Gudiga Xuduuha oo ka hadlay Xadka Soomaaliya la wadaagto Waddamada Deriska ah iyo Muranka maamulada

Garoowe ( Kalshaale ) Guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha ku aaddan is-waafajinta Dastuurka iyo sharciyada la xariira arrimaha xadka ee aynu la wadaagno Waddamada deriska ah iyo xal ka gaarista caqabadaha xudduuddaha maamul Goboleedyada Dalka.

Guddoomiyaha guddiga xudduudaha iyo federaalka Soomaaliya, Khalliif C/kariin Maxamed, oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay kulamo la qaateen guddiyada howlahan u xil-saaran ee Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, iyagoo ka munaaqishooday sidii arrintan xal buuxa looga gaari lahaa.

Guddoomiye Khalliif ayaa sheegay in xudduuddii rasmiga ahayd ee u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya ay tahay Silig uu gumeystihii Ingiriiska ku kala xadeeyay Labada Dal, balse ay Dowladda Kenya isku dayday inay Gidaar ka dhisto, taasoo ay Dowladda Soomaalya ka Biya diidday, keentayna in Labada Madaxweyna ay ka wada hadlaan sidii loo joojin lahaa dhismaha Derbigaas.

Wuxuu sheegay Khalliif inay Soomaaliya iyo Kenya ka dhexeeyaan dano badan oo ay ka mid tahay, isu socodka Dadka iyo Ganacsiga, maaddaama ay Ciidamada Kenya qayb ka yihiin howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xudduudaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayuu sheegay inay dhowr mar Ciidanka Liyuu Boolis ka geysteen shaqaaqo ay ku dhinteen Dad Shacab ah, taasoo ah mid u baahan in Labada Dowladood ay ka wada xaajoodaan si dhibaatada Xadka ka jirta loo yareeyo.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Khalliif, in ay Madaxda Dalka ugu sarreysa ay u gudbiyeen caqabadaha ka jira xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagto Dalalka deriska ah, qorshaha arrimahaa kaga degsanna uu meel wanaagsan marayo.

Guddoomiye Khalliif ayaa waxa kale uu sheegay inay ku howlan yihiin dhammaystirka nidaamka sharci ee xudduudaha Dalka, si loo yareeyo Khilaafaadka mararka qaar ka dhex dhaca maaul Goboleedyada Dalka ee ka dhasha soohdimaha ay wadaagaan.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Daawo: Amiin Caamir oo sawir la yaab Leh ka sameeyay Madaxda maamulada Dalka ee Garoowe Shirku uga Socdo
- Oct 21, 2018
Laascaanod  ( Kalshaale ) Farshaxanka Soomaaliyeed ee Amiin Caamir ayaa Sawir Cajiib ah wuxuu ...
DAAWO: Riwaayadda Qiyaano Qoys oo ay ka Qayb galeen Dalmar yare, Farxiya Kabayare iyo Jilayaal Caan ah (Video)
- Oct 21, 2018
Minneapolis  ( Kalshaale ) Riwaayadda Qiyaano Qoys oo ay ka Qayb galeen Dalmar yare, Farxiya ...
Daawo Muuqaal: Barnaamijka Kaftanka Siyaasadda oo Xiiso badan, Arin Qosol badan, DF Somalia, Puntland iyo S.land
- Oct 21, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Kaftanka Siyaasadda ee Wariye ...
Daawo: Xasuusta dawladii Kacaanka ee 21-ka Oktoobar iyo Wixii ka dambeeyay
- Oct 21, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) 21 Oktober 1969 waxaa Soomaaliya Xukunkeeda la wareegay Dawladdii Milatariga ...
Minnesota : Gabadh Soomaaliyeed oo Soo Bandhigtay Arin Farxad gelisay Dumarka iyo Waraysi ay bixisay (Video)
- Oct 21, 2018
Minneapolis ( Kalshaale) Gabadh Soomaaliyeed oo Soo Bandhigtay Arin Farxad gelisay Dumarka iyo ...