RW. Abiy Axmed oo go’aan ka gaadhay Xiisada gobolka Soomaalida Ethiopia

Hargeisa ( Kalshaale )  Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo shir khaasa la yeeshay Wasiirada Xukuumadiisa ayaa kala hadlay xiisada ka taagan dhulka Soomaalida ee sii kordhineysa dhiiga daadanaaya.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa Wasiirada Xukuumadiisa hordhigay sida laga yeeli lahaa xiisada waxa uuna kala tashtay inay muhiim tahay in arrinta xiisada DDSI ay xukuumada u wakiilato xubin ka tirsan Wasiirada waxaana leysku raacay in loo xilsaaro Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia.

Intaa kadib Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa Golayaasha maamulka Soomaalida Ethiopialagu wargaliyay in wixii khuseeya arrimaha maamulka ay kala tashan doonaan Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia Axmed Shidde.

Golayaasha maamulka ayaa waxaa lagu wargaliyay in mudada lagu guda jiro marxalada cakiran ay howlaha xiisada iyo go’aan ka gaaristeeda kala xiriiri doonaan Wasiir Axmed Shidde oo mudadaasi kasii howlgali doona magaalada Jigjiga.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Abiy ayaa Golayaasha u cadeeyay in Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia Axmed Shidde uu taagan yahay booskiisa, isla markaana ay muhiim tahay in lagu dabafeylo.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaani ayaa muujineysa in Dowlada Ethiopia ay iska fogeyneyso faragalin iyo eedeymo kaga imaada dhanka Soomaalida Ethiopia.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (10)

  1. rooble says:

    kkkk. qosol oo qudha

  2. rooble says:

    warku waa dhanyay . ogaadenia guul ban idinrajaynaya

  3. Zaki says:

    Axmed shide amarkiisa ayaa ka soconaya soomaali galbeed,Liyuu policekiina taliyayaashii jeel baa la dhigay intii baxsatayna waxay u firxadeen dhagax-buur waana lagu daba jiraa.
    Ogaadenya haddii meel lagu gaadhayo horay u xoroobi lahayd soomaali galbeed.
    Meel soomaaliba degto ayay Ku leeyihiin ogadenya kkkkkkkkkk.

  4. khaatumo haanoolaatoo says:

    dalka magaciisu waa ogaadeniya hadaanad raali ka ahayn dee kaguur
    caalamku ogaadeen kelayey u aqoon sanyihiin inay
    leyihiin dalka ogaadeniya intakale qaxootibay ku tageen
    waana laga raraya o nin waliba meeshu kayimibu kunoqon
    idoor meeshu tagoba waa ku laangaab iska ogolaada
    waxaad tihiin cuqdad .com

  5. Zaki says:

    Waa lana xoraynayaa xagay ku dambaysay????.
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

    Ilaahow hanna dullayn isagoo xor ah ayaa waxa ku dhacay cuqdad ah inuu gumaysi Ku jiro.
    Alla maxaa cuqdad haysa miskiinkan.
    Haddii waxa aad sheegaysaa run tahay waa maxay cabaadku?.
    Xorayn soomaali galbeed ayaa looga baahanyahay sxb kkkkkkkkk.
    Dalka ogadenya Ku lahaa kkkkkk.

  6. Zaki says:

    MISKIINOW MARKII HABAR-YOONIS KU AMAR KU TAAGLAYNAYAY DHULKAA EE CALI DHUUX CATAABAYAY GOORMAY AHAYD KKKKKKKKKKKKK.
    SHALAAD DHALATEE WAA LA SHUBI JIRAY BAA LAGAA YIDHI KKKK.
    BERYAHANAA TIGREE DABA QOODHI LOO NOQDAY TIINA MAANTAY DHAMAATAY EE MAXAAN KUU QABAN KARAA ANIGU?.

  7. Garqaad says:

    Khaatumo waan kusalamay garaad.

    Hadeey sidaas tahay oo dhul somali wada degto lagu qiimeey tago wixii caalamku u yaqaano. Maxaad. Ku diiday Somalida xurtaahi. In ay tahay woqooyi iyo koofur?

    Sow adiga ku doodo magac gumeysta bixiyay qiimo malahan?

    Hadaad ogolooto dhulka somali wada degto in aad u qiimeeyso qabiilka u badan. Dee ogoloow dhulka woqooyi in loogu yeero dhulkii ingiriisku gumeystay. isaaq lahaaa.

  8. khaatumo haanoolaatoo says:

    Garqaad
    waan kaqaaday salaanta o adiga iyo ninki zaki markaan baxaybaad shiid igala daasheen
    waar haxanaaqina waxani waa kaftane somaliya somaalibaa leh magacaad doonto
    uguyeedh waad ogtahay anigu ma rabo somaali wax kahoseya oromo somaaliyi
    waa isugumid birtay ka aslaysaa midnimadeenu
    waa muhiim inaka daaya cuqdada iyo somaali kala gurkeda maylasocotaan
    ilma irir samaale kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  9. Garqaad says:

    Khaatumo.
    Kkkkkkkķkkkk. Halkaan rabay maadan ku dhicin. Waad iga badisay.

    Ilma irirsamaale. Adigu miyaadan ka mid ahayn. Maxaad si gooniya noogu riixday.

    Iska ilaali qofka somaliga ah haduusan ahayn. Ilma samaale. Maaha somali laakiin waalaga dhigay.

  10. Zaki says:

    Khaatumo ha noolaato
    Waan Ku salaamay
    Sxb xanaaq iyo cuqdad toons ma jiro ee kaftan lee waaye xaalku.
    Waad naga badisay sxb kaftankuna innoo furan kkkkkkkkk.




Muuqaal: Isbadalo degdeg ah oo laga dareemay Jig-jiga iyo Arimo aan horey uga dhici Jirin oo Qabsoomay (Daawo)
- Aug 14, 2018
Jigjiga ( Kalshaale ) Tan iyo intii uu is badalka ku yimid maamulkii dowlad deegaanka ...
Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay Walaacii Jabuuti xidhiidhka Eritrea iyo Somalia, Iyo dhexdhexaadin ay Wado
- Aug 14, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii u ...
Dagaal Beeleedyo ka dilaacay dalka Itoobiya iyo dad tiro badan oo goobo kala duwan lagu dilay iyo Waxa dhacay
- Aug 14, 2018
Hargeisa ( Kalshaale ) Seddexdi maalmood ee la soo dhaafay dagaal beeleedyo deegaanna kala ...
Al-Jazeera oo Baahisay Warbixin Sir ah oo ceebeysay Imaaraadka & Sucuudiga
- Aug 14, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Talefishinka Caanka ah ee Al-Jazeera qeybtiisa Afka Carabiga ayaa heshay ...
Wasiir Bayle oo Banaanka soo dhigtay Sir ku saabsan xarunta Xalane, su’aalo Cajiib ah oo laga waydiiyey (Muuqaal)
- Aug 14, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa Su'aal laga ...