Arin yaab leh oo ka dhacday Galmudug “Xildhibaanno iskuma imaan ee shacab ayaa meesha laga buuxiyey” (Warbixin)

Cadaado ( Kalshaale ) Qeyb ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo fadhigoodu ahaa Dhuusamareeb ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey guddoomiye Cali Gacal Casir.

Doodda mooshinka looga qaadayo oo ilaa shalay socotay waxaa soo xaadiray 147, codeynta dhacday waxaa in Cali Gacal Casir la tuuro ogolaatay 146, hal Xildhibaan ayaa aamusay.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa warbaahinta u sheegay in 146 Xildhibaan ay isku raaceen xil ka qaadista Guddoomiye Cali Gacal, halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.

Dhinaca kale Cali Gacal Gudoomiyaha la sheegay in Xilka laga qaaday oo Arintan ka hadlay ayaa sheegay in dadka hoolka ku shiray ee xilka ka qaaday aysan aheyn Xildhibaanada Galmudug, waxa uuna tilmaamay in dadkaasi ahaayeen dad shacab ah iyo xubno dhinac Galmudug kasoo galay Baarlamaanka.

“Xildhibaanno la aqoonsan yahay ma aha waa fowdo, dad shacab ah ayaa meesha lagu soo uruuriyey, aad ayaana uga xumahay, xildhibaannadii dhabta ahaa ee reer Galmudugna way joogaan”. Ayuu yiri Cali Gacal.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Xildhibaanadii dhinaca Ahlu sunna kasoo galay Baarlamaanka in aysan wali aheyn Xildhibaano ah laguna heshiin, waxa uuna xusay in ay jireen sadbursi iyo is fahmi waa.

Go’aanka qeyb ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo weliba fadhiyey magaalo aan fadhigooda rasmiga aheyn ay shaqada uga joojiyeen guddoomiye Cali Casir , Ayaa muujinaysa in Xiisadii Shirkii Kismaayo ka  bilaabatay ay deegaano kale kusii Fiday.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (7)

  1. Garqaad says:

    Iska hadaaf hadii xilkii laga qaaday. Orod shaqo u doono villa xamar.

    Shacab ayaa la aruuriyay iyo nacnac looma baahno. Awalba danahaaga ayaad wadatay haruu soco.

  2. Dabshid says:

    Garqaad

    Kkkk

    Ma waxaad leedahey adiguba ragbaad ku xugmisey ayagoo Salaadda Casir jiro in laga guuleystey waqtigii doorashadii hore ( Shiikh C/qaadir Cali Cumar )

    Waa sharciga Federaal Itoobiya ee qul qul duqow.

    * War Ninkow Ninkow Ninkow **

  3. Garqaad says:

    Dabshid waan kusalamay imaan.

    Waa sidaas. Dadkaanu wexey ku fiican yihiin waa lagaa guleystay ee wadada ku qulqul wey yaqanaan. Minaan hadda balaayo kale hoosta wax uga sheegin.

    Gacal iyo madaxweyne ku xigeenka galmudug anigu waxaan u arkaa in ay caqabad ku yihiin galmudug. Weliba maaha dad ku sheqeeyo aragtidooda. Ha hilmaamin Reerkii warculus ahaa daaha gadaashiisa ayey taagan yihiin. Hadaanan anigu cuneyn yaan lagu nacfin. Kkkkkk dhaqan Reer bari iga dheh.

    Waan ku salaamay somali girl.

  4. Land of Punt says:

    Waa baan la yaabi jirey Puntland oo 66 xildhibaan samaysatay, Waa oran jirey waa badan yihiin, gobol faqri ah ma hayn karo 66 xildhibaan gobol, dad 5 gobol kakala yimid Sool, Sanaag, Bari, Nugaal iyo Mudug oo deked,airports iyo 60 magaalo canshuur kasom gasho.
    Waxaa yimid Galmudug oo hal gobol xitaa wada haysan oo 285 xildhibaan…kkkkkkk
    Masaajidka ciyaarta ka daaya..
    Daanyeeryahay.
    Kkkkk

  5. Land of Punt says:

    Bal sheekada kor ku qoran aqriya..
    Kkķkk
    147 xildhibaan xaadir ahaa oo casilay gudoomiyihii, bar ku dhow maqan yahay@
    Jkkkķkk
    Give a break, dad MR Bahal, Dabshid, Cadaado iyo Garqaad u

  6. Land of Punt says:

    MR Bahal, Dabshid, Cadaado iyo Garqaad.
    Inta puntland ka daba yuusaysaan waxaa hiil idiinka baahan in gobolkiina u gurmataan sida nin waalan xaarkooda cunaya.
    Bal aqriya waxa warkaan laga hadlayo: ma ooyaa mise waa ku qoslaa.
    Dadka Galmudug dega gudaha iyo qurbaha cidna uma maqan. .
    Misaakiin.
    Puntland tashatay ka dabayuusaya.
    kkkķkk
    Mardhow gobolada kale Shariif Sakiin iyo Ahmed Madoobe ayaa Xamar farta dhexe u taagin hadan la fahmin in dalka taladiisa in nin iska yimid kelig lahayn..!!!
    Kķkkjjj😂

  7. Land of Punt says:

    Gudoomiyaha Hirshabeele mr Waare ayaa yiri,wixii Somalia dumiyey oo ahaa in goboladii la dayacay markay gaajooden kulli Xamar isku yimaadeen, ilaa magaaladii dad la qaraxday
    Xamar meel ahayn xitaa driving lesson ma bixin karto….!!!
    Waare wuxuu yiri dadbaa nolol naga sugaya na doortay!
    Good luck mr Waare.
    Xaaf kama sokeeyo, wuu gartay in wadan hal magaalo noqon karin.
    In dhuusamareeb ama Bosaso barwaaqo noqotay wa baraaha Xamar.




Daawo: C.wali Gaas oo kulan la qaatay Golaha deegaanka Boosaso (Muuqaal)
- Sep 24, 2018
Boosaaso ( Kalshaale)  Madaxwyanaha Puntland C.wali Gaas ayaa kulan la qaatay xubnaha cusub ee ...
Askar ka tirsan Puntland oo Bosaso lagu dilay, Warar dheeraad kasoo baxaya
- Sep 24, 2018
Boosaso ( Kalshaale ) Magaalada Bosaso ayaa la sheegayaa in lagu dilay labo askeri, ...
Daawo Video: Eng. Yariisow “Waxa Jira XILDHIBAANO doonaya inay la baxaan kuwii Axmed dawlo Muqdisho ku gubay
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale)  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu ...
Muuqaal: Cabdi Shire “Waan ka seexan Waayey Ninkii la gubay, Waa in AROOS Qaran loo sameeyo Wiilka iyo Gabadha’
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ...
MUUQAAL: Xildhibaan Aamina ” Waa in maxkamad lasoo taago dadkii Dilay ee ku gubay Axmed Dowlo Xamar (Video)
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildh Aamina " Waa in maxkamad lasoo taago dadkii ka danbeeyay ...