Haweeney Soomaali ah oo Dawlada Switzerland ku dhegan tahay +Sabab

Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamad ku taalla dalkaasi waxaa la soo taagay Haween Soomaali ah oo lagu eedeeyey inay 2 ka mid ah Gabdhaheeda ay u kaxaysay Somalia iyo Ethiopia si ay ugu soo gudo Gudniinka Fircooniga ee FGM muddadii u dhexeysay 2013-kii ilaa 2015-kii.

Haweeenydaasi oo ku nool magaalladda Neuchâtel ee qeybta Luqadda Faransiiska looga hadlo ee dalka Switzerland waxaa lagu xukumay xabsi 8 bilood ah, waana Xukunkii Koowaad ee dalkaaasi laga fuliyo, tan iyo markii Isbedelka lagu sameeyey Sharcigaas.

Dhinaca kale, Haweeneydaasi ayaa la sheegay inaysan ku noolayn dalka Switzerland xilligii ay gabdhaheeda ku samaysay Gudniinka Fircooniga ee FGM.

Gabdhahaasi waxa ay da’dooda kala ahayd 6 sanno iyo bar jir iyo 7 jir markii lagu sameeyey Gudniinka Fircooniga (FGM)-ka.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. Mohamed says:

    Gabdhaha islaamku ma qabo in lagu sameeyo gudniin fircooni ah.




Daawo: C.wali Gaas oo kulan la qaatay Golaha deegaanka Boosaso (Muuqaal)
- Sep 24, 2018
Boosaaso ( Kalshaale)  Madaxwyanaha Puntland C.wali Gaas ayaa kulan la qaatay xubnaha cusub ee ...
Askar ka tirsan Puntland oo Bosaso lagu dilay, Warar dheeraad kasoo baxaya
- Sep 24, 2018
Boosaso ( Kalshaale ) Magaalada Bosaso ayaa la sheegayaa in lagu dilay labo askeri, ...
Daawo Video: Eng. Yariisow “Waxa Jira XILDHIBAANO doonaya inay la baxaan kuwii Axmed dawlo Muqdisho ku gubay
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale)  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu ...
Muuqaal: Cabdi Shire “Waan ka seexan Waayey Ninkii la gubay, Waa in AROOS Qaran loo sameeyo Wiilka iyo Gabadha’
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ...
MUUQAAL: Xildhibaan Aamina ” Waa in maxkamad lasoo taago dadkii Dilay ee ku gubay Axmed Dowlo Xamar (Video)
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildh Aamina " Waa in maxkamad lasoo taago dadkii ka danbeeyay ...