Muuqaal: DF Soomaaliya oo Sharaxday Go’aan kasoo baxay “Anagu si gaar ah Sucuudiga maanu u taageerin” (Video)

Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sharaxay muhiimada Warsaxaafadeed maalin ka hor Wasiiradiisu ay soo saartey, oo ku aadan Xiisada Sucuudiga iyo Canada ka dhaxaysa, Kaasi oo u Muuqday in dowladdu taageertay Sacuudiga.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in xukuumaddu aysan sigaar ah u taageerin Sacuudiga laakin mowqifkoodu uu yahay in xal la gaadho.

Waxa uu sheegay Wasiirku isaga oo la hadlayey Idaacadda BBC-da in dowladda Soomaaliya aysan shaacin hadalo ay ka cadhoon karto dowladda Canada balse ay cadeysay in khilaafka Sacuudiga iyo Canada wadahadal lagu dhameeyo.

Dad badan oo siyaasada la socda ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhaliileen Warsaxaafadeedkii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada,isla markaana ay faraha la gasho arrimaha labada dowladood ee Sacuudiga iyo Canada.

Gudaha asbuuca aan ku jirno Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga, Adel al-Jubeir, waxa uu Canada ku eedeeyey faragalin arrimaha gudaha ah iyadoo Canada ay adeegsanayso dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka oo ku sugan Sacuudi Carabiya.

Sidoo kale iyadoo arrintaa ka falcelinaysa, xukuumadda Riyaad waxay eriday safiirkii Canada waxay kaloo hakisay iswaydaarsiga barnaamijyada dhanka waxbarashada iyo Caafimaadka.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (7)

  1. khaatumo haanoolaatoo says:

    dhedhexaad nimada halagu adkaysto

  2. mohamed abdi jama says:

    Dawlada saudi arabia oo xamar ku tilmaantay rag caqliga wax uga dhimanyihiin xamar wax ay taageeradeedu nagu tarayso ama naga dhimaysaa majirto ayey sauidi arabia tidhi canada oo iyana ku tilmaantay somaliyada lixda dawladood ah teebaa saudi arabia raacday

  3. mohamed abdi jama says:

    Dekedda berbera ayaa khalkhal siyaasadeed ku riday xamar oo aan cago adag ku taagnayn markeedii horaba waji gabax siyaasadeed bay xamar maalin walba caalamka kala kulmaysaa emaratkana waxaanu hor higi doonaa nuqul aanu qaramada midoobay ka soo qaadnay oo ah in jam somland heshis caalamiya geli karto keligeed

  4. Dabshid says:

    Barwaaqo

    Magaca Soomaali KALIYA nagama dhaxeeyo, wali kumaanan kala bixin calankii Bluega ahaa.

    Siyaasadda dabeyl raaca ee Maamulka Koofurta, waa Qurbo joog iska dhiibey wadamo kala duwan, marka siyaasaddii iyo hadba wadan iska dhiibkii ayaan isku qaladney.

    – Dowladda Dhexe oo go’aan ka gaartey heshiiska dhex marey Itoobiya iyo Oromada.

  5. NuurkaNederland says:

    ADEER SI INDHO LA’AANA BAANU SACUUDI U TAAGEERAYNAA!…
    WAANA WAX ISKA CAADIYA IN MARARKA QAAR LOO DHAQMO SIDA DONALD TRUMP.

  6. mohamed abdi jama says:

    Madaxwayne muuse biixi iyo mudane sacad cali shire waa inay dheelalawgan ay ku jiraan ka toosaan gaar ahaan heshiishyada caalamiga ah iyo xuquuqda jam somland waxay xaq u leedahay in loo soo dhiciyo oo canaadnimada iyo dhago adayga aad iska dhaaftaan compnyo ayaa soo socoda u diyaar garooba oo hurdada ka toosa magantana dhawra diinta iyo dadnimaduba waxay ina farayaan in la badbaadiyo oo la dhawro waa birmageydo

  7. Aarka hargaysa says:

    Kkkkkkkkk waxaan kuqoslay 6 dowladood ee somaliya mideebaa taagertay sucuudiga kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk




Muuqaal: Isbadalo degdeg ah oo laga dareemay Jig-jiga iyo Arimo aan horey uga dhici Jirin oo Qabsoomay (Daawo)
- Aug 14, 2018
Jigjiga ( Kalshaale ) Tan iyo intii uu is badalka ku yimid maamulkii dowlad deegaanka ...
Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay Walaacii Jabuuti xidhiidhka Eritrea iyo Somalia, Iyo dhexdhexaadin ay Wado
- Aug 14, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii u ...
Dagaal Beeleedyo ka dilaacay dalka Itoobiya iyo dad tiro badan oo goobo kala duwan lagu dilay iyo Waxa dhacay
- Aug 14, 2018
Hargeisa ( Kalshaale ) Seddexdi maalmood ee la soo dhaafay dagaal beeleedyo deegaanna kala ...
Al-Jazeera oo Baahisay Warbixin Sir ah oo ceebeysay Imaaraadka & Sucuudiga
- Aug 14, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Talefishinka Caanka ah ee Al-Jazeera qeybtiisa Afka Carabiga ayaa heshay ...
Wasiir Bayle oo Banaanka soo dhigtay Sir ku saabsan xarunta Xalane, su’aalo Cajiib ah oo laga waydiiyey (Muuqaal)
- Aug 14, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa Su'aal laga ...