Bangiga Amal Bank oo Soo Bandhigay Adeegyo Cusub iyo Maal Gelin uu u Samayo Dhalinayarada (Muuqaal)

Bangiga Amal oo ka mida Bangiyada ugu waawayn ugu macaamiisha badan ee Somalia isla markaaana la
aas aasey 1998 ayaa Laantiisa magaalada Laascaanood ku soo bandhigay adeegyada uu bixiyo bangigaasi ,
gaar ahaan adeegyada Cusub ee uu soo kordhiyey bangigaasi macaamiishiisa.

Kulan ay u qabteen Masuuliyiinta bangigaasi Macaamiishiisa magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ay soo kordhiyeen
adeegyo cusub oo ay ka mid yihiin adeegada Telefoonada iyo Internetka , kaas oo ay dhamaytireen dhamaan
habsami u socodka adeegyadaasi iyo kuwo kale oo bar bar socda.

Sidoo kale ,Waxaa uu sheegay in Bangiga uu u soo bandhigay adeegyo ay ku houmarinayaan Dhaqaalohooda iyo ganacsigooda.

Madaxa Suuq gaynta Shirkada Amal ee gobolka Sool Aadan Cabdi Cali ayaa u dul marey muhiimada Macaamiishii ka soo qayb gashey kulankan waxa ay yihiin adeegyadani :

1: Adeega Kaydka Dhaqaalaha: (Savving Account) Waa adeeg qofka si bilaash uu ugu kaydinayo Bangigu dhaqaalihiis , isla markaana si amaano ah uu haynayo bangiga xilliga uu baahdona uu la baxayo .

2: Adeega (Current Account) oo ah adeeg ay macaamiishu ay si joogto ah u isticmaalaan , Waxaana bangigu macaamiishiisa uu si joogto u adeegsanayaan dhaqaalaha ay ku ritaan qaybtan .

3: Adeega Maalgelinta (Investiment Account): Adeegan ayaa ah in la maalgeliyo bulshada isla markaana la siiyo
waqti uu si tartiib tartiib uu ugu soo celiyo dhaqaalihii uu ku maalgeliyey bangiga , Waxaana adeegan ka faa’iidaystay
boqolaal kun oo qof oo ku nool gayiga Somalia oo u badan ganacsatada yar yar iwm , Waxaana adeegan uu noqday adeegyada Bangiga Amal uu bixiyo kuwo
loogu isticmaalka badan yahay .

4: Adeega gaarka ah ee qofka ganacsaadaha ah ee uu bangigu bixiyo , kaas oo ah qofku ganacsadaha ahi inuu siinayo maalgelin gaar ah oo uu ku dhiir gelinayo kobcinta dhaqaalihiisa .

6: Sidoo kale , Bangiga ayaa bixiya adeega loo yaqaano Online Banking oo ah adeega aad ka maamulanayo dhamaan adeegyadaada Mobile kaaga .

7: Adeega Mobile ee ku hadalka ah , Waxaana uu ka mid yahey adeegani kuwo kuugu diyaaara bangiga oo aad kala hadli karto dunida meeshaad rabo.

8:Adeega Marwo : Waa adeeg Kayd ah oo u gaara Hooyooyinka , Waana adeeg ay ku kaydsaan dhaqaalohooda si ay uga maarmaan Hagbadihii ay kala kulmi jireen dhibaatooyinka , Waana adeeg ay ku aa’iideen Hooyooyin badan .

HALKAN KA DAAWO

9: Adeega Wedding (Aroos) Waana aadeega ay dhalinyarada ku kaydsadaan dhaqaalhooda si ay ugu diyaargaroobaan dhisida iyo yagleelida Qoys ama reer , Waxaaana uu u sahlayaa dhalinyarada in ay dhaqaalohooda si tartiib tartiib ah
ugu kaydsadaan hadba waxa uga baahan in ay dhigtaan arooskooda Mustaqbaleed halkaana uu uga baaqdo dhibaato dhaqaale oo uu la kulmo xilliga uu arooska.

10: Adeega , Cimradaiyo Xajka , Waa adeeg isna Bangiga uu u hayo bulshadiisa , Qofkuna uu ku kaydsanayo dhaqaalihiisa,
Waxaana uu qaybtani ku gaadhayaa in uu helo dhaqaale uu ka Xajiyo .

11: Adeegyada kala duwan ee Dhalinyarada gaar ahaan dhinacyada Waxbarashada u diyaar garoawga Mustaqbalka dhanka dhaqaalaha gaar ahaan Caruurta oo dhamaantood bangigu uu u sahlayo in ay ku houmariyaan Noloshooda iyo dhaqaalohooda isla markaana mustaqbalka ardayda iyo caruurtaba loogu samaynayo dhaqaale ay mustaqbalkooda
lagu kaabo .

Dhinaca kale , Gudoomiyaha guud ee Bangiga Amal ee gobolka Sool Siciid Cabdi Ducaale Waxaa uu ugu bishaareeyey bulshada Bangigu ka haqab tirayo

dhamaan baahiyaha dhanka dhaqaale oo uu bangigu ka siinayo ganac qabasho iyo taakulayn , Waxaana sidoo kale
uu gudoomiyuhu sheegay in baniga Amal uu bixyo dhaqaale badan oo ku kaabo qaar ka mida goobaha muhiim ka ah ee
bulshada gobolka Sool , sida Cusbitaalka guud gaar ahaan qaybta TB da, Qaar ka mida Jaamacaha , Macaahida , Nabadynta Beelaha iwm .

Ugu danbayntii , Waxaa uu bangiga Amal Bank Kula Talinayaa bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada ku dhaqan
magaalada Laascanood in ay yeeshaan Kayd dhaqaale , si noloshoodu u horumarto .

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (5)

  1. BARAWANI KING says:

    SALAAMU CALEEKUM

    War odyaashaa HAWL-GABKA shaqada ka fadhiisiya oo dhalinyarada wax-baratay shaqada ha loo dhiibo.

    Dhalinyarada (Hablo iyo wiilal) oo jaamicadaha ka soo qalin jebiyey shaqada ha loo dhiibo.

    Dadkaan meesha ka muuqda ee HAWLGABKA shaqada ka fadhiisiya.

    Waa iga tallo.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  2. shaxda says:

    Wiil qardho adiga Midan Ayaa Ku Anfaceysa
    Ileeeey Oo Aqiro Loo Diray Aqriso

    Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Omar Cagjar ayaa soo dhoweeyey talaabada maanta dowlada Itoobiya ay xabsiga ku dhigtay madaxweynihii isaga ka horeeyey ee degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

    Waxaa uu sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu istaahilo in xabsiga la dhigo, uuna geystay xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo aan la cafin Karin

  3. BARAWANI KING says:

    SHAXDA:

    Saaxiiboow, inta uusan qaban MOXAMED CUMAR ILEEEY DDSI, waxeey ahayd dundumo.

    Madaxweynaashiii ka horeeyey wax ay qabteen ma jidhin. Masuqmaasuq ayee meesha ku hayeen.

    Madaxweynaha la xisaabtamay DF EE ETHIOPIA wuxuu ahaa MOXAMED CUMAR ILEEY.

    Sax waa run in MOXAMED CUMAR ILEEEY in uu dad xidh xidhay oo jirdilay, waa wax run ah.

    Hase yeeshee, taase maxeey keentay:

    ++ NABAD WAARTA
    ++ BARWAAQO
    ++ SHAQO ABUUR

    Intaas waxeey ku timid xabad iyo in gacan bidh ah lagu qabto DDSI.

    Saaxiiboow, SOOMAALI waa daanyeero. Waxeey cunaan iyo waxeey dilaan beey rabbaan.

    Taasna gacan bidh ah, hadii aadan kala hodh imman weey ku jiirayaan.

    Waa sugaynaa ninkaan OROMADO wadato iyo wixii uu qabto.

    Ninkaas MUSTAF indhahiisa aan u jeeda, waa nin daciif ah, oo raganimo ka dheertahay.

    BALSE WAA SUGAYNAA WIXII QABTO.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  4. BARAWANI KING says:

    SHAXDA

    Saxiiboow, MUSTAF CAGJAR hadalkiisa loo qaban maayo MOXAMED CUMAR ILEEY.

    WAAYO, waa labo nin oo cadaawad ka dhaxeeysay.

    Hadlka MUSTAF, waxaan u arkaa ka aar-gudasho.

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  5. BARAWANI KING says:

    SALAAMU CALEEKUM

    Waryaa meel ku sheega NASRO BURCO, qalanjadii aan hablaha ka doortay.

    HEESTAAN ILA QAADA:

    Dhayal looma heesee
    Dharaarti aan ku caashaqay
    Ee aad dhibtaadiyo
    Igu dhalisay hawlaha
    Dhayal looma heesee
    Dharaarti aan ku caashaqay
    Ee aad dhibtaadiyo
    Igu dhalisay hawlaha
    Dhulka oo gu’guu da’ay
    Dhinacaydan Maqaaddiish
    Dhanka midig baddii tahay
    Bidixduna dhir iyo doog
    Dhulka oo gu’guu da’ay
    Dhinacaydan Maqaaddiish
    Dhanka midig baddii tahay
    Bidixduna dhir iyo doog
    Ciiddan dhabaq guduudka ah
    Ee dhiin lo’deenniyo
    Geeluba ku dhadhamo
    Ciiddan dhabaq guduudka ah
    Ciiddan dhabaq guduudka ah
    Ee dhiin lo’deenniyo
    Geeluba ku dhadhamo
    Iyo ubaxa dhaadheer
    Iyo ubaxa dhaadheer
    Iyo ubaxan dhaadheer
    Iyo ubaxa dhaadheer
    Miyaad kala dhex taagnayd?
    Miyaad kala dhex taagnayd?
    Miyaad kala dhex taagnayd?
    Miyaad kala dhex taagnayd?

    WAXAAS BAA HEES AH OO GABADH LOO TIDHIYO.

    WAA MIRIHII ABWAAN MOXAMED SULAYMAN BIDDE
    MUUSIQII XUDAYDI IYO CODKII MOXAMED MOOGEE LIIBAAN

    MAASHLAAAAAAAAAAAAAAAHO




Daawo: C.wali Gaas oo kulan la qaatay Golaha deegaanka Boosaso (Muuqaal)
- Sep 24, 2018
Boosaaso ( Kalshaale)  Madaxwyanaha Puntland C.wali Gaas ayaa kulan la qaatay xubnaha cusub ee ...
Askar ka tirsan Puntland oo Bosaso lagu dilay, Warar dheeraad kasoo baxaya
- Sep 24, 2018
Boosaso ( Kalshaale ) Magaalada Bosaso ayaa la sheegayaa in lagu dilay labo askeri, ...
Daawo Video: Eng. Yariisow “Waxa Jira XILDHIBAANO doonaya inay la baxaan kuwii Axmed dawlo Muqdisho ku gubay
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale)  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu ...
Muuqaal: Cabdi Shire “Waan ka seexan Waayey Ninkii la gubay, Waa in AROOS Qaran loo sameeyo Wiilka iyo Gabadha’
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ...
MUUQAAL: Xildhibaan Aamina ” Waa in maxkamad lasoo taago dadkii Dilay ee ku gubay Axmed Dowlo Xamar (Video)
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildh Aamina " Waa in maxkamad lasoo taago dadkii ka danbeeyay ...