Shirkada Golis oo Laascaanood ku Soo Bandhigtay Adeeg ay So Dhaweeyeen Bulshada G Sool
Shirkada Golis Telecom ayaa magaalada Laascaanood Maanta ku soo bandhigtay adeega 4 G TM oo ah adeeg xawaarisihu aad u sarreeyo , isla markaana ah Internet awoodiisu aad u sarrayso , Qiimihiisuna uu jaban yahay .
Adeegan ayaa xidhiidh la leh Internet ka Fiber Obtice oo ah Internetka badda hoosteed la soo mariyey sial markaana magaaloyinka Boosaaso , Garoowe iwm ay ku faa’iideen dhamaantood adeegani .
Gudoomiyaha Shirkada Golis ee gobolka Sool Sh Aadan Cali Nuur ayaa ugu bishaareey bulshada in adeegani ay kaga nasan doonaan Internet Xumada ka jirtay magaalada Lascaanood , iyadoo shirkadihii hore u bixin jirey ay dadku aad u cowdeen Internet aad u liita Qiimihiisuna uu yahay mid qaali ah .