Daawo: Al-Shabaab oo si yaab leh uga hadashay musharax Mukhtaar Roobow

Muqdisho ( Kalshaale ) Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay ka hadashay tallaabada uu Mukhtaar Roobow isugu soo sharraxay xilka madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed Soomaakliya, oo uu ku dhawaaqay toddobaadkii tagey.

Warbaahinta rasmiga ah ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa bilaawday in ay warbixinno ka sameyso dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Rooboow, oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, uu kawado magaalada Baydhabo, waxaana Idaacadda Andalus ay u adeegsatay warbixinteeda Erayga “Murtad Mukhtaar Rooboow

Al-Shabaab waxa ay sheegtay in Mukhtaar Roobow uu “ku dhuumaaleysanayey safka mujaahidiinta, oo uu culees iyo caqabad ku ahaa jihaadka, iskaba daa inuu wax taro”

“Dadkii ugu dambeeyey ee allaha ku fadeexeeyey umadda hortooda waxa uu ahaa Mukhtaar Roobow, oo bishii August 2017 ku biiray kooxda murtadiinta Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka ay baahisay idaacadda Andalus ee kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa tiri “xitaa ka hor inta uusan dowladda isku dhiibin, waxa uu Mukhtaar Roobow sanado badan xiriir hoose la lahaa cadowga, isaga oo maleegayey shirqool ka dhan ah mujaahidiinta”

HALKAN KA DHEGAYSO   SHABAAB OO KA HADASHAY

Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Roobow uu la mid yahay Burhanudin Rabani, Gulbuddin Hekmatyar iyo Abdul Rasul Sayyaf, oo dhammaantood ah reer Afghanistan, iyo Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe oo Soomaali ah.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (4)

  1. Mr BaHaL says:

    Meeshan Somaliya waxaa ku nool dadka fog cadaalada.Waa in Roobow loo doortaa Madaxwaynaha dhulka barwaqada ah ee Somaliya.Madaxwaynaha Beelaha Habar Raxanwayn,(Raxanwayn,Benu-Jamaal,Galedi iyo inta soo raacda) – ileen Axmed Madoobe waxaa la keenay Kismaayo.Hadiiba ay dawladu xisaabtamayso ha soo xidho Axmed Madoobe iyo Mr Gaas meel xun jooge.

    Hadii kale waa inay Roobow faraha ka qaadaa.

    Dalmida

  2. Garqaad says:

    Mr bahal. Waan kusalaamay.
    Warkaasu waa dhan yahay waa hadal nin weyn

    Wadankaan aabihii xeyraanku iyo meel xun joogii hogaan u yahay maxaa roboow. Raxanweyn benu jamaal geledi loogu didayaa in uu hogaamiyo dhulka wobiyada. Anigu waan aqbalay.

    Welcome roboow

  3. Rooble says:

    Rooboow guuul iyo gobanimoo

  4. Dabshid says:

    Ahmed Cadde wuxuu ku jiifaa Kismaayo Dhabta Kuukuuyo, markey baxaana horuu u raacaa ama ha aado Afmadow ama ha aado Dhagax-Buur.

    Roobow Kuukuuyo ma heysto, kumiyaal maheysto KAETING maheysto.




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...