Somali-British Imaaraadka ugu Xaniban Lacag Tiro badan oo la dul-dhigay

London ( Kalshaale ) Qoyska nin Britain u dhashay oo dalxiise ahaa ayaa sheegay wiilkoodu lagu qasbay in uu Dubai sii jooga ka dib markii xawaaraha gaari uu waday awgeed loogu ganaaxay 46,000 oo doolarka Maraykanka ah.

Faarax Xaashi oo 25 jir ah ayaan awoodin in uu iska bixiyo ganaaxaas, sida uu walaalkii sheegay.

Qolada uu Xaashi ka kiraystay gaariga Lamborghini Huracán ayaa wargeyska The National u sheegay in ay ka sii hayeen baasaboorkiisa.

Balse walaalkii Adman oo 50 jir ah ayaa sheegay in baasaboorkiisa laga qaaday ka dib markii uu waday gaarigan 155,000 ee gini la siiyo.

Xaashi ayaa la sheegay in uu jabiyay xeerkii xawaaraha ee u dajisnaa mid ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan Dubai, isga oo waliba tobannaan jeer khaladkaas ku celceliyay saacadihii hore ee Talaadadii.

Ganaaxa guud ayaa noqday 175,000 oo dirham oo u dhiganta $47,600 doolarka Maraykanka ah.

Wuxuu jabiyay xeerkii xawaaraha ee waddada Sheikh Zayed Road isaga oo gaariga ku kaxeeyay 240km saacaddii.

Adman Xaashi ayaa sheegay “in ay huteelka ugu yimaadeen ayna waydiisteen baasaboorkiisa ka dib markii uu u soo dhacay tikitka ganaaxa, uuna sidaa ku bixiyay baasaboorkiisa isaga oo cabsanaya.

“Hadda waxay leeyihiin waxaa waajib ah in uu bixiyo 40,000 oo giniga istarlinka ah waana arrin qaab daran. Ma haysto lacagtaas. Shaqo la’aan ayuu ahaa, Dubai wuxuu ku booqday saaxiibbadii.

Wuxuu sheegay in walaalkii uu lacag amaahday si uu uga bixiyo maalmaha dheeraadka ah ee uu huteelka dagan yahay, qoyskiisuna aysan ogayn inta uu halkaas sii joogi doono.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Daawo: C.raxmaan Cirro oo Hargeisa Kasoo degay “Muuse wuxuu leeyahay Uma Baahni Khaatumo iyo Cali Khaliif”
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Hargeisa  maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyay Gudoomiyaha ...
Daawo: Faysal Waraabe oo ka hadlay Guurtida oo kordhiyey Wakhtii Baarlamaanka “Danaysteyaal bay ahaayeen”
- Jan 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale )  Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta markii 5aad xilka u kordhiyey golaha ...
Ciidamada Yuhuuda oo Duqeeyay Ciidanka Iiraan iyo Wararkii ugu dambeeyay
- Jan 21, 2019
Hargeisa ( Kalshaale )  Ciidamada Israel ayaa xaqiijiyey inay xalay gantaalo ay ku tuureen saldhigyada ...
DAAWO: Xadhiga Sharci Darada ah ee Maanta ka taagan Hargeisa iyo Aragtidii Muuse Biixi Intaanu Xilka Qaban (Video)
- Jan 21, 2019
Hargeisa  ( Kalshaale ) Magaalada Hargeisa waxaa  Kulamo kala duwan oo ka dhacay siwayn ...
Cabdimaalik Coldoon oo Xoriyadiisa helay, Kana hadlay Shirqoolkii uu ka badbaaday + Kulankii Mustafe Cagjar
- Jan 21, 2019
Jigjiga  ( kalshaale ) Waxaa magaalada Jigjiga soo gaadhay Wariye Cabdimaalik Coldoon iyo Saxafiyiin ...