Madaxweynaha Eritrea oo booqasho ku tegay magaalada Addis ababa (Sawirro)

Hargeisa ( Kalshaale ) Madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki ayaa goor dhow ka degay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, halkaasoo uga bilaabatay booqasho taariikhi ah oo qaadan doonta 3 cisho.

Madaxweyne Afwerki ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Bole ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana loo sameeyay soo dhoweyn heerkeedu sareysay.

Socdaalka Madaxweynaha Eritrea ku tagay Addis Ababa ayaa ahaa kii u horeeyay muddo 22 sano uu ku tago, kaddib markii labada dal uu xiriirkooda xumaaday, kana dhasheen dagaalo dheer oo labada dal ku dhex maray xuduuda u dhaxeysa.

Xiriirka labada dal Ethiopia iyo Eritrea ayaa weji cusub galay, tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu qaaday is bedelo taariikhi ah, kaddib markii bishii April loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Labada dal ayaa gaaray heshiisyo taariikhi ah oo xiriirka diblomaasiyadeed lagu soo celiyay, waxaana muddo 20-sano kaddib dhex maraya xiriiro diblomaasiyadeed, mid bulsho iyo ganacsi.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu booqasho taariikhi aheyd ku tagay magaalada Asmara.

Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa dhex maray dagaalo socday sanadihii 1998-2000, kaasoo lagu tilmaamay inuu ahaa mid ka mid ah dagaaladii ugu dheeraa ee Afrika ee dhex mara labo dal.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (8)

  1. Garqaad says:

    Madaxweyne farmaajo. wuxuu yiri caawinaada hall gooyo Somaliland. Raisulwasaare abiye. Wuxuu qaramada midoobay. Habar dugaag ka codsaday in eriteriya cuna qabateynta laga qaado.

  2. Mustafe Daacad says:

    Garqaad
    Aqli 6saac ayaad tahey.Labo dawladood iyo idoor iyo dawlada somalia ayaku siman markaa ayaad rabtaa in wax lagaa dhageysto adigoo faruuq ah kkkkkkkkkkkkkkkkk Idoor mamulada kale halkey maraan inuuu maro cadaalada ayaku jidha waayo kuli waa qabiil. mesha xasan iyo sharif majoogan no more naas nuujin federalka hakuso dhawadankkkknkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkķkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  3. Mr BaHaL says:

    Garqaad

    Formaajo haduu u shaqayn waayo sida aan rabno,120-ka Xildhibaan ee Irir-Samaale maalin ayay u fadhiisandoonaan xilka qaadidiisa. 60 Dir ah iyo 60,Hawiye ah.waa 120. Tartiib ayaan u mastaafurindoonaaye ha biqin ,sidii ragii ka horeeyay ee Daarood wadanka uga baxeen ayuu u baxidoonaa.

    Iyaga baxsi ah ayay dhintaankkkkkkkkkkkkk

    Ilaahow Formaajo anuu jidkaa marin.Waa nin qalbi fiican,laakiin waxan ka baqayaa inuu shaydaan qaato.

    Dalmida

  4. Idoor liqe says:

    Mr Bahal

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkk. Sxb adiga snm maxaa ka soo gaadha Hadii laga jaro iyo Hadii kaleba. Snm waa cadowga umada reer waqooyi ee midnimada Somaliya jecel .

  5. Garqaad says:

    Mr bahal waan ku salaamay mudane.

    Madaxweyne farmaajo. Marna waa mariixaan. Oo maaha .kablalax kukuuyo. oo kale oo marna mahbariin ah marna wadamo kale dhahaayo hannaga tegin jilbaha ayaan kuheysanaa. Marna waa seedigeen oo meel aan la tuuri karin ayuu nooga yalaa. Marka marnaba dhici meyso in sidii c/laahi mahbar wadanka laga tarxiilo. Laakiin waa in uu sameyaa arimaha soo socdom

    Hadii kablalax diideen in ay la sheqeyaan. Aaminaan. Canshuurta dhibaan.
    Hadii axmed madoobe taliyihii uu magacaabay kismaayo shalay kasoo celiyay.

    1 waa in uu aaminaa wiilasha indhaha cascas ee berigii pudland uu tegayaya uu horay usii watay.
    2 waa in uu federaalka hunguriga ah meesha ka saaro.
    3 waa in aan canshuur Reer muqdisho laga qaaday aan lagu weerarin walaalaha woqooyi ilma irirsamaale.
    4 waa in uu dhisaa ciidamadmo u badan walaalaha galguduud.
    5 waa in uusan ka leexen wadadii ay mareen ragga ka horeeyay. Ee furay wada hadalkii woqooyi iyo koofur.

  6. Mr BaHaL says:

    Liqe

    Maandhe,Snm waa ninman IrirSamaale ah kk

    mayla socotaa?

    Irir-Samaale yara wareeray.Waa layska heshiindoonaa.

    Dalmida

  7. Mr BaHaL says:

    Garqaad

    Salaan sare

    Waa runtaa oo intaa aad sheegtayba waa ogahay.Waaa Mareexaan,waa wadani Somaliyeed,waa seedigeen.Intaa waxaa u dheer waa daacad sida aan filayo – ilaa haatan la ogyahay.

    Arinmarka uu sidaa yahay,waa laga ilaalaiya Kablalaxu inay duufsadaan.

    Dadmida

  8. Cadaado says:

    ASC dhamaantiin, qaasatan Mr. BaHaL, iyo Garqaad.

    Dabcan, “freedom is not free, neither is respect” Xorriyada iyo ixiraamka bilaash maahan. Dhiig ayaa lagu ilaaliyaa.

    Ereteriya oo Somalida aad uga yar, jilbaha ayeey u dhigeen Ethopia, oo dagaal wax waa looga qaadi waayay. Sababtaas ayaana keentay in ra’iisalwasaaraha cusub ee Ethopia, uu keeno siyaasad ka duwan tii handadaada ee Ethopiyadii hore ku dhaqmi jirtay. Waxuuna go’aansaday in uu la heshiiyo Ereteriya, oo labada dal si siman isku ixtiraamaan.

    Laakiin, daanyeerta Somalida, waa naf jecel yahiin, sidaas oo tahayna maalin kasta for the last 28 years, naftooda waa la goynayay. Sababtoo ah, waa fulayaal. Sidaas owgeed lama ixtiraamaya, waana lagu ciyaarayaa.

    Xamar waxaa ku nool dad u dhow populationka dalka Ereteriya oo dhan, laakiin, nacasyaashaas daanyeerada ah, maalin iyo habeen shilin ayeey raadin, oo lacag ayeey ka daba ordi, waxeeyna ogolaadeen in la dillo, la qarxiyo, la baabi’iyo. Waxeey meel saari waayeen, amaba si qabiil ha’usaaraan, amaba si dowladnimo ha’usaaraan koox yar oo nijaas ah oo argagixiso ah. Waxeey aheeyd in eey misaajidyada iyo guryaha eey ku dhuutaan loogu galo, oo lawada dumiyo, iyagana meeydkooda inta la daldalo, layiraahdo cid aasi karto majirto.

    Laakiin, sheeko raqiis, iyo daanyeernimo inta lagu dhaqmaya, Somaliya oo dhan, iyo Xamar gaar ahaan, sida daanyeerada ayaa looga noolaan.
    Dalmida.
    God bless Somalia.




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...