Golaha Dhexe ee Xisbiga Deegaanka Soomaalida oo Addis Ababa gaadhay

Hargeisa ( Kalshaale)  In kabadan 40 xubnood oo ka mid ah golaha dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa, sida ay  xaqiijiyeen xubno ka tirsan golahaas.

Xisbigan oo ah midka ka arrimiya deegaanka Soomaalida ayaa maalmihii u dambeeyay ka biyo diidanaa Addis Ababa oo looga yeeray.

Arrintaas ayaa timid ka dib markii faderaalku uu la tagay madaxweynihii hore ee deegaanka oo ilaa hadda lagu hayo magaalada Addis Ababa.

Waxaa la xaqiijiyay in aysan la soconin Golaha dhexe saddex xubnood oo labo ka mid ah la sheegay in looga maarmi waayay in ay hawlaha dawladda sii kala wadaan.

HALKAN KA DAAWO WARBIXINTA IYO XUBNAHA TAGAY

Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa saaka dagan waxaana la filayaa in ay noloshu si deedii tartiib tartiib ugu soo noqoto.

Ma cadda waxa ka soo bixi doona kulanka ay magaalada Addis ku yeelanayaan Golaha dhexe ee XDSHSI iyo dawladda faderaalka, dadka arrimahan ka faaloodase waxay sheegayaan in ay u badan tahay in ismariwaaga lagu soo afjari doono.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Muuqaal Xiiso Leh: Kulankii dhexmaray Sheikh Maxamed Idiris iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga wax ka barta
- Oct 22, 2018
Ankara ( Kalshaale ) Kulankii dhexmaray Sheikh Maxamed Idiris iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga ...
Daawo Video: Cabdimaalik Coldoon oo Soo bandhigay Qaabkii uu Burco uga Baxsaday iyo Siduu ku gaadhay Jigjiga
- Oct 22, 2018
Jigjiga ( Kalshaale) Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dhowaan Qaab dhuumasho ah kaga baxay ...
DAAWO: Xisbiga Wadani “Muuse Biixi Maskaxdiisa Waxaa ka dhex guuxaysa Jabhadnimo, oo kama Tegayo” (Video)
- Oct 22, 2018
Laascaanod  ( Kalshaale ) Xisbiga Wadani ayaa Eedaymo culus dusha uga tuuray Madaxwaynaha Somaliland ...
Daawo Qosol: Madaxwaynaha Dibad wareega ah ee Somaliland oo sheegay inay Dumarku la taliyaan,
- Oct 22, 2018
Hargeisa ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Dibad Wareega ah ee Somaliland Mustafe Maxamed Martin ayaa ...
Madax Goboleedyada oo ku Hanjabay inay madaxweyne cusub u doorayaan dalka Iyo Khudbadii Madoobe (Daawo)
- Oct 22, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ku hanjabay inay dooranayaan madaxweyne, ...