Sawirro: RW. Khayre oo Isbitaalka ku booqday Xildhibaan Mursal Boorow

Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Isbitaalka Digfeer ku booqday Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo xalay ku dhaawacmay qarax miino gaarigiisa loogu xiray.

Dhaawaca Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu yahay mid culus oo xooggiisa uu ka soo gaaray qeybaha dambe ee jirkiisa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta gacanta ku heysa xaalada dhaawaca Xildhibaan Boorow, waxaana uu sheegay in dowladda ay la socon doonto xaaladiisa.

Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay soo hagaageyso, welina ay la tacaalayaan dhaawiciisa.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaan Boorow uu gacantiisa bidix ku waayay qaraxa loogu xiray gaarigiisa.

Darawalka Gaariga waday ayaa ku geeriyooday qaraxa oo ahaa kii u horeeyay noociisa ee lagu xiro gaadiidka loo yaqaano Hillux oo Soomaalida u taqaano Qooqan dul banaanka ay ilaalada saaran yihiin.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa uu ku dhaawacmay Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo laga soo doortay deegaanada Koofur Galbeed.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Daawo: Maxaa dhexmaray Madaxwayne Mustafe Cagjar iyo Waxgaradkii Beesha Dhulbahante ee JIG-JIGA Soo Gaadhay
- Nov 16, 2018
Jigjiga  ( Kalshaale ) Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa magaalada Jigjiga kusoo dhoweeyay ...
Jen. Indho-cadde oo ka hadlay halka ay Shabaab ka helaan Dharka Ciidamada Dawladda iyo Hubka
- Nov 16, 2018
Muqdisho  ( Kalshaale) Gen Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda, ...
Galmudug : Wararkii ugu dambeeyay dagaal ay ciidamada DF ka gaadheen guulo oo dhacay
- Nov 16, 2018
Laascaanod ( Kalshaale) Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo ...
MUUQAAL: Gabadh uu dhalay Wariye Soomaaliyeed oo Caan ah oo Shaqo ka Heshay Xafiiska Duqa London (Daawo)
- Nov 16, 2018
London ( Kalshaale ) Xafsa Cabdixaafid Maxamuud oo ah Gabadh Soomaaliyeed oo 17-jir ah ...
MUUQAAL: Qaramadda Midoobay oo War kasoo saartay [Saldhiga Berbera] Iyo Xiisada Puntland iyo Soomaliland
- Nov 16, 2018
Laascaanod ( Kalshaale ) Warbixintii ay sii deysay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunaqabateynta ...