Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi Balaadhan oo Wajahan dalka Belgium

Muqdisho ( Kalshaale) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta oo Sabti ah waxaa la filayaa in uu u ambabaxo Magalada Brussels ee dalka Belgium-ka.,halkaas oo la filayo in uu ka furmo Shirka Iskaashiga Caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa safarkiisa ku wehlin doona,Xildhibaano,Wasiiro iyo madax kale,waxana Madaxweynaha uu ka mid noqon doonaa mas’uuliyiinta shir guddoomin doonta Shirka Iskaashiga Caalamka ee 17 Bishaan furmaya.

Madaxda ka qeyb galeysa ayaa ka kala socota UN, EU, IGAD iyo EU iyo Wadamo badan oo ka mid ah Wadamada Saaxiibada dhaw la ah Soomaaliya.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirkaas looga hadli doonon ayaa waxaa ka mid ah Dhaqaalaha,Ammaanka oo uu ugu weyn yahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobolada dalka Soomaaliya.

Wararka qaar ee soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxda Maamul goboleedyada qaar la filayo in shirkaasi ay ka qeyb galaan wallow qaarkood ay diidan yihiin.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (3)

  1. Garqaad says:

    »
    Garqaad says:
    July 14, 2018 at 9:16 am

    Hadii maamul beleedyadu diidan ammarka dowladda dhexe maxaa didaayo degmooyinku in ay diidaan ammarka maamul beleedyada?

    Axmed madoode. Wuu baqayaa. Walaalaha galguduud aaminka kuma qabo waana sababta keentay in uu aamini waayo ciidamada dowladda ee jubaland joogo ee mareexaanka u badan.

    Waa xaqiiq marexaan weykaga xaq leeyihiin xukunka kismaayo ogadeen ka yimid dhagax buur.

    Faa.iidadii federaalka ayaan dhuuqeynaa degmo ka awood badan caasimad. Madaxweyne beel metelo oo ka awood badan dowladdi dhexe.

    Madaxweyne farmaajo wuxuu wadaa qorshihii uu ku fashilin lahaa federaalka hunguriga.

    Haduu federaalka meesha dhaafiyo 12 sano isagaa xukumaayo villa xamar bunkana ku cunaayo.

  2. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin, qaasatan Garqaad.
    Daanyeernimada Somalida waatanaa, dad hogaaminaya dal baaba’san, oo misana diyaarad iska raacaya maalin kasta oo 4 sanno eey xukunka hayaan is leh “intii meel oo aad tagi karto tag, maadaama hotelka iyo qarashka dhan free yaha”. Dad mentality ga noocaas leh, waxba shaqo fiican ma qaban karaan. This is a joke. Waxaase dadkaas kasii liita, dhamaan shacabka qabyaalad darted dowlad dhan inta kusoo dhisay 4.5, madaxweeyne kudoortay 4.5, misana qabiilada eeysan isla xisaabtameynin. Social contract, amaba heshiis bulshada ka dhaxeeya, iyo sida nolosha saxda ah tahay maba eeysan maqlin Somalida caadiga ah, iyo xataa kuwaan warqadaha beenta ah iyo shahaadooyinka beenta ah la wareegaya.

    Umad daanyeero u badan yahiin. Ma shaqeeystayaal. Aduunkana waa ogyahay taas. Ilaaheeyna waa ogyahay taas.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  3. Garqaad says:

    Cadaado asc eboow

    Beryahaan xageed dhacday cadaado miyaad aaday waa lagu waayay?

    Doodii madhalayska ahayd ayaa meesha lagu hayaa.




Ciidamada Xasilinta oo laga qaaday inta badan Wadooyinka Muqdisho saaka
- Jul 22, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Iyadoo xalay saqdii dhexe ay ku ekeyd mudada 48-ka saac ...
Qardho : Shirka Nabadaynta Beelaha Cali saleebaan iyo Muuse Saleebaan
- Jul 22, 2018
Qardho ( Kalshaale ) Waxaa lagu wadaa in saaka magaalada Qardho uu ka furmo ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo Wareysi ka Qaaday Hooyo Dhibaataysan, Maxay Sheegtay oo ka cabanaysaa (Video)
- Jul 22, 2018
Cali Xaraare oo Wareysi ka qaaday Hooyo Dhibaataysan, Maxay Sheegtay oo ka cabanaysaa
Wasiir Faransiis ah oo sheegay ‘dagaalka ganacsiga inuu dhab yahay’
- Jul 22, 2018
London ( Kalshaale ) Wasiirka maaliyadda ee Faransiiska ayaa wuxuu sheegay Bruno Le Maire ...
MUUQAAL Waraysigii Prof. Samatar oo Dhamaystiran Wuxuu ka yidhi Tukaraq, Iyo Su’aalo kala duwan oo la Hordhigay
- Jul 21, 2018
Hargeisa ( Kalshaale)  Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysi dhinacyo badan Taabanaya  oo u Telefishinka ...