Dawladda Soomaaliya oo Qabatay Shabakad ka shaqaysa dhiqista Dollarka

Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamada Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku qabtay shabakad ka shaqeysa fal dambiyeedka lacag dhaqida dollarka madow iyo sameynta dollar been abuur ah.

Sida lagu qoray barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in labo ka mid ah kooxdaas gacanta lagu haayo, laguna daba jiro kuwa kale

Waxaa kaloo Hey’addu sheegtay in Mudane ka tirsan Baarlamaanka Federaalka uu u sahlay shabakadaas gudbinta garoonka, isla markaana galka baarista ee Shabadda uu arrintan u gudbinayo hey’adaha sharciga ee ku shaqada leh, si tallaabo looga qaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa fal dambiyeed u aqoonsatay lacag dhaqida, iyadoo Bishii February ee sanadkii 2016 uu saxiixay sharciga lacag dhaqida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib markii uu Baarlamaankii 9aad uu ansixiyay sharcigaas bishii December ee sanadkii 2015, waxaana sharcigaas uu qaatay muddo sanad ah oo ay ku howlanaayeen Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Maaliyadda.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...