Muuqaal: Booqashadii Donald Trump ee LONDON Iyo Banaanbax La yaab leh oo uu kala Kulmay “Daawo waxa dhacay

London ( Kalshaale) Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo booqasho ku jooga dalka Britain ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britian Theresa May waxana shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen uu ku sheegay Madaxeyne Trump in uu taageersan yahay xukuumada May isagoo beeniyay war uu daabacay wargeyska The Sun.

Wargeyska The Sun ayaa daabacay saacado kahor inta aysan kulmin madaxda Maraykanka iyo Britain in uu Trump yiri “Theresa May waxa ay ku socotaa waddo qaldan oo ah ka bixitaanka Midowga Yurub wayna diiday talooyin aan siiyay.”

Hase yeeshee shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen Trump iyo May guriga ay degen tahay ra’iisul Wasaaraha Britain ayuu Madaxweyne Trump waxa uu si xoog leh ugu amaanay Theresa May isagoo ku tilmaamay inay tahay qof qabanaysa shaqo cajiib ah.

“Waxa walba oo aad sameysid annaga waa ay nala wanaagsan tahay,waana sidaas arrintu,Maraykanka waxa ay eegayaan sidii loo horumarin lahaa heshiisyada ganacsi ee labada dal, kulankeenuna waa fursad weyn oo aynu ka faa’ideysan karno.”ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Xilliga ay qabanayeen shirka jaraa’id Trump iyo May waxaa kumanaan ruux ay dhigayaan banaanbaxyo loogaga soo horjeedo Madaxweynaha Maraykanka iyadoo wadooyinka magaalada London ay inta badan xireen dadka banaanbaxayay.

HALKAN KA DAAWO BANAANBAXA LONDON EE TRUMP

Kadib kulanka uu la yeeshay Madaxweyne Trump Ra’iisul Wasaare Theresa May ayaa waxa uu u safray qalcada Windsor halkaa oo uu kula kulmay Boqorad Elizabeth.

Donald Trump ayaa noqday Madaxweynihii 12aad ee la kulma Boqorada 92 jirka ah waxana kulankoodu uu ka dhacay halka ay dhowaan isku guursadeen wiilka ay ayeeyada u tahay ee Amiir Harry iyo Meghan Markle oo ah gabar Maraykan ah.

HALKAN KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID EE TRUMO IYO MAY

Madaxweyne Trump ayaa kulankaa kadib waxa uu duulay Scotland halkaa oo uu joogayo illaa maalinta Axada inta uusan u safrin magaalada Helisinki halkaa oo uu kula kulmayo Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin.

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. NuurkaNederland says:

    MACALINKA SIYAASADA EE ODIJK.
    POLITICAL EXPERT.
    DONALD TRUMP WAXBAA KU DHACAY, KKKK.
    REER LONDON FARIIN CAD BAY U DIREEN CUNSURIGA UGU WEYN EE DUNIDA!.
    HELUKAPTAR MOOYEE BAABUUR LOOGA DHAARAY, SHACABKA LONDON EE WAXGARADKA AH BAA KU QASBAY IN UUSAN LONDON BAABUUR KU DHEX MARIN.
    DONALD TRUMP HE IS EMPTY=FAARUQ=0.
    CUNSURIYADU WAA CUDUR CIILQAB AH OO AAN DAAWO LAHAYN, CIIL U BAKHTI DHEH.




Daawo: C.wali Gaas oo kulan la qaatay Golaha deegaanka Boosaso (Muuqaal)
- Sep 24, 2018
Boosaaso ( Kalshaale)  Madaxwyanaha Puntland C.wali Gaas ayaa kulan la qaatay xubnaha cusub ee ...
Askar ka tirsan Puntland oo Bosaso lagu dilay, Warar dheeraad kasoo baxaya
- Sep 24, 2018
Boosaso ( Kalshaale ) Magaalada Bosaso ayaa la sheegayaa in lagu dilay labo askeri, ...
Daawo Video: Eng. Yariisow “Waxa Jira XILDHIBAANO doonaya inay la baxaan kuwii Axmed dawlo Muqdisho ku gubay
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale)  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu ...
Muuqaal: Cabdi Shire “Waan ka seexan Waayey Ninkii la gubay, Waa in AROOS Qaran loo sameeyo Wiilka iyo Gabadha’
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ...
MUUQAAL: Xildhibaan Aamina ” Waa in maxkamad lasoo taago dadkii Dilay ee ku gubay Axmed Dowlo Xamar (Video)
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildh Aamina " Waa in maxkamad lasoo taago dadkii ka danbeeyay ...