Sacuudiga oo Sharaxaad ka bixisay sababta loo celisay xoolaha Somalia

Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Sucuudiga ayaa war kasoo saartay dhawaan xoolo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka Sucuudiga.

Wasaraadda deegaanka, dhirta iyo biyaha ee Sucuudiga ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in baaritaanno ay sameeyeen looga helay arigan, xanuunka xoolaha ku dhaca ee (Rif Valley Fever RVF) lagu magacaabo.

Xoolihii Sucuudiga laga soo celiyay ayaa tiradoodu waxa ay dhameed 27,000 oo neef, waxaana la keenay dekadda Boosaaso ee Puntland.

Xoolaha Soomaaliya ayaa ahaa kuwa ugu badan ee Sacuudiga lagu gowraco Ciidil Adxaha waxayna xujeYda Caalamka ku heli jireen qiimo raqiis ah.

Dowladda Sacuudiga ayaa markii hore isticmaali jirtay qorsho ah in Xoolaha Soomaaliya aan Sacuudiga la keenin isla markaasna la sheego inay yihiin kuwa jiran balse waxay fasixi jirtay Bisha Dulxajji maadaama xujey badan ay halkaas tagayaan isla markaasna xoolo badan la gowracay, Xoolaha Soomaaliya ayaana ahaa kuwa kaliya ee lagu dabooli jiray baahida Xujeyda.

Sanadkaan, Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay soo celiyey xoolihii loogu talagalay xujeyda ee sanad kasta halkaas la geyn jirtay waxaana soo baxayo warar sheegayo in dowlado kale ay Sacuudiga ka dajiyeen xoolo badan taasna ay keentay in laga maarmo kuwa Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa cuna qabateyn xoog leh ku heyso ganacsiga Xoolaha Soomaaliyeed waxayna taas badalkeeda jaanis siisaa dowladoo waaweyn oo aan tayo ahaan gaari karin xoolaha Soomaaliya.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (2)

  1. Garqaad says:

    Inangumeed. Nolol yar helay.

    Somalidu waa in aysan ku tashan carabaha. Wexey na siyeen cashar nagu filan.
    Wexey nagula taagsadeen. Dhibaatadii nagu dhacday.

    Canada ayey dowladeenu xumeysay. Iyadoo kaga hiilisay sucuudiga. Abaalkeeni wuxuu noqoyay. Sidaas.

  2. NuurkaNederland says:

    AAWAY TAAGEERADII INDHO LA’AANTA AHAYD EE FARMAAJO KUTAAGEERAY SACUUDIGA!.
    KA XAAXAABIHEE!.




Muuqaal: Isbadalo degdeg ah oo laga dareemay Jig-jiga iyo Arimo aan horey uga dhici Jirin oo Qabsoomay (Daawo)
- Aug 14, 2018
Jigjiga ( Kalshaale ) Tan iyo intii uu is badalka ku yimid maamulkii dowlad deegaanka ...
Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay Walaacii Jabuuti xidhiidhka Eritrea iyo Somalia, Iyo dhexdhexaadin ay Wado
- Aug 14, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii u ...
Dagaal Beeleedyo ka dilaacay dalka Itoobiya iyo dad tiro badan oo goobo kala duwan lagu dilay iyo Waxa dhacay
- Aug 14, 2018
Hargeisa ( Kalshaale ) Seddexdi maalmood ee la soo dhaafay dagaal beeleedyo deegaanna kala ...
Al-Jazeera oo Baahisay Warbixin Sir ah oo ceebeysay Imaaraadka & Sucuudiga
- Aug 14, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Talefishinka Caanka ah ee Al-Jazeera qeybtiisa Afka Carabiga ayaa heshay ...
Wasiir Bayle oo Banaanka soo dhigtay Sir ku saabsan xarunta Xalane, su’aalo Cajiib ah oo laga waydiiyey (Muuqaal)
- Aug 14, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa Su'aal laga ...