Madaxwayne Erdogan oo Hanjabay “Haddii uu Mareykanka leeyahay Dollarka anagana Alle ayaan leenahay”

Istanbul ( Kalshaale)  Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray inuu dhagaha ka fureysanayo handadaadda uga imaanaysa Mareykanka ee ku saasban xariga baadari ameerikaan ah oo Turkigu u haysto eedo la xiriira argagixisanimo.

Erdogan ayaa Mareykanka uga digay in Turkigu uu diyaar u yahay in uusan ku ganacsan wax doolar ah.

Arrintan ayaa timid kaddib markii madaxweyne Trump uu laba jibaaray canshuurta la saarayo birta iyo naxaasta Turkiga uu u dhoofiyo Mareykanka.

Mareykanka ayaa dalbanayay in la sii daayo baadarigaasi Turkiga u xiran, balse Erdogan ayaa Washigton uga digay in xiriirkoodu uusan u xumaan sababo la xiriira xarigga baadarigaasi.

Madaxweyne Erdogan oo la hadlayay boqolaal qof oo isugu soo baxay magaalada Unye ee Waqooyi bari Turkiga ayuu u sheegay in ay khalad tahay in baadari dartii Turkiga jilbaha dhulka loo dhigo.

Waxa uuna intaasi ku daray in dalkiisa uu diyaar u yahay in baayacmushtarigiisu uu ku saleeyo lacag aan doolar ahayn uuna la baayacmushtaro dalal ay ku jiraan Shiinaha, Ruushka,Iiraan iyo Ukraine.

Erdogan ayaa ugu baaqay shacabkiisa in ay dalkooda taageeraan oo lacagaha qalaad ee ay haystaan ay ku bedeshaan liiraha dalkooda.

Erdogan ayaa tilmaamay inay Alle yihiin haddii uu Mareykanka leeyahay lacagta Dollarka ah.

Dad badan oo Turki ah ayay durba saameysay hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta dalkaasi ee liiraha, waxaana dad deggan magaalada Istanbul ay BBC-da u sheegeen in xaalad xun ay ku jirta lacagta dalkaasi Turkiga.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Daawo: C.raxmaan Cirro oo Hargeisa Kasoo degay “Muuse wuxuu leeyahay Uma Baahni Khaatumo iyo Cali Khaliif”
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Hargeisa  maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyay Gudoomiyaha ...
Daawo: Faysal Waraabe oo ka hadlay Guurtida oo kordhiyey Wakhtii Baarlamaanka “Danaysteyaal bay ahaayeen”
- Jan 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale )  Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta markii 5aad xilka u kordhiyey golaha ...
Ciidamada Yuhuuda oo Duqeeyay Ciidanka Iiraan iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Jan 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale )  Ciidamada Israel ayaa xaqiijiyey inay xalay gantaalo ay ku tuureen saldhigyada ...
DAAWO: Xadhiga Sharci Darada ah ee Maanta ka taagan Hargeisa iyo Aragtidii Muuse Biixi Intaanu Xilka Qaban (Video)
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Magaalada Hargeisa waxaa  Kulamo kala duwan oo ka dhacay siwayn ...
Cabdimaalik Coldoon oo Xoriyadiisa helay, Kana hadlay Shirqoolkii uu ka badbaaday + Kulankii Mustafe Cagjar
- Jan 21, 2019
Jigjiga  ( kalshaale ) Waxaa magaalada Jigjiga soo gaadhay Wariye Cabdimaalik Coldoon iyo Saxafiyiin ...