Maxaa looga hadlay Shirka ka IGAD ee Addis ababa & doorka Somalia (Sawiro)

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD.

Madaxda dalalka ku mideysan Ururka IGAD ayaa muddo hal maalin ah oo shirku socanayo waxa ay kaga arrinsanayaan dhammeystirka dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka ku mideysan IGAD.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa iska xog-wareysanaya qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aadan dhameystirka heshiiska lagu soo afjarayo colaada iyo dib-u-soo celinta nabadda dalka Koonfurta Suudaan, iyadoona Guddi Madaxeedka loo xil saaray arrinkan laga dhageysan doono warbixin ku saabsan qodobbadii laga fuliyey heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa la wadaagi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan xoojinta iskaashiga, wax wada-qabsiga iyo nabadeynta dalalka Gobolka, si looga gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika guud ahaan gaar ahaan midda Geeska Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa dadaallada ku qotama nabadaynta, kor u qaadidda iskaashiga dhaqaale iyo is-dhex galka bulsho ee dalalka Geeska Afrika .


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (4)

  1. ciise binu axmed says:

    hhhhh WAAR ILAYN CEEB LOOMA DHINTO,,maamul goboleedkii somalida ethiopia ayaa farmaajo kusoo dhoweysey ,eeriboorka adis-ababa,,arintani waxay kuu cadaynaysaa inaanay somaliya wax saamayn siyaasadeed ah ku lahayn geeska afrika oo la yasayo,,madaxweynaha djibouti oo 700.000 oo kun oo qof xukumana waxaa ka hor tegey raysal wasaaraha ethiopia dr abey ahmed ,ceeb u dhimo somalidii wuu ceebeeyey wallaahi hhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhh

  2. Hayaan says:

    Ciise Binu man:

    Haddii ceebi cidi u dhimanayso waxaa u dhimanaya SNM AKA JEEGAANTA. Waayo family yar oo 3 Magaalo dega ayaa 26 sano dadkoodq been u sheegayey iyadoo Addunkuna ku qoslayo.

    Madaxweynaha Soomaaliya sharaf ayuu mudan yahay maagida aad maagaysana waa iska cadahay oo waa qabyaaladii Mr Duur idinku sheegay 70% chronic tripe lover maad kuwaas ku tiraahdid hadala aad ku canjarafaynayso Madaxweynaha??

    Maad ku tiraahdid Aadan Zero Markuu Masaajidka dhexdiisa qabiil Kaga dhex qudbaynaayo.

    Mr Ciise Dhuumo oo is qari

  3. ciise binu axmed says:

    hayaan
    adeer waa riyoonaysaa ,somaliland waa dawlad afrika oo dhan ka hor marsan oo ay ku daydaan ,casharona afrika u dhigtay ,adduunkii baa ka yaaban waddan aan weli la aqoonsan oo 26sano gudohood ku gaadhey BIOMATERIC REGISTRATION oo weliba afrika ku yaal waana dalkii koobaad afrika ee heer kaa gaadha,,hadal iyo dhaantii ,ninkani magacii somali wuu ceebeeyey anaguna waanu la wadaagnaa magaca somali,,balse waanu somaliya maalin dhow magaca somali waanu uga guuri doonaa,ceeb uun bay noosoo hoynayaan

  4. Hayaan says:

    Ciise binu man?

    Biomateric Registration!!!!!!!!!!!’

    Su’aal aan kuwaydiiyo markee baad run sheegaysaan Hargaisa dhakhtar ma leh biyo ma leh qashinka wadooyinka lama mari karo wadan aan intaas midna lahayn sidee ku gaadhay BIOMATERIC REG? Caawimada ama tuugsiga aad EURO ka heshaan miyaa horumar ah waa uun beentii aad noo sheegi jirteen.




Daawo: C.wali Gaas oo kulan la qaatay Golaha deegaanka Boosaso (Muuqaal)
- Sep 24, 2018
Boosaaso ( Kalshaale)  Madaxwyanaha Puntland C.wali Gaas ayaa kulan la qaatay xubnaha cusub ee ...
Askar ka tirsan Puntland oo Bosaso lagu dilay, Warar dheeraad kasoo baxaya
- Sep 24, 2018
Boosaso ( Kalshaale ) Magaalada Bosaso ayaa la sheegayaa in lagu dilay labo askeri, ...
Daawo Video: Eng. Yariisow “Waxa Jira XILDHIBAANO doonaya inay la baxaan kuwii Axmed dawlo Muqdisho ku gubay
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale)  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu ...
Muuqaal: Cabdi Shire “Waan ka seexan Waayey Ninkii la gubay, Waa in AROOS Qaran loo sameeyo Wiilka iyo Gabadha’
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ...
MUUQAAL: Xildhibaan Aamina ” Waa in maxkamad lasoo taago dadkii Dilay ee ku gubay Axmed Dowlo Xamar (Video)
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildh Aamina " Waa in maxkamad lasoo taago dadkii ka danbeeyay ...