Qorshe Xilka loogta Tuurayo Hogaanka Hirshabeelle oo bilowday (Faah-faahin)

Baladwayne ( Kalshaaele ) Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed, tan iyo markii uu ka soo laabtay magaalada Kismaayo, halkaasoo uu kaga qeyb galay shirka Golaha Islaashiga Maamul goboleedyada.

Inta badan Xildhibaanada Hirshabeelle ee ku sugan Muqdisho ayaa saacadihii u dambeeyay waday kulamo Hoose oo abaabulkiisa yahay mooshin la qorsheynayo in maalmaha soo socda laga keeno Madaxweyne Waare.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa la sheegayaa inay diyaarinayaan mooshinka kalsooni kala noqosho ah, ka hor inta uusan furmin kalfadhiga Baarlamaanka oo fasax ku maqan.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Xildhibaanada Hirshabeelle oo shirar ku leh Muqdisho ayaa sheegaya in si hoose u socdo saxiixa mooshinka laga diyaarinayo Madaxweyne Waare.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ee ku sugan magaalada Jowhar ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu si degdeg ah ku yimaado, maadaama kalfadhiga Baarlamaanka uu fasax ku maqan yahay oo aan xirneyn.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu horyimaado Baarlamaanka, si su’aalo loo weydiiyo.

Madaxweynaha, Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay dib ugu laabtaan magaalada Jowhar.

Mooshin laga keeno Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ku dhaqan geli kara inay ugu horeyn soo jeediyeen 33 Xildhibaan, waxaana uu xilkiisa ku weyn karaa saddex meel labo meel oo ah tiro dhan 67 Xildhibaan inay Haa ugu codeeyaan.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (15)

  1. Ahmed Najaad says:

    Kaalay dawladdu maxay ugu cara-baaba’daa Hirshabeele iyo Galmudug.
    Puntland iyo Jubaland faraha lalama gali karo miyaa? Mase waa jamuuriyado gaar ah.

  2. NuurkaNederland says:

    ISKA DHAAFA SHEEKADAASE AKHRISO DDIGNIINTAN:-
    IS ISIS GOOD FOR THE JEWISH=ISRAELI.
    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    ISRAEL DID 9/11.
    XALANE DID 14/10=QARAXII ZOOBE.

  3. Dabshid says:

    Ahmed

    Horta Jubboland ka reeb inaad ku lifaaqdo Puntland.

    ilaa waqtii Xassan Shiikh ayaa lagu deganaa Jubbooyinka laakiin ninka ku gudban Axmed Cadde waa Kenya oo meesha dhuxusha ka gurato, dowladda Xamar uma heyso iney Kenya ka ceyriso Kismaayo dhan military iyo dhan siyaasadda Caalamka.

    Midda Hirshabeele iyo Galmudug maahan maamulo iyo shacab taageersan ama aamimsan Federaal beeleedka,Waare iyo Xaaf waa wakiilada Villada u qaabilsan goboladaas, dhanka isku xirka iyo horjoogenimada.

    Puntland waa maamul hal jufo oo la mid maahan maamulada kale oo ah qabiilo iyo deegaan kala duwan, sidoo kale ilaa 60kii Masuuliyiinta Villadu kama fileyn Canshuur iyo daacadnimo.

  4. Land of Punt says:

    Gudoomiyaha Hirshabeele mr Waare ayaa yiri: wixii Somalia dumiyey oo ahaa in goboladii la dayacay markay gaajooden kulli Xamar isku yimaadeen, ilaa magaaladii dad la qaraxday
    Xamar meel ahayn xitaa driving lesson ma bixin karto….!!!
    Waare waxaan ku xasuustaa: wuxuu yiri dadbaa nolol naga sugaya na doortay!
    Good luck mr Waare.
    Xaaf kama sokeeyo, wuu gartay in wadan hal magaalo noqon karin.
    In dhuusamareeb ama Bosaso barwaaqo noqotay waa baraaraha Xamar, taas dabaal baan ogeyn 😐

  5. C/Raxmaan says:

    Horjoogayaasha maamulgoboleedyadu ma aha kuwo u adeega dadka ay matalaan . Ma aha kuwo doonayo iney hormariyaan deegaanka ay ka masuulka yihiin . Maskaxdooda kuma jirto iney fidiyaan / daadajiyaan maamulka ilaa heerka ugu hooseeyo. Talada uguma jirto iney qaadaan canshuurta Beriga iyo dhamaan canshuuraha baaqda . Waxay ragani deganyihiin hoteello ku yaal Xamar , Nairobi iyo FUUFUULAND. Waxay u heelanyihiin oo kaliya iney ka warhayaan lacagaha deeqda ah ee ay ku YABOOHDA Bulsho ku sheegta caalamka.

    Nasiibdarro / amaba nasiib-wanaag TUUGTAASI qaarkood waxay ku guuleysteen iney aamusiyaan shacabkooda . Inta uu shacabka Soomaaliyeed GEEL KU dhexraacayo ( fikirka ) magaalooyinka tuugtaas ayaanu ku kala taageereynaa boodka iyo dayaca ay nagu hayaan . Waayo SANAMKA aan caabudno ayaa na farayo inaan ku silicno adduun iyo aakhiraba.
    ______

    Dadkeena illaa iyo maalinkaan maanta qofkastoo naga mid ah magac-uyaalkiisa waa mid WADAR ah . Midkastaba waxuu hadalka ka bilaabaa = Anaga = Waxaad moodaa inaan ka qadnay dhaxalkii Nabiga SCW .

  6. Jabhad says:

    Shekadii madaxwayne waare waxay ahayd mid

    Xigmad leh shabeel baa loo yimi waxaa la yiri laguu

    Waran caruurtadii geel baa ku tuntay shabelki wuxu

    Yiri geel mahayn ee Ari buu ahaa war gorman

    Anaga Ari noqonay kuye odayga wuxuu ku le yahay

    Galmudug iyo hirshabele awood badan maleh oo

    Dowlada ku durdurisa war ileen tanoo kale lool

  7. Garqaad says:

    Bye bye waare. Waanu ka badanahay dad yar oo xumaanta isku raaco. Waanu ka badanahay dad yar oo hunguriga sixun u raadiyo.

    Dhulka wobiyada ee xurta ah waxaa wakiil ka ah mudane xasan cali kheyre. iyo farmaajo.

    Dadka wanaagsan waxaa lagu yaqanaa. In ay is qabtaan. Hadii qolo marto wado qaldan. In la helo qolo kale oo kasoo hor jeesato.

    Dhib ma jiro. Libaax xasan cali kheyre. Ayaa markii hore no keenay hadana isagii ayaa na dhaafinaayo. Oo weliba midkii doono kenaayo.

    Waxaa madaxweyne farmaajo. Laga la.yahay in uu tolkii uga adkaado. Siduu xasan cali kheyre tolkii uga adkaaday.

  8. Dabshid says:

    Garqaad

    Kkkkkk

    Ma waxaad leedahey dad yar oo isla Guurto, isla jilaabto, marna isla burcad badeeyo ma noqon karno.

    Bad ma noqonkarto Qulateyn, ee waarow adigaa hal qof ah ee is fududee.

    – Kursiga Villada ayaa rag si tartiiba uga qulquleen Macaado laahi Kursi magac u yaal ah.

    * Madaxweyne haa madaxweyne mar i dhahayeey

  9. Dabshid says:

    Isla Ugaarto

  10. Garqaad says:

    Dabshid.

    Somalidu runta isuma sheegto. Meesha waxaa ka maqan shaqadii madaxweynaha.

    Madaxweyne farmaajo waa in uu tolkii sifiican ula macaamilaa wexey rabaan siyaa ee dadka kusoo dhex daraa. Ama waa in uu awood u adeegsadaa. Siyaasad u adeegsadaaba. Uu dad kasoo saaro meel loo raaco leh.

    Caqli gal maaha waayeelada waan soo aruurinayaa. Kuwii kalana af kama keeni karo. Dulqaadkii in uu naga sii dhamanaayo. Waxaad ka aqrisan kartaa hadalka mudane waare.

    Hadalka governo waare wuxuu ahaa hadal mugweyn leh. Inkastoo anigu aanan jecleyn calool ka hadalka.

  11. Jabhad says:

    Waare waa la cawinaya intey puntland jirto waa la

    Difacaya federalka madaxwayne farnajo waa inuu

    Ilaaliyo federalka dhiig baa loo soo huray waxa loga

    Baxay boobkii iyo isbaradii dad baa weli radinaya in

    Somalia dib u burburto la idinka yeeli maayo .. lool

  12. Garqaad says:

    Federaalka somaliya wuxuu faraj u noqoyay dadkii la biili jiray. Kkkkkkkkkk

    Federaalka aduun ka ka jiro maaha in wax lagu siiyo ama aad adigu dad kale wax siiso. Ee waa in wax laysku darsado.

    Alla maxaa federal qalad laga fahmay.

    Reer aan ogohoow meel laydiin raaco yeesha.

    Federaal ayaad keenteen weydinka yeelnay. Idinka ayaa diiday in uu sheqeeyo.

    Madaxweyne somaliyeed ayaad qabiil ku dideen. weydinka bedelnay mid reerkiina ah ayaan keenay isagiina waad diideen. Doontii in laydinku celiyo moyee anigu garan maayo xal kale oo laydiin haayo.

    warku waa kaftan. Cafis dhamaan.

  13. Jabhad says:

    Dontee ninkii adiga ku xoreyey haduu doon ku yimi

    Adaa cirka roob ku og lool

  14. xaange says:

    Miskiin baa miska la fuulo leh laakiin waaroow haadaad xukunka ku waari weydo war ha kaa haro

  15. Land of Punt says:

    C/Raxman
    Salaan sare Boowe✊
    Allow yaa talada dalka kuu dhiiba, hadaadba aaminsan tahay xukunka hala gaarsiiyo tuulada oo tuuladooda baahida jirta sida ka rabaan ayaga wax laga weydiin toodana socon, that means real democracy for Somalia.
    Allow naga qabo mooryaanta Xamar nabadda u diiday oo dalka afduub ku haystay naf iyo maal from 1990.
    Farmaajo la sheegayo waa lahayste Ugandese Xalane ku waardiyeystaan inta diyaarad shirgeysa ka imaanayso.
    Villa Somalia Ugandesekii waxay yiraadeen ambigaaga kuma sugi karno.
    Jid mino laguu dhigin, hadaan helikopter kugu geyn lahayn basuka kusoo ridin, ee joog Xalane.
    Waa run Farmaajo oi villa Somalia jooga hadaad aragto tagsi Murursade ayuu jilbaab kusoo galay Villada.
    Maaha madaxweyne sharaf inta magaalada soo shexmara baabuur daadihinaysa madaxtooyada taga.
    Run
    Taas yaa moog.




Daawo: Maxaa dhexmaray Madaxwayne Mustafe Cagjar iyo Waxgaradkii Beesha Dhulbahante ee JIG-JIGA Soo Gaadhay
- Nov 16, 2018
Jigjiga  ( Kalshaale ) Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa magaalada Jigjiga kusoo dhoweeyay ...
Jen. Indho-cadde oo ka hadlay halka ay Shabaab ka helaan Dharka Ciidamada Dawladda iyo Hubka
- Nov 16, 2018
Muqdisho  ( Kalshaale) Gen Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda, ...
Galmudug : Wararkii ugu dambeeyay dagaal ay ciidamada DF ka gaadheen guulo oo dhacay
- Nov 16, 2018
Laascaanod ( Kalshaale) Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo ...
MUUQAAL: Gabadh uu dhalay Wariye Soomaaliyeed oo Caan ah oo Shaqo ka Heshay Xafiiska Duqa London (Daawo)
- Nov 16, 2018
London ( Kalshaale ) Xafsa Cabdixaafid Maxamuud oo ah Gabadh Soomaaliyeed oo 17-jir ah ...
MUUQAAL: Qaramadda Midoobay oo War kasoo saartay [Saldhiga Berbera] Iyo Xiisada Puntland iyo Soomaliland
- Nov 16, 2018
Laascaanod ( Kalshaale ) Warbixintii ay sii deysay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunaqabateynta ...