Daawo: Khasaaraha dagaalkii shalay oo Kordhey iyo Gudi ka tegay Laascaanod

Laascaanood ( Kalshaale)  Guddi ka kooban Culimo iyo Odoyaal oo isu xilqaamay nabadaynta ayaa saaka shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood , Waxaa ay gudigani baaq canaan iyo caqli celin ah u direen labadan beelood ee shaqaaqada soo noq noqotay ku dhex maray magaalooyinka Dhumay iyo Dabataag .

Gudigan ayaa ugu baaqay labadan beelood in ay Ilaahey iyo Ummadaba ka xidhoodaan oo aanay beelahani u tali Wiil Qori wata oo intuu dad laayo hadana iyaga isku qariya iyana ay difaacaan oo halkaasi dagaal kale ka qarxo kuna nawaayaan dad badan .

Gudigan ayaa sheegay in ay ku dhaawacmeen dagaalkii shaaly 62 Qof , 16 ay ku dhinteen dhibaatadaa dhacday aanay sii socon , hubka iyo gurmadka labadan beelood ay wadaan iminkana la joojiyo oo Alle loo soo noqdo .

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Waxaa ay sidoo kale Siyaasiyiintii shalay ka hadlay Hargeisa iyo Garoowe ugu baaqeen in ay joojiyaan Hadalla ay ku dhex qarinayaan Danahooda Siyaasadeed oo ay u dirayaan labadan beelood , isla markana sidii dabkaa loo damin lahaa ka shaqeeyaan hadalka aan ficilkawadana ee again Nabada ka shaqaynayaan iska daayaan.

Ugu danbayntii , Gudigan ayaa iminka ka anbabaxay magaalada Laascaanood , iyagoo ku jeeda deegaanadii ay dhibaatadu ka dhacey , Waxaa la laayey Haween Waayeel iwm Waxaana iminka labadan beelood ay isu horfadhiyaan goobihii shaya dagaalku uu ka dhacey iyagoo soo dhoobay awoodoodii Hub Ciidan iwn

Ugu danbayntii , Gudigan Nabadaynta ayaa u baahan Taageero kala duwan oo isugu jirta u Qabsoomid , Dhaqaale iyo in lala shaqeeyo .

Walaalayaal Dagaalka Hala Joojiyo .

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (9)

  1. xaange says:

    War dholbahantow runta isu sheega reerkaa Bahararsame waa far dheeraatay maalinba qolo ayay isku taagaan. Ilaahay umada ha kala qaboojo laakiin waa in runta la isu sheegaa reerkaa isha ha lagu hayo.

  2. Kalahage says:

    Xaange

    Oo haday hada ka hor cumar maxamuud isku dhaceen ma far dheeraatay bay noqdeen war dadka waa loo gar naqaayee la iskama xukumo.

    Sida aan taariikhda ku hayo bah ararsame waa reerka ugu nabada jecel dhulbahante.u badi in laga gardaran yahay.

    Ilaahay ha kala qaboojiyo.

    Kollay wiil yar oo reer baadiya ah oo qori wata sida nabad looga keeno wey adag tahay.

  3. Kalahage says:

    Waagay bah ararsame reerka u talin jireen dhulbahante wuu calan walayn jiray hayeeshee hada habar kasta garaad waxay ku sheegtay ayey caano ku shubtay ka dibna meelahaa u qadhaab tageen.

    Waa laga yaabaa waxanay garaadada ku sheegaan ee faraha daban ee subax kasta la magacaabo haday iska daadiyaan in sharaftoodii soo laabato.

    Anagu dhulbahante oo hal garaad leh baan ogayn mudo yar ka hor iyo mid xin loo sameeyey ka dib tusbax go’ay bay noqdeen.

    Anna caag caano ah ii keena ayaa ka dhacday.

  4. cabdi yare says:

    alle hakala qabojiyo nabadana hafansiyo

  5. Land of Punt says:

    Ilaahay hakala qaboojiyo.
    Dhulbahante beryahaan meel inkaarta uga timid garan maayo.
    Tolow ma Iidoorka ayaa isku hubaynaya?
    Qaybi oo xukun?
    Rag ayagii sidaas isugelaya ma Dhabayacaa tolnimo ka sugeysa?

  6. cabdi yare says:

    waxa wanaagsan in ergadaa isxilqantay lodaayo laga daayo doco docaynta

  7. Land of Punt says:

    Kalahage
    Sxb meel hadda beelood oo walaalo ah oo isfilaya in qolo eedeeyo ma rabo laakiin Bah Ararsame hadaad colaad Harti ama Dhulbahante maqasho lug bay kuleeyihiin.
    Carada oo nabad Xaabsade ayaa Sool kusoo hogaamiyey asagoo wasiir Puntland ah.
    Cali Khaliif waa dhuloos madaxa isu geliyey.
    Kulli Baharasame..
    Waxaa lagu xantaa Madhibaan-Ma dareemin!
    Allow kala qabooji oo xaqa tus, in dagaal useless ah yahay.

  8. xaange says:

    Kalahage
    Sxb walaahi igama aha cumar maxamuud bay is laayeen ee Bahararsame wax ka sheeg ee reerka ehel baan nahay dhulbahantaha kale way iiga sokeeyaan waayo wax walba ayaanu isu nahay waxaana jeclahay inay wanaag iyo dhib la’aan noolaadaan lkn waa wax jira weligood sokeeyaha ayay u xoog weyn yihiin ee sanadihiii ugu dambeeyey car ii sheeg sanad ayna qolo isku dhacayn.
    Ilaahay miyirka reerka ha ku sugo.

  9. Kalahage says:

    Xaange

    Anigu ma hayo bahararsame ay dad islaynayaan aan ka qoladan hada ay islaynayaan oo la leeyahay lug ayaa ku jirta.

    Adinkana waa la ogaa markaad isku dhacdeen inaad inku biloowdeen maxaa yeelay dhul la wada daaqi jiray ayaad baraago ka qodateen iyada oon laga wada hadlin.

    War reerku reero dagaal ma aha ha arkin siyaasadaha khaldan ee maamuladu ka dhex wadaan beelaha.




Daawo: Maxaa dhexmaray Madaxwayne Mustafe Cagjar iyo Waxgaradkii Beesha Dhulbahante ee JIG-JIGA Soo Gaadhay
- Nov 16, 2018
Jigjiga  ( Kalshaale ) Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa magaalada Jigjiga kusoo dhoweeyay ...
Jen. Indho-cadde oo ka hadlay halka ay Shabaab ka helaan Dharka Ciidamada Dawladda iyo Hubka
- Nov 16, 2018
Muqdisho  ( Kalshaale) Gen Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda, ...
Galmudug : Wararkii ugu dambeeyay dagaal ay ciidamada DF ka gaadheen guulo oo dhacay
- Nov 16, 2018
Laascaanod ( Kalshaale) Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo ...
MUUQAAL: Gabadh uu dhalay Wariye Soomaaliyeed oo Caan ah oo Shaqo ka Heshay Xafiiska Duqa London (Daawo)
- Nov 16, 2018
London ( Kalshaale ) Xafsa Cabdixaafid Maxamuud oo ah Gabadh Soomaaliyeed oo 17-jir ah ...
MUUQAAL: Qaramadda Midoobay oo War kasoo saartay [Saldhiga Berbera] Iyo Xiisada Puntland iyo Soomaliland
- Nov 16, 2018
Laascaanod ( Kalshaale ) Warbixintii ay sii deysay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunaqabateynta ...