Xukun lagu riday Rag ku jiray ciidanka Xooga oo Dhac u Gaystay Shirkadda Hormuud iyo Waxa dhacay (Muuqaal)

Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku dhaaaqday xukunka dacwad ciqaabeedkii loo heystay eedeysanayaasha kala ah Dable xoogga C/kariin Muuse Muxudiin, Dable Xoogga Aweys Faarax Maxamuud iyo Dable xoogga Maxamed Cali Maxamuud oo maqane ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Raggan ayaa xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida wuxuu ku soo eedeeyay dambiga ah burcadnimo hubeysan iyaga oo tiro Laba jeer ah dhac hubeysan u geystay shirkadda Hormuud,

Raggan ayaa 2-dii bishii June 2018 dhac u geystay laanta shirkadda Hormuud Kaawa-godey ee degmada Wadajir, waxayna ka qaateen lacag dhan 10,874$, sidoo kale 7-dii bishii June 2018 waxay ka dhaceen shirkadda Hormuud laanta KM-13 ee degaanka Garasbaaley 2,000$, iyada oo ciidamada amniga ay ku soo qabteen laced dhan 1,500$ oo qeyb ka ah lacagtii ay dhaceen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad, Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda ayaa sheegay raggan inay qirteen dambigii lagu soo eedeeyay.

Wuxuu sheegay raggan inay qirteen dambigii lagu soo eedeeyay sidaasi darteedna ay Maxkamadda ku xukuntay inay wada bixiyaan lacagtii ay ka dhaceen shirkadda Hormuud oo dhan 11,354$, in laga saaray ka mid ahaanshaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, in Maxkamadda ay la wareegtay hubkii ay ku fuliyeen falka dhaca ah iyo in Maxkamaddu ay ku xukuntay min Shan sano oo xabsi ciidan ah, cidii aan ku qanacsaneyn xukunka ayuu sheegay Guddoomiye Shuute inay u furun tahay racfaan.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (4)

  1. ciise binu axmed says:

    hhhhhhhhhhh ciidan budhcad ah ,somaliya ciidamo malaha waa iska mooryaan qoryo sita hhhhhhhhhh

  2. Mustafe Daacad says:

    Waba shirkadik weyneyd somalidu waa dad diciif ubadan kuwii hore nan ayey lahaayen o u inakala joogo ader Axmed somali kuwan mal7n cad ayey wax dhacayan o hadey mar dhaceen maxaa mar kale soo celiyey kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  3. Abwaan deeq says:

    @war meeye naagihii naaguhu dhaleen @Mj ee lahaa dhul baanu idiin xoreyneynaa maatadayadiina ishinkii uga dhameystay.

  4. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Mustafe Daacad, adeer horta salaan qalbi furan iga hoo, adeer “kuwii hore nan ayey lahaayen” magaran marka faallo hawtuhamaga ma dhiiban karo. WBT




Muuqaal: Isbadalo degdeg ah oo laga dareemay Jig-jiga iyo Arimo aan horey uga dhici Jirin oo Qabsoomay (Daawo)
- Aug 14, 2018
Jigjiga ( Kalshaale ) Tan iyo intii uu is badalka ku yimid maamulkii dowlad deegaanka ...
Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay Walaacii Jabuuti xidhiidhka Eritrea iyo Somalia, Iyo dhexdhexaadin ay Wado
- Aug 14, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii u ...
Dagaal Beeleedyo ka dilaacay dalka Itoobiya iyo dad tiro badan oo goobo kala duwan lagu dilay iyo Waxa dhacay
- Aug 14, 2018
Hargeisa ( Kalshaale ) Seddexdi maalmood ee la soo dhaafay dagaal beeleedyo deegaanna kala ...
Al-Jazeera oo Baahisay Warbixin Sir ah oo ceebeysay Imaaraadka & Sucuudiga
- Aug 14, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Talefishinka Caanka ah ee Al-Jazeera qeybtiisa Afka Carabiga ayaa heshay ...
Wasiir Bayle oo Banaanka soo dhigtay Sir ku saabsan xarunta Xalane, su’aalo Cajiib ah oo laga waydiiyey (Muuqaal)
- Aug 14, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa Su'aal laga ...