Kaaliyaha Netanyahu oo loo haysto Anshax xumo iyo Sida ay wax u dhaceen

Nairobi ( Kalshaale)  Nin kaaliye sare u ah Raisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegaya in uu muddo shaqada ka maqnaan doono arrintan oo imaanaysa ayadoo ay jiraan eedaymo xiriir ah oo ku aaddan anshax xumo dhanka galmada ah.

David Keyes ayaa sheegay in uu doonayo in uu magaciisa ka ilaaliyo ” eedaymaha beenta iyo been abuurka ah”

Wargayska The Times ee kasoo baxa Israa’iil ayaa sheegaya in 12 haween ah ay kusoo eedeeyeen habdhaqan aan haboonayn.

Sida uu sheegay wargays laga leeyahay Israa’iil 10 dumarkaas kamid ah ayaa codsaday in aan magacyadooda la sheegin.

War qoraal ah oo khamiistii soo baxay, ayaa Mr Keyes, 34 jir ah ku sheegay “in uu si buuxda ugu kalsoon yahay in runtu ay caddaan doonto”

Wargayska The Times ee Israa’iil ayaa sheegaya in eedaymahani ay dhaceen kahor intii aan Mr Keyes aan loo magacaabin afhayeenka saxaafadda dibadda ee Mr Netanyahu.

Khamiistii, siyaasiyiin badan oo reer Israa’iil ah ayaa Mr Netanyahu ugu baaqay in uu shaqada ka joojiyo Mr Keyes inta wararkaasi laga xaqiijinayo.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Daawo: C.wali Gaas oo kulan la qaatay Golaha deegaanka Boosaso (Muuqaal)
- Sep 24, 2018
Boosaaso ( Kalshaale)  Madaxwyanaha Puntland C.wali Gaas ayaa kulan la qaatay xubnaha cusub ee ...
Askar ka tirsan Puntland oo Bosaso lagu dilay, Warar dheeraad kasoo baxaya
- Sep 24, 2018
Boosaso ( Kalshaale ) Magaalada Bosaso ayaa la sheegayaa in lagu dilay labo askeri, ...
Daawo Video: Eng. Yariisow “Waxa Jira XILDHIBAANO doonaya inay la baxaan kuwii Axmed dawlo Muqdisho ku gubay
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale)  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu ...
Muuqaal: Cabdi Shire “Waan ka seexan Waayey Ninkii la gubay, Waa in AROOS Qaran loo sameeyo Wiilka iyo Gabadha’
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ...
MUUQAAL: Xildhibaan Aamina ” Waa in maxkamad lasoo taago dadkii Dilay ee ku gubay Axmed Dowlo Xamar (Video)
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildh Aamina " Waa in maxkamad lasoo taago dadkii ka danbeeyay ...