War deg deg ah: Dagaalka Soomaalida iyo Oromada ku fiday deegaano Cusub

Nairobi ( Kalshaale ) Xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida Itoobiya ayaa ku fidaya deegaano hor leh oo ka tirsan Itoobiya, iyadoo dagaaladan dib u soo cusboonaaday ay sababeen dhimasho iyo dhaawac badan.

Dagaalada ayaa maalmihii la soo dhaafay laga soo sheegayay deegaanada u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida, waxaana jiray dad Soomaali oo lagu gowracay tuulooyin dhowr ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalada ay ku sii fideen deegaanada u dhow xadka Kenya, waxaana weerarada ay Oromada ku soo qaadayaan Soomaalida lagu sheegay mid dhul ballaarsi ah.

Odayaasha deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa is weydiinaya sababta xilligan uu u soo cusboonaaday dagaalka Soomaalida iyo Itoobiya, iyo ujeedka laga leeyahay, waxaana ay sheegeen in looga gol leeyahay in Soomaalida lagu barakiciyo.

Ismaamulada Soomaalida Oromada iyo Itoobiya ayaa dhowr jeer oo hore isku eedeeyay in midba midka kale uu ka dambeeyo dagaalka, isla markaana ay jiraan maleeshiyaad hubeysan oo dagaalada ku lug leh.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Daawo: C.wali Gaas oo kulan la qaatay Golaha deegaanka Boosaso (Muuqaal)
- Sep 24, 2018
Boosaaso ( Kalshaale)  Madaxwyanaha Puntland C.wali Gaas ayaa kulan la qaatay xubnaha cusub ee ...
Askar ka tirsan Puntland oo Bosaso lagu dilay, Warar dheeraad kasoo baxaya
- Sep 24, 2018
Boosaso ( Kalshaale ) Magaalada Bosaso ayaa la sheegayaa in lagu dilay labo askeri, ...
Daawo Video: Eng. Yariisow “Waxa Jira XILDHIBAANO doonaya inay la baxaan kuwii Axmed dawlo Muqdisho ku gubay
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale)  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu ...
Muuqaal: Cabdi Shire “Waan ka seexan Waayey Ninkii la gubay, Waa in AROOS Qaran loo sameeyo Wiilka iyo Gabadha’
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ...
MUUQAAL: Xildhibaan Aamina ” Waa in maxkamad lasoo taago dadkii Dilay ee ku gubay Axmed Dowlo Xamar (Video)
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildh Aamina " Waa in maxkamad lasoo taago dadkii ka danbeeyay ...