War deg deg ah: Qarax Xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho (Warbixin)

Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa goordhawd labo Qarax aad u xoogan uu ka dhacay meel ku dhaw albaabka laga galo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya sidoo kale uu kuyaalo Hotelka SYL ay dagan yihiin masuuliyiin katirsan dowlada.

Jugta qaraxa oo aheyd mid xoogan ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaaan uuro iyo qiiq madow laga arkayay aaga qaraxu ka dhacay oo ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxa uuna ka dhacay meel ku dhaw dhismaha Hoteka SYL oo kuyaala halka laga galo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Beerta Nabada oo ku dhow Koontarool ay leeyihiin Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in gaadhiga qarxay uu xoog kaga soo gudbay koontarool yaala laamiga Ceel Gaabta, waxa uuna gaariga qarxay iyada oo ciidamada amaanka rasaas ku ridayeen.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (2)

  1. Garqaad says:

    Ilaa laga ogolaado xuquuqda dadka bixiyo canshuurta ay wada cunaan 5 somaliyeed wey adag tahay in uu qaraxu istaago.

    Canshuurta dhiiba karfana qaata.

    Jidkoo xiran xuquuq la.aan canshuurta dhiib cadaalad miyaa?

  2. sugule says:

    anigu waan yaabay 28000 oo askari amison ah baa jooga kenya iyo ethopia baa jooga kumanaan ciidan somali ah baa jooga hada amnigii wakaas see wax u jiraan dhamaan koonfurta somalia laba magaalo oo caadi la isugu gudbo majirto kuwo baaa jira in diyarad laraaco mooyee aan baabuur tagin sida buuloburde iyo xudur ,kismaayo waa go’doon baydhabo waa go’doon jawhar waa go’doon baladwayne waa go’doon maxay markaa qabtaan ciidankani




Daawo: C.wali Gaas oo kulan la qaatay Golaha deegaanka Boosaso (Muuqaal)
- Sep 24, 2018
Boosaaso ( Kalshaale)  Madaxwyanaha Puntland C.wali Gaas ayaa kulan la qaatay xubnaha cusub ee ...
Askar ka tirsan Puntland oo Bosaso lagu dilay, Warar dheeraad kasoo baxaya
- Sep 24, 2018
Boosaso ( Kalshaale ) Magaalada Bosaso ayaa la sheegayaa in lagu dilay labo askeri, ...
Daawo Video: Eng. Yariisow “Waxa Jira XILDHIBAANO doonaya inay la baxaan kuwii Axmed dawlo Muqdisho ku gubay
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale)  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu ...
Muuqaal: Cabdi Shire “Waan ka seexan Waayey Ninkii la gubay, Waa in AROOS Qaran loo sameeyo Wiilka iyo Gabadha’
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ...
MUUQAAL: Xildhibaan Aamina ” Waa in maxkamad lasoo taago dadkii Dilay ee ku gubay Axmed Dowlo Xamar (Video)
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildh Aamina " Waa in maxkamad lasoo taago dadkii ka danbeeyay ...