Yuhuuda oo Duqayn Naxdin badan ka Gaystay Marinka Gaza iyo Khasaaraha

Nairobi ( Kalshaale ) Ugu yaraan saddex Qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jirto Haweeney Uur leh iyo Ilmo yar oo jiray 18-bilood ayaa ku dhintay Duqeyn dhanka cirka oo ay Ciidamada Israel ay ka fuliyeen Marinka GAZA, sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka dalka Falastiin.

Militariga Israel ayaa uga digay Ururka Xamaas ee ka soo horjeeda iney sii wadaan Rabshadaha, waxayna warbaahinta Israel shacabka u sheegtay iney isaga fogaadan goobaha u dhow Xuduuda Marinka GAZA.

Sarkaal ka tirsan Militariga Israel,ayaa sheegay in Xamaas ay fahmi doonto saacadaha soo socdo in tani aysan ahayn jihadii ay rabtay,ayna sii wadi doonaan duqeynta Marinka GAZA.

Wakaaladda Wararka ee Falastiin WAFA,oo illo xog ogaal ah soo xiganeysa ayaa ku warantay in 12-Qof oo falastiiniyiin ah ay dhaawacmeen,halka xubno ka tirsan Garabka Xamaas ee Hubeysan ay ku dhinteen weerarka.

Rasaas Isweydaarsiga Xamaas iyo Israel aya kusoo beegmaya xilli Heshiiska Xabad joojinta ee la kala dhex dhigay Labada dhinac ayaa waxaa ka muuqday wax uun oo horumar ah taas oo u muuqata inay maanta soo afjaran tay.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in ku dhawaad 150-Gantaal oo kaga yimid Gaza ugu yaraan 25 ka mid ah laga hortagay waana sababta keentay inay duqaynta bilaabanto.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. NuurkaNederland says:

    NATANYAHU HE IS CRIMINAL!.
    AAWAY KUWII DHIHI JIREY XUQUUQUL INSAAN BAAN UDOODNAA & ICC!.
    NATANYAHU MARKUU DHIIGA CAUURTA REER FALASTIIN KU QUBAYSTABA WAABA LAGUSII TAHNIYADEEYAA!
    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    IS ISIS GOOD FOR THE JEWS.
    MOSSAD FINGERPRINTS ON PARIS ATTACK.
    ISIS LEADER ABUBAKR ALBAGHDADI EX NAME ELLIOTE SHIMON 100% HE WAS MOSSAD AGENT ISN’T MOSLIMS, SURE.




Gabadha kaliya ee ku Jirtay Baarlamanka Puntland oo Xil loo doortay
- Jan 21, 2019
Garoowe  ( Kalshaale ) Gabadha kaliya oo ka mid ah baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland Naciimo ...
Nin Ajnebi ah oo lagu Qabtay Garoonka Muqdisho iyo Dalka uu kasoo jeedo
- Jan 21, 2019
Muqdisho ( Kalshaale ) Nin ajnabi ah oo laga shakiyey ayaa sabtidii lagu qabtay ...
Daawo: C.raxmaan Cirro oo Hargeisa Kasoo degay “Muuse wuxuu leeyahay Uma Baahni Khaatumo iyo Cali Khaliif”
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Hargeisa  maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyay Gudoomiyaha ...
Daawo: Faysal Waraabe oo ka hadlay Guurtida oo kordhiyey Wakhtii Baarlamaanka “Danaysteyaal bay ahaayeen”
- Jan 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale )  Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta markii 5aad xilka u kordhiyey golaha ...
Ciidamada Yuhuuda oo Duqeeyay Ciidanka Iiraan iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Jan 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale )  Ciidamada Israel ayaa xaqiijiyey inay xalay gantaalo ay ku tuureen saldhigyada ...