Madaxwayne Farmaajoo soo shaaciyey Waxa Soomaliya ka filan karto Turkiga

Muqdihso ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha dalka Turkiga dibna ugu soo laabtay dalka ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay xooga saari doonto kordhinta wada shaqeynta kala dhexeysa dowlada Turkiga.

Farmaajo waxa uu sheegay in dowlada Turkiga ay qeyb weyn ku leedahay taariikhda dalka, waxa uuna arrin lama hiraana ku sheegay laba jibaarka xiriirka iminka kala dhexeeya dalkaas.

Farmaajo waxa uu cadeeyay in dowlada Turkiga ay uga dhow dahay dowlado badan oo dhaca qaaradaha adduunka, waxa uuna taasi ku micneeyay garabka ay ka heleen sanadihii abaarta iyo xiligaanba.

Isaga oo ka hadlaayay arrintaasi ayuu yiri “Somalia Turkiga kama fileyso dhib waxaanu ka fili karno waa keliya inay garab nagu siiso waxyaabaha qabyada naga ah”

“Dowladeydu wey ka shaqeyn doontaa sida looga faa’iideysan lahaa fursadaha ay nasiineyso dowlada turkiga si aan uga gudubno dhibaatooyinka na heysta”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahad celiyay tababarada iyo dhismooyinka isdabajooga ah oo Turkidu ay kawado Somalia, waxa uuna cadeeyay in dowladiisu aysan gudi Karin abaalka Turkiga.

Geesta kale, waxa uu ballanqaaday inay kor u qaadi doonaan xiriirka kala dhexeeya Turkiga iyadoo mar waliba laga faa’iideysan doono khibrada uu dalkaasi u leeyahay dunida.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (11)

  1. Ahmed Somali says:

    ASC.
    IIMAAM ERDOGAN ALLAHA KU DHOWRO ADDUUN & AAQIRABA. WBT

  2. ciise binu axmed says:

    ERDAGON waddankiisa ayuu u shaqaynayaa somali u shaqayn maayo ,dekeddii muqdisho iyo eeriboorkii aadan cadde ayuu bilaash ku qaatay,dhakhtarkii DIGFEERNA wuu la wareegey oo qofka habeenkii 100 doolar baa laga qaadaa ,wadankii somaliya la odhan jireyna deyn badan buu geliyey,oo uu leeyahay waddoonyin macmal ah baan idiin dhisay,wuxuu rabaa inuu la wareego wadanka waa gumeysi farsamaysan

  3. Jabhad says:

    War moogow ma laguu waramay maya maya

    ERDOGAN iyo FARMAAJO waxay ku heshiyen in

    Si deg deg ah loo dhiso cidanka cirka iyo bada …

    ERDOGAN iyo GELLE hiilkooda waa hiil walaal

  4. Garqaad says:

    Been ALLAA caayay. Erdogaan waxaan u heynaa abaal badan oon shacabka somaliyeed qaasatan Reer muqdisho aysan weligood iloobi doonin.

    Hadii carabaha qurunka ah jalaafoyinkooda laga leexdo. Ee la aamino turkiga waa xaqiiq wax badan ayaa iska bedeli doono Somaliya.

    Madax kasto oo Somaliya timaado waa in ay ilaalisaa xiriirka turkiga

  5. Dabshid says:

    Erdogan waa ninkii jebiyey darbigii Reer Galbeedku ku ooden Soomaaliya, waa ninkii dhahey Soomaaliya kama jirto Nabad-gelyo xumo oo anigaa ku shex lugeeyey Soomaaliya.

    -Erdogan waa ninka yari SOOMAALIYA WAA XAMAR, Xamar waa Soomaaliya.

    * Kii nala jiraan la jirnaa
    Kii naga jiraan ka jirnaa

  6. Mr BaHaL says:

    Somaliya waxay yeelatay sxb jiigto oo la yidhaa Turki.Turkigu maaha sxb noola jooga inuu inna qaybiyo oo Tulo kasta ciidan yar oo tababaro.Turkigu wuxuu caawiyaa dawlada Somaliyeed oo u taagan shacabka Somaliyeed.Caasimada Somaliya ayuu dib u dhisayaa.

    Annaga ka Reer Awdal ahaan wuxuu noo dhiasayaa Zeylac.Warshada kaluunka,Milixda iyo Highwayga isku xidha Jabuuti ilaa Zeylac ayuu noo dhiasaya,waxa kale oo noo dhisayaa,Biyaha – biyo galinta casriga ee Zeylac(caasimadii hore ee Somaliya).
    Turkiguu caasimadaha ayuu dib u dhisaa,Tulooyin haatan la xaadhxaadhay isma fahmayaan Turkiga kkkkkkkkkkkk

    Reer Baadiye – hadaan koyaa kk ayaa ku nool.Meelaha xadaarada ayuu degaa.

    Turkigu waa saaxiib ay Somaliya leedahay.

    Dalmida

  7. Dabshid says:

    Ahmed Somali

    Adeer salaan sare
    waxaan arkey adoo xanaaqsan meelaad wax ku QODHEY.

    oo aad adeegsaneyso GAADHEY, QODHEY. Cool down adeer.

    Xawaadle bartey GAADHEY,QODHEY,JIDHEY miyaa, mise BEES LA HELEY. KKKK

    Wax kale maanaan dhihin oo aan ka aheyn waa inuu Madaxweyne Farmaajo ku biiro Liiska XUKUN WAREEJISKA daacaddaa haddii kale xataa Xididnimo lagu xushmeyn mahayo ( inkastoon doorano wiilka aan abtiga u nahey C/rashiid Sharma’arke iyo wiilka gabar naga qabo Max’ed C. Farmaajo) inta kale Xoriyo ma geyso.

    1. C/llaahi Ciise 1960 – Dowladdii Rayidka
    2. Aadan Cadde 1967 – Dowladdii Xoriyadda
    3. C/qaasim. 2009 -Dowladdii soo celinta Rayidka

    4. Shiikh Shariif 2012- Dowladdii Dib u heshiisiinta Soomaalida

    5. Xassan Shiikh 2017 – Dowladdii Democratic

    6. Max’ed C. Farmaajo sanadka ??? – Dowladda Democratic ( ayaan sugeynaa)

    Markaas ayaad nooga sheekeyn Naag ayaa ku dhashey Xabsi Kismaayo, nin Ogaadeen ah oo aan darisnahey ayaa walaashis ku dhex umushey Xabsi Ogaadeen sanad ka hor.

    -Bees la Heley iga dheh.

  8. Garqaad says:

    Mr bahal waan ku salaamay.
    Kkkkkkkkkk

    Turkiga wexey isfahmayaan caasimadaha. Mayaqaano tuuliyinka kusoo caan baxay dowlad la.aanta.

    Waxaa higwy iyo airbaro waa weyn noo dhisaayo itoobiya. Kkkkkkkk.

    Higeygii itoobiya laga sugaayay godkiisa ayaa biya ugu soo galeen.

    Xamar haleyska xaadiriyo.

    Abaalna kuuma arganee aaga xamar usoo aroor.

    Muqdisho Somaliya maaha.

  9. Jabhad says:

    Waawareyda qaylada mucaradka wajiyada badan

    ee somalia waa in loo dulqaata waa cadadooda

    Markey arkaan qarankii oo dhaqaqay inay umada

    Kala qaybiyan iyagoo adegsanaya qabyalad iyo xamar unukaa leh

    2018 suurta gal maaha in qaranka isbaaro lo dhigto

    Adunyadii way is bedeshay somaliyana maha ti hore

    Soo dhowee nolosha cusub kana qayb qado dib u

    Dhiska dhulkaada hooyo madaxwayne faraajo iyo

    Raisalwasaare khayre waa halyeeyo u kacay dalka

    Somaliyed waxay mudan yihiin in lala shaqeeyo oo

    Dib loo doorto

  10. Mr BaHaL says:

    Garqaad

    Salaan sare

    Walee waa sidaa aad sheegtay.Tulo uu ootay nin dagaal ooge ah oo dambiile ah,Turkigu wuu necebyahay.Turkigu Ragii Abasinaya qabsan jiray e Reer Awdal iyo Raga Reer Muqdisho ee ciidankkii Meles casharka u dhigay ee ciidankki Maraykanka eryaday iyo nin Ethopiya hoos fadhiya isku miis saarimaayo,Ilaahayba isku miis ma saarin.
    Sidaa aad sheegtay Tulo Amxaarka looga fataalo Turkigu ma fahmayo.

    Maxa nin Gob ah iyo Nin gun ah tan isku soo gaadhay.

    Ethopiya Highway iyo Airports noo dhisaysakkkkkkkkkkk.Hadalka waa ku wareeray.Wiil Awoowgii soo dilay hogaamihiii Amxaarka ee qarnii 15-naad ugu cawaandinasaa Lebna Degel,miyaa waxaa dhegaysankara

    Dalmida

  11. NuurkaNederland says:

    WAXAAN KU OGAHAY IN SOMALI OGTAHAY TURKI WAXA UU U YAHAY.




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...