Daawo: Siyaasi caan ka ah Somalia oo Gaas kula tartamaya doorashada P.land iyo Taariikhda Noloshiisa ! (Muuqaal)

Garoowe ( Kalshaale ) Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha DFS Soomaaliya iskamarkaana soo noqdey Wasiirka waxbarashada Puntlan sanadihii Cabdi Faaraxa Siciid Juxa ayaa xalay ku dhawaaqay inuu u taaganyahay xilka Madaxweynaah Puntland ee 2019.

Xaflad uu ku shaacinayay ololahiisa doorasho oo ay ka qaybgaleen qaar kamid ah ragga u sharaxan xilkaas ayaa lagu qabtay magaalada Garowe. “Waxan isku sharraxay idinka waxaan u baahnahay gacantiina iyo taageeridiina,”

“Waxaan u mahad naqayaa madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole oo fursad ii siiyay tijaabo siyaasadda oo ii magaacabay wasiirka waxbarashada Puntland. Sidoo kale waxaan mahad u celinayaa madaxwayne farmaajo oo fursad ii siiyay in xil kasoo qabto wasaaradda arrimaha gudaha Somaaliya”. sidaas waxaa yiri Cabdi Faarax Juxa.

Mar uu ka hadlayay qayb kamid ah ajandihiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha uu diiradda saari doono wuxuu ugu hormariyay Amniga isagoo tilmaamay inuu kala tashan doono cidda ehelka u ah. “Haddii lay doorto waxaa kow u ah qorshahayga Amni dhammaystiran oo ay Puntland hesho. Waxaan dhisaya amniga Puntland anoo u maray cidda shaqadeeda aqoonta u leh. Waxaan awood saarayaa koboca dhaqaale. Waxaan ka baaran dagayaa oo dul istaagay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Puntland oo leh gacan ammaan ah,” ayuu yidhi Juxa.

Juxa ayaa sidoo kale ballanqaaday hadii xilkan loo doorto inuu kala saari doono hay’adda dowladda ee hadda isku xidhan sida Garsoorka iyo fulinta si loo helo caddaalada.

Arrinta Gobolka Sool ayuu soo hadal qaaday wuxuuna Muuse Biixi ku eedeeyay inuu yahay ruuxa mas’uulka ka ah dhibka ka taagan deegaanada gobolkaas.

HALKAN KA DAAWO  MUUQAAL TAARIIKHDA IYO NOLOSHII JUXA

Shaacinta Murashaxnimada Juxa ayaa kusoo aadaysa xilli muddo kooban ay naga xigto waqti hayntii xukuumadda Cabdiwali Gaas oo lagu eedeeyo inay ku fashilantahay ballanqaadkii ay sameeyeen 5 sano ka hor oo ay ugu horayso hirgalinta nidaamka Dimuqraadiyadda.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (8)

  1. sugule says:

    kalshaale snm tii maka hadheen

  2. sugule says:

    gaas hal nin oo la tartami kara lama hayo aan ka ahayn morgan xafiduhulaah

  3. Guulwade says:

    GAAS BAA MADAXWEYNAHA AH waxba ma oga juxa. Puntland Gaas door taan waa muqadas

  4. Dabshid says:

    Kanu soo maaheyn jufadii yarey ee Faroolo, sanadkaan waxaa maqaayadda maamulaa Cismaan Max’uud.

    Yaan lagu dheelin kaltanka Juuxa ee sug waqtiga Ciise Riyoole, haddii kale waxaan soo kaarikeynaynaa Reer Bariga dhiibo Canshuurta lagu shido Maqaayadda Max’uud Saleemaan.

  5. xassan yare says:

    Ķkķkkkkkkkkkkjjj

  6. xassan yare says:

    asc dhamaan reer kalshaale

  7. xassan yare says:

    Dabshid

    puntland maadka dhaaftid kala qubqubka waa shacab uhogaasamay horusocod iyo kala danbeyn

  8. Zaki says:

    Puntland wexeedu doorasho maaha ee waa iska xulasho.
    Meesha 66 xubnood oo baarlamaan Ku sheeg ah,oo iyaba Ku yimi xulasho reernimo ayaa doorta hadba ninkii ugu jeeb roon ee iibsan kara.
    Midda kale ee jirtaana waa sidaa Dabshid sheegay oo bahashu waa kaltan ilma maxamuud saleebaan ah kkkkk .




Daawo: Amiin Caamir oo sawir la yaab Leh ka sameeyay Madaxda maamulada Dalka ee Garoowe Shirku uga Socdo
- Oct 21, 2018
Laascaanod  ( Kalshaale ) Farshaxanka Soomaaliyeed ee Amiin Caamir ayaa Sawir Cajiib ah wuxuu ...
DAAWO: Riwaayadda Qiyaano Qoys oo ay ka Qayb galeen Dalmar yare, Farxiya Kabayare iyo Jilayaal Caan ah (Video)
- Oct 21, 2018
Minneapolis  ( Kalshaale ) Riwaayadda Qiyaano Qoys oo ay ka Qayb galeen Dalmar yare, Farxiya ...
Daawo Muuqaal: Barnaamijka Kaftanka Siyaasadda oo Xiiso badan, Arin Qosol badan, DF Somalia, Puntland iyo S.land
- Oct 21, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Kaftanka Siyaasadda ee Wariye ...
Daawo: Xasuusta dawladii Kacaanka ee 21-ka Oktoobar iyo Wixii ka dambeeyay
- Oct 21, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) 21 Oktober 1969 waxaa Soomaaliya Xukunkeeda la wareegay Dawladdii Milatariga ...
Minnesota : Gabadh Soomaaliyeed oo Soo Bandhigtay Arin Farxad gelisay Dumarka iyo Waraysi ay bixisay (Video)
- Oct 21, 2018
Minneapolis ( Kalshaale) Gabadh Soomaaliyeed oo Soo Bandhigtay Arin Farxad gelisay Dumarka iyo ...