Itoobiya oo su’aalo weydiinaysa xaaska Cabdi M. Cumar iyo Jidhdil loo geystay xubno kamid ah Maamulkii Soomaalida

Muqdisho ( Kalshaale ) Saraakiisha ammaanka dowladda Itoobiya ayaa su’aalo weydiinaya mas’uuliyiintii ugu sarraysay maamulkii uu madaxda ka ahaa Cabdi ileey ee fadhigiisu ahaa magaalada Jigjiga.

Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in saraakiisha sirdoonka iyo kuwa melleteriga ay xabsiyo gaar ah kula kulmeen wasiirro, xildhibaano iyo qaar kamid ah qoyska Cabdi ileey.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiil ka socday Xafiiska Abiy Axmed ay qeyb ka ahaayeen su’aalo weydiinta, inkabadan 50 qof oo ah mas’uuliyiintii maamulka ayaa lagu hayaa xabsiyo kuyaal magaalada Addis Ababa.

Taliyiihii Ciidamada Liyuu Booliska iyo Xaaska Cabdi Ileey ayaa la sheegay in jirdil ay kala kulmeen saraakisha Itoobiya sida ay sheegeen mucaaradka Itoobiya.

dhinaca kale ciidamada Itoobiya ayaa wali Bandaw adag ku haya shacabka ku dhaqan magaalooyinka Jigjiga iyo Dhagaxbuur, goob joogayaal ayaa sheegay in melleteriga Itoobiya ay diideen in shacabka ay isaga barakacaan magaalada.

Magaalada Dhagaxbuur melleteriga Itoobiya waxay xireen boqolaal dhalinyara ah oo ay ku eedeeyeen in ay qeyb ka yihiin xoogaga ka dagaallama dhulka Soomaaligalbeed.

Inta badan deegaannada dhulka Soomaaligalbeed hadda wax maamul ah kama jiro waxaana dadka kadeed ku haya melleteriga Itoobiya kadib markii uu burburay maamulkii uu madaxda ka ahaa Cabdi iley.

Xaaladda deegaanadaas ayaa maalmihi iugu dambeeyey aheyd mid dagan kadib khalalaaso halkaas ka dhacay laba maalin kaasoo keenay inuu is casilo madaxweynihii hore isla markaasna la doorto mid cusub oo booskaas buuxin doono.

Raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa wado isbadalo waaweyn oo uu ku sameenayo maamulada hoostago dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana muuqato in cadaadis xoog leh la saaray Tikreyga iyo Soomaalida.

Dad badan ayaa ku dhintay rabshado halkaas ka dhacay oo u dhaxeeyo qoomiyadaha Soomalida iyo Oromada inkastoo dowladda Itoobiya ay sheegtay inay halkaas geysan ciidamo Federaalka ah oo ka madax banaan labadaan qoomiyad.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (6)

  1. mohamed abdi jama says:

    Waa in si fiican loo soo dhaweeyaa maatida soo gashay gashay jam somland ee waliba somalida ah oodi ab ka dhaw gacmo furan ha lagu soo dhaweeyo waxaan ka daawaday saab tv iyagoo hadlaya magan waa la dhawraa waana la sooraa intii itaalkeena ah waa dadkeenii kilimka shanaad waana soomali soo dhaweeya intay dopnayaan ha joogeen yaan la dhibin oon dib loo celin badbaadiya waa dadkeenii

  2. BARAWANI KING says:

    SALAAMU CALEEEKUM

    Warkaase waa been. Waxba kama jidhaan waayee.

    Inshallaaho, berri baad arki doontaan OGAADEEN oo dhan oo gacmaha is-haaysta oo isu tanaasulay, oo ay ku jirto ONL. (OGADEN NATIONAL LIBERATION).

    Shalay MOORIYAAN GALMUDUG, oo qabsaday dhalinyaro ONLF se ay uga iibsadaan ETHIOPIA, sidee ay waligeed yeeli jirtay IIDOOR WAGASHLEEE.

    Maantay OGADEEEN ilbax ay noqonayaan. Ani Ogaadeen ka hadli maayo, waxaan ka hadlayaa ABSAME, ABSAME, ABSAME. Waa OGAADEEN iyo wax ay lugaha ku qaataan.

    Ku aan ku arkaayey SOCIAL MEDIA oo leh sannadkaan 2018 waa doorkii DIR.

    War heedhee, DIR xagee joogtaa.

    DDSI waxeey ka kooban tahay 9 STATE ama GOBOL.

    6 Ogaadeen baa iska leh. Midna HARTI WEYNI baa iska leh. Midna waxaa wax ka degga CIISE.

    DIRTA la sheegayo, ma tuulooyinkaan beey sheegayaan:

    ++ XARSHIN
    ++ WAJAALE
    ++ GAASHAAMO
    ++ HARTI SHEEKH

    War waa tuulooyin cidla ah.

    Hadalkaas iga qodha maantay: WAXAAD ARKI DOONTAAN, DHAWAAN:

    ++ ABSAME oo loo shaqo taggo.
    ++ ABSAME oo ka gaadhaa gullo waa weyn xukunka ETHIOPIA.
    ++ DDSI (GOBOLKA OGAADEENYA) oo noqda Gobolka ugu wax soo saar badan dhamaan ETHIOPIA.
    ++ ABSAME oo siyaasada ETHIOPIA looga dabo fadhiisto.

    Ma iga rumaysanaysaan, haddi aan idin iraahdo, DR ABIY AXMED wuxuu baryayaa OGAADEEEN oo ku leeyahay waddanka dejiya, oo nabad ku soo dabaala.

    Waxaa markhaanti doonta ah, DR ABIY wuxuu u yeeray:

    ++ SHEEKH AXMED MADOOWBE
    ++ MR. BARRE DUCAALE (KENYA)

    Taase maxeey ku tusaysaa??

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  3. Dabshid says:

    Alle waa Garsoore.

    Xaniiyo siibkii Wadaadada
    Meyd Muslim ku istaag ee DHAANTO DHAADHAAN ku kortumo

    Gabdhaha Muslimiintaa oo lagu faro xumeeyo aabayaashood hortooda si loo bahdilo.

    Biilashadii Caanaha Caruurta mar hore la diley Waalidkood.

    — Waxaas oo dhan meel cidlaa kuma dhacahayaan.

    Alle ayaa xataa u kala garsoori – caruurtii Yuhuuda ee Nazigu Foornada ku gurey, waaba Muslimiinta Soomaaliyeed ee iley Luf Luf Axmaaro uu ku gurey Jeel Ogaadeen.

    – Waxaan jeclaa inaan arko iley oo shabaq ku jiro asagoo dabo gaab qabo in Jig jiga lagu dhex wareejiyo, ka hor intaan lagu hilmaamin Jeel Xabasho.

  4. Raamsade says:

    ina iley iyo ku wii la shaqeyn jiray wixii ay galabsadeen hala mariyo yaan looga badin

  5. Mr BaHaL says:

    Ma laha dhaqanka Islaamka.Waa dad ka yaabiyay Ummada Ethopiya ee ay isku wadanka yihiin.Ma jiro dad laayay dadkooda oo ciyaar dhaqameed ku dul ciyaara.Ma yaqaanaan inay caadi u noolaadaan ilaa ay la yimaadaan dhaqan xumo ay ugu dhawaanayaan Masterkoda.Waa in la cadaabaa ninkan iyo wixii la shaqaynjirtay.

    Dalmida

  6. mohamed abdi jama says:

    Absame jidwaaq iyo daarood ismaaciil midna dagaal nagama dhexeeyo gaar ahi laakiin waxaan dagaashanahay somaliya oonu la midawnay anakoo dalgaara ah sidaa u garta oo hanoo kala eexanina somaliya iyo jam somland nimayahaw daarood ha iloobina in jam somland daarood degen yahay xamar ponu wax isku darsanay 60kii baanu ishaynaaye garta eexo naga daaya waanu idiin gudboonahaye




Muuqaal: Isbadalo degdeg ah oo laga dareemay Jig-jiga iyo Arimo aan horey uga dhici Jirin oo Qabsoomay (Daawo)
- Aug 14, 2018
Jigjiga ( Kalshaale ) Tan iyo intii uu is badalka ku yimid maamulkii dowlad deegaanka ...
Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay Walaacii Jabuuti xidhiidhka Eritrea iyo Somalia, Iyo dhexdhexaadin ay Wado
- Aug 14, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii u ...
Dagaal Beeleedyo ka dilaacay dalka Itoobiya iyo dad tiro badan oo goobo kala duwan lagu dilay iyo Waxa dhacay
- Aug 14, 2018
Hargeisa ( Kalshaale ) Seddexdi maalmood ee la soo dhaafay dagaal beeleedyo deegaanna kala ...
Al-Jazeera oo Baahisay Warbixin Sir ah oo ceebeysay Imaaraadka & Sucuudiga
- Aug 14, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Talefishinka Caanka ah ee Al-Jazeera qeybtiisa Afka Carabiga ayaa heshay ...
Wasiir Bayle oo Banaanka soo dhigtay Sir ku saabsan xarunta Xalane, su’aalo Cajiib ah oo laga waydiiyey (Muuqaal)
- Aug 14, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa Su'aal laga ...