib ka xora siyaasiga qaldan ama buka lahaada dhago wax maqla oo nadiifa

  7. Mr BaHaL says:

    Beesha Ugaadhsatada ah ee Majeerteen,waxay dacwad la taaganyihiin xafiisyada gaalada eee Nairobi.Iyo waliba ku Carabta ee Emaaraatka.

    Dacwadii ay ka gaynjireen Galmudug,ayaa taala Xafiisyada Nairobi ee Reer Galbeedka .Dacwadii ay ka gaynjireen Xasan sheekh ayaa iyaduna taala.Dacwadii ayka geeyeen Maamulka Hargeisa ayaa iyadna halkaa ka socota.Waxaa haatan socda dacwadii ay ka geeyeen dawlada Khayre.

    Gaaladu dadka noocaasi ah ee ruufiyaanka ah aadbay u soo dhaweeyaan oo way ku shaqaysteen iyagana wax ay cunaan ayay siiyaan.

    Dadkani waxay quutaan dhiiga Somalida tan iyo wakhtigii uu Talyaanigu wadanka soo galay.

    Somaliland waa inay Garoowe tagaan oo hadalka soo afjiraan.Somaliland waa inay cuskataa inay meesha Garoowe ay tahay meel Somalida xanuunku ah oo ay miiska soo saarta dhaqamada siyaasadeed ee ka jiran meesha ay Mooryaantu ku nooshahay ee la yidhaa Garoowe.

    Dalmida




SHORT FILM: ZAKI , BISHAARO

Riix Sanadguurada Khaatumo

QISADA KINSI EE MARAYKANKA

Riix Sanadguurada Khaatumo
Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Wajahan iyo Kulankii La Filayey ee Muuse Biixi oo Meesha ka baxay
- Feb 20, 2019
Jabuuti ( Kalshaale )  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ...
Muuqaal: Faarax Macalim oo ka Qayb galay dood uu TV-ga Kenya uga hadlay Xiisada Somalia iyo Kenya (Daawo)
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya, Faarax Macallin ...
Daawo: Faratoon oo ka hadlay Safarka Muuse Biixi ku aaday dalka Itoobiya
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Sidii aanu Horay u baahinay Waxaa maanta magaalada hargeisa ka ...
Muuse Biixi oo Hargeisa ka dhoofay iyo Kulamada la Filayo ee Addis-Ababa
- Feb 20, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ...
Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda, Kana Faalooday Xiisada Soomaaliya
- Feb 20, 2019
Nairobi ( Kalshaale ) Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka ...