Xiisad cusub : Xildhibaanada maamulka Hirshabelle oo ku dhegan Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Sababta !

Jowhar ( Kalshaale ) Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa u yeeray Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare si ay waxyaabo badan uga weediiyaan dib u dhaca iyo fashilka ku yimid maamulka uu hogaamiyo.

Cali Cismaan Ibraahim oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Xildhibaanada u yeereen Madaxweynaha si Baarlamaanka hortiisa Su’aalo loogu weediiyo.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Madaxweyne Waare wax laga weediin doono xaalada amni ee Hirshabelle iyo dib u dhaca iyo fashilka ku yimid maamulkaasi kadib doorashadii Madaxweyne Waare.

Xildhibaanada Hirshabelle ayaa sidoo kale kasoo horjeestay go’aankii uu qeybta ka ahaa Madaxweyne Waare ee lagu hakiyay Wadashaqeyntii maamulada dalka la lahaayeen Dowlada Federaalka Soomaaliya.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (2)

  1. Garqaad says:

    Ninkaan anigu waxaan u arkaayay. Nin culus markaan dhegeystay hadaladiisa. Laakiin habeen dhexdaas ah ayaan tufay. War nin xukumo dhulka wobiyada kaba qaadnimo cidina kama yeeleyso. Waqtigisii waa dhamaaday.

    Waaba nin ku hadlay afkii Mr gaas. Cambuulo hala gubato ee meesha halla dhaafiyo.

    Dadka degan dhulka wobiyada waxaa wakiil ka ah mudane xasan cali kheyre iyo farmaajo.

  2. NuurkaNederland says:

    SOMALI WAXAY KU JIRTAA AFARTANKII SANO EE TIIHA AHAA EE REER BINU ISRAEL OO KALE!.
    INAGAA DAD XUN AH WHY? HADAYNAAN XUMAYN MADAX XUN ILLAAHAY NAGUMA KARBAASHEEN.




Daawo: Maxaa dhexmaray Madaxwayne Mustafe Cagjar iyo Waxgaradkii Beesha Dhulbahante ee JIG-JIGA Soo Gaadhay
- Nov 16, 2018
Jigjiga  ( Kalshaale ) Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa magaalada Jigjiga kusoo dhoweeyay ...
Jen. Indho-cadde oo ka hadlay halka ay Shabaab ka helaan Dharka Ciidamada Dawladda iyo Hubka
- Nov 16, 2018
Muqdisho  ( Kalshaale) Gen Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda, ...
Galmudug : Wararkii ugu dambeeyay dagaal ay ciidamada DF ka gaadheen guulo oo dhacay
- Nov 16, 2018
Laascaanod ( Kalshaale) Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo ...
MUUQAAL: Gabadh uu dhalay Wariye Soomaaliyeed oo Caan ah oo Shaqo ka Heshay Xafiiska Duqa London (Daawo)
- Nov 16, 2018
London ( Kalshaale ) Xafsa Cabdixaafid Maxamuud oo ah Gabadh Soomaaliyeed oo 17-jir ah ...
MUUQAAL: Qaramadda Midoobay oo War kasoo saartay [Saldhiga Berbera] Iyo Xiisada Puntland iyo Soomaliland
- Nov 16, 2018
Laascaanod ( Kalshaale ) Warbixintii ay sii deysay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunaqabateynta ...