Maxaad ka Taqaan xubnaha ku Jira DF Somalia ee heysta dhalashada Canada

Muqdisho ( Kalshaale ) Inkastoo dowladda Soomaaliya ay la safatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo khilaaf diblomaasiyadeed kala dhaxeeya Canada ayaa hadana xubanaha dowladda ku jira sida Golaha Wasiirada, Xildhibaanada labada aqal, taliyeyaasha ciidamada iyo agaasimayaasha qaar waxay heystaan dhalashada dalka Canada.

Mowqifka Dowladda Soomaaliya ku taageertay Sacuudiga ayaa dhaliyay dood iyo hadal heyn hareysay baraha bulshada, taasoo dad badan ku tilmaaman mid degdeg ah oo fudeed ka muuqday.

Dadka qaar ayaa tusaale u soo qaadanaya hab dhaqanka labada dowladood iyo cida Soomaaliya taageertay, kaddib burburkii dowladda Dhexe, iyadoo Canada ay ku nool yihiin Soomaali fara badan, kuwaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay, heystana dhalashada dalka, qaarkoodna xilal Ka haya, sida Wasiirka Socdaalka dalkaas.

Sidoo kale dowladda Sacuudiga ayaa labaatankii sano ee la soo dhaafay dalkeeda ka soo tarxiishay muwaadiniin fara badan oo Soomaaliya.

Arrinta kale oo layaabka ayaa ah inta badan Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ay yihiin kuwo heysta dhalashada dalka Canada, oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo qoraalka lagula saftay Sacuudiga ka soo baxay Wasaaraddiisa.

Haddaba akhriso xubnaha Wasiirada ee heysta dhalashada dalka Canada:-

1- Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad

2- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac

3- Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil

4- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar

5- Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamdd Xasan

6- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin

7- Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre

8- Taliyaha Nabadsugida Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen, 9 Senator iyo Xildhibaano Golaha Shacabka.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin.
    Kuwaan iyo kuwa kaloo badan, oo ma shaqeeystayaal ka’ahaa wadamada eey ceeyrta ka xadii jirrren, maxeey taree in la sheego in eey dhalasho Canada amaba USA amaba Yurub heeystaan?

    Losers kaan, xataa wadamadda eey kazoo qaateen dhalashada, si dhab ah, oo u dan ah Somaliya iyo wadanka eey dhalashada kazoo qaateen uguma shaqeeeyn karraan si effective ah in la’iskula shaqeeysto, oo Somaliyana si dhab ah, oo nation to nation ah loo gacan qabta.

    Sababta eey Canada iyo USA iyo Yurub u sameeyn waayeen sidaas ayaa waxeey tahay, waxa meesha ordayaba, waa dad aanan waligood xoogooda iyo dhiigooda ku shaqeeysan, waa dad “parasite” ku ahaa kor saarnaa wadamadaas, therefore, maantay iyaga oo suit gashan hadii eey yimaadaan Canada, oo dhahaan wasiir Ayaan ka’ahay Somaliya. Simply, sirdoonka wadankaas ayaa baaraya, waxaana la’ogaan qaarkood xataa in eey yahiin “criminals” dambiilayaal.

    Dalmida.
    God bless Somalia.




Muuqaal: Isbadalo degdeg ah oo laga dareemay Jig-jiga iyo Arimo aan horey uga dhici Jirin oo Qabsoomay (Daawo)
- Aug 14, 2018
Jigjiga ( Kalshaale ) Tan iyo intii uu is badalka ku yimid maamulkii dowlad deegaanka ...
Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay Walaacii Jabuuti xidhiidhka Eritrea iyo Somalia, Iyo dhexdhexaadin ay Wado
- Aug 14, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii u ...
Dagaal Beeleedyo ka dilaacay dalka Itoobiya iyo dad tiro badan oo goobo kala duwan lagu dilay iyo Waxa dhacay
- Aug 14, 2018
Hargeisa ( Kalshaale ) Seddexdi maalmood ee la soo dhaafay dagaal beeleedyo deegaanna kala ...
Al-Jazeera oo Baahisay Warbixin Sir ah oo ceebeysay Imaaraadka & Sucuudiga
- Aug 14, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Talefishinka Caanka ah ee Al-Jazeera qeybtiisa Afka Carabiga ayaa heshay ...
Wasiir Bayle oo Banaanka soo dhigtay Sir ku saabsan xarunta Xalane, su’aalo Cajiib ah oo laga waydiiyey (Muuqaal)
- Aug 14, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa Su'aal laga ...