SAWIRRO: Madaxwayne Farmaajo oo Kulan la qaatay dhalinyarada (Warbixin)

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo hor-u-socodka dalka, dawladdiisuna ay diyaar u tahay in ay si dhaw ula shaqayso, fursadna ay u siiso dhallinyarada in ay qayb weyn ka qaataan dib u dhiska dalka.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka iyo dib u curashada dawladnimadeenna, waxaan ugu baaqayaa in ay muruqooda iyo maskaxdooda si mutaddawacnimo ah ugu adeegaan dalka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan xog isweydaarsi ah kula yeeshay Madaxtooyada xubno ka tirsan ururrada Dhallinyarada magaalada Muqdisho.

Madaxweynuhu waxa uu dhallinyarada uga warbixiyey xaaladda dalka, gaar ahaan siyaasadda, amniga, dhisidda iyo xoojinta hay’adaha dawladda, kobcinta dhaqaalaha iyo qorsheyaasha lagula dagaallamayo musuqmaasuqa.

Madaxweynaha ayaa xusay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku leeyihiin sugidda amniga qaranka, maadama ay yihiin tirada ugu badan shacabka Soomaaliyeed, kartida iyo howlkarnimana ay u leeyihiin difaaca dalkooda iyo dadkooda.

“Dhallinyaro, waxa la idinka rabaa in aad dawladda gacan ku siisaan dadaallada lagaga hortagayo argagaxisada iyo kooxaha nabad-diidka ah ee sida joogtada ah u gumaada haldoorka dhallinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed”

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu joogteyn doono kulamada dhallinyarada si ay u kala helaan xog rasmi ah, una kala qaataan talooka wax ku oolka ah.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Muuqaal Xiiso Leh: Kulankii dhexmaray Sheikh Maxamed Idiris iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga wax ka barta
- Oct 22, 2018
Ankara ( Kalshaale ) Kulankii dhexmaray Sheikh Maxamed Idiris iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga ...
Daawo Video: Cabdimaalik Coldoon oo Soo bandhigay Qaabkii uu Burco uga Baxsaday iyo Siduu ku gaadhay Jigjiga
- Oct 22, 2018
Jigjiga ( Kalshaale) Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dhowaan Qaab dhuumasho ah kaga baxay ...
DAAWO: Xisbiga Wadani “Muuse Biixi Maskaxdiisa Waxaa ka dhex guuxaysa Jabhadnimo, oo kama Tegayo” (Video)
- Oct 22, 2018
Laascaanod  ( Kalshaale ) Xisbiga Wadani ayaa Eedaymo culus dusha uga tuuray Madaxwaynaha Somaliland ...
Daawo Qosol: Madaxwaynaha Dibad wareega ah ee Somaliland oo sheegay inay Dumarku la taliyaan,
- Oct 22, 2018
Hargeisa ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Dibad Wareega ah ee Somaliland Mustafe Maxamed Martin ayaa ...
Madax Goboleedyada oo ku Hanjabay inay madaxweyne cusub u doorayaan dalka Iyo Khudbadii Madoobe (Daawo)
- Oct 22, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ku hanjabay inay dooranayaan madaxweyne, ...