Hargeisa: Saleebaan Koore oo 9 Bilood Xilka Hayay oo Maanta La Dhaariyay

Hargeisa ( Kalshaale ) Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa maanta madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi hortiisa ku dhaariyay Wasiirka wasaaradda biyaha ee Maamulka Somaliland Saleebaan Cali Koore, Kaasi oo Xilka Wasiirnimo hayey 9-bilood isagoo aan la dhaarin.

Nin aan is hubin oo aan la dhaarin, waa u qayla dheeraa mar haddii la dhaariyey sidhinka wax maka dhimi doonaa, ?
Sideese sagaal bilood ku hawl galayey xubin aan dhaarsanayn Halkee khaladku ka jiray?.

Golaha wasiiradda Somaliland ayaa waxaa la dhaariyay intooda badan muddo hadda laga joogo 6 bilood, hase ahaatee wasiir Koorre ayaan wakhtigaas ku jirin wasiiradii la dhaariyay, iyadoo aan la sheegin sababta aan wakhtigaas loo dhaarin.

Weli waxaa isaguna aan la dhaarin oo kamid ah golaha wasiirrada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Isha : Goobjoog


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (5)

  1. Dabshid says:

    Ina Koore wuxuu is lahaa haka hordhicin Huwanta Harti ee 6 bilood abaabulka ku jirtey, waa intaas oo ay ilaa Caynabo socdaane.

    9 bilood nin soo dhaafi waayey Tukoraq sugid dambe maleh ee Kutubka ii keena, deriskaa dhexdaa looga jiraaye.

    @ Land of Punt, ayaan ka hayaa 1000 oo Harti ah ayaa u dhimatey Meles markuu Xamar tagey, yacni CADKA RAG isku dilo ayaa lagu dagaal geliyey, yaan Xamar Bakaaro lagaaga hormarin.

    – nimanka haloo sheego yaan lagaaga hormarin MALL ka Hargeyso.

  2. Dabshid says:

    = 1000 wiil oo Harti ah

  3. sOmalilander says:

    Dabshid

    kkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkkk kkkkkkkkk daacad usoqlay walahay sxb..imtixaan ilaahay!

    😀😀😀😀

  4. Mr BaHaL says:

    Dabshid

    Maanta ayuu u soo diyaargaroobay inuu dhaarto oo uu aamino kursiga.Meeshaada iska joog ayaa ka dhacday.
    Tukaraq wax la boobaa ma jirto e waa cidlokk

    Hadii ay bakhaaro leedahay iyo meelo la boobo dagaalku waa hore ayuu dhcilahaa kkkkkkkkkkkkk

    Waar meeshu waa cidlo

    Dalmida

  5. cabdi yare says:

    asc waar waziir mabaqdin ayuu qabay




Daawo: C.raxmaan Cirro oo Hargeisa Kasoo degay “Muuse wuxuu leeyahay Uma Baahni Khaatumo iyo Cali Khaliif”
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Hargeisa  maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyay Gudoomiyaha ...
Daawo: Faysal Waraabe oo ka hadlay Guurtida oo kordhiyey Wakhtii Baarlamaanka “Danaysteyaal bay ahaayeen”
- Jan 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale )  Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta markii 5aad xilka u kordhiyey golaha ...
Ciidamada Yuhuuda oo Duqeeyay Ciidanka Iiraan iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Jan 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale )  Ciidamada Israel ayaa xaqiijiyey inay xalay gantaalo ay ku tuureen saldhigyada ...
DAAWO: Xadhiga Sharci Darada ah ee Maanta ka taagan Hargeisa iyo Aragtidii Muuse Biixi Intaanu Xilka Qaban (Video)
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Magaalada Hargeisa waxaa  Kulamo kala duwan oo ka dhacay siwayn ...
Cabdimaalik Coldoon oo Xoriyadiisa helay, Kana hadlay Shirqoolkii uu ka badbaaday + Kulankii Mustafe Cagjar
- Jan 21, 2019
Jigjiga  ( kalshaale ) Waxaa magaalada Jigjiga soo gaadhay Wariye Cabdimaalik Coldoon iyo Saxafiyiin ...