Xabsigii Jeel-Ogaadeen ee Jig-jiga oo Masjid laga dhigayo iyo Isbadalka Abiye Axmed uu ka wado Itoobiya (Waraysi)

Hargeisa ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaakasoo baxaya qorsho ay dowlada Ethiopia ku dooneyso in albaabada loogu laabo Xabsiyada waaweyn ee ku yaala magaalada Jigjiga ee maamulka Soomaalida Itoobiya.

Amarka lagu xidhayo Xabsiyada oo kasoo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa la xaqiijiyay in iminka uu ka dhaqan galay magaalada Jigjiga.

Xogtu waxay tibaaxeysaa in Abiy Axmed uu amar ku bixiyay in xidhitaanka xabsiyada lasoo dadajiyo isla markaana lagu bilaabo Xabsiga weyn ee loo yaqaan “Jeel Ogaadenia” oo ku yaalla magaalada Jigjiga.

Xabsiga Jeel Ogaadenia ayaa ah kan ugu weyn DDSI, waxaana lagu xidhnaa Xubno loo haystay Arimo Siyaasadeed iyo dagaalyahaano ka tirsan Jabhada ONLF.

Abiy Axmed ayaa amar ku bixiyay in Jeel Ogaadenia loo bedelo (Masjid) lagu cibaadeysto, Waxaana Hada Xukuumada deegaanka Soomaalidu Bilowday Qorshe lagu sii daynayo dadkii ku xidhnaa Xabsiga iyagoo Xaqiijiyey in Halkaasi Masaajid laga dhigi doono, Waxaana la sheegay in Xabsiyada kale ee waaweyn laga dhigo Masaajido iyo beero lagu nasto, si maxaabiista lasii daayay aysan dib ugu xasuusan dhibka xabsiyada.

HALKAN KA DHEGAYSO WARBIXIN BBC IYO XAALDA XABSIGA

Gudaha asbuucan ayaa lagu wadaa in burburinta lagu bilaabo jeelka weyn ee loo yaqaan “Jeel Ogaadenia”.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (7)

  1. samawade says:

    asc dhamaan abbay Ahmed waa geesi shaqobadan qabtay mudo yar bal hadaba
    sadexdan jaahil maxay qabteen
    waa muse biixi waa cabdu gaas waa farmaajo kuwa kalle anu war uma hayee muuse ayaan war u hayaa waxa uu joogay 7bilod waxar gees kamu ridin halka abbiy Ahmed sadex 3bilod u sameeyay is badallo u aduunku LA yaabo
    * Cabdi w gaas waxa u sheganayaa birifisoor tollaayeey na waa leeyay xagu ka waalanyay aqooney xaal qaado *
    garxajis waxaan leeyay iimaanla.aanta joojiya dalka waa LA wadaleeyay inta u badanna idinkaa leh muuse yuu idin muuqan waa ogaydeen ragi ka tagay * craxman tuur . ina cigaal . daahir riyaale . silaanyo iyo muuso tagi doona
    *qoloda habar jeclo ee ceel AF Wayne waxan leeyay nabada qaata oo cuqdada iska daaya waxa dadka idinka yareeyay waa cuqdad waxatiin reer shekh isaxaaq 4 bahood hadana dadka idinkaa u yar waaxasi cuqdada illeen waxa aan ognay inu sheekhu dhalay sideed oo aadtiin 4
    farmaajo waxaan leeyay abiy Ahmed Ku dayo oo isbarooyinka qaad dalkana isu wadafur meel meel ka xudhan yaan LA arkin wad mahadsantin

  2. Jabhad says:

    Waxaa socda isbedelo waawayn iyo heshiisyo hose

    Asmara waxaa ku kulmay abiye axmed iyo hoganka

    Sare ee ONLF waxay isla meel dhigeen habka ugu

    Wanagsan ee uu u dhacayo kala gurka iyo doorka

    ONLF waxaa lagu heshiiyey shir in lagu qabto dalka

    La haysto gudihiisa yo in tagerayalka iyo cidanka

    Somalida gudaha soo galaan waxaa socda xukunka

    Degaanka somalida si nabad ah in loola kala warego waxaa isku mar xilka laga wada qadayaa

    Madaxda oromada iyo somalida waxaana xilka ku

    Wareegaya hogamiyayal ka socda jabhadihii dalka

    Usoo halgamey ee somalida iyo oromada

  3. Garqaad says:

    Hadii jeel ogaadeen la xiro luf lufkii godkiisa biya ugu galeen.

    Hadda lagu calaacalayaa masaajid ayaan ka dhiseynaa.

    Ina ileey lufluf amxaaro. Horta kaas meesha hallaga raacdeeyo.

  4. samawade says:

    jabhad

    allaylehe waa arinfiican in labadaba labadaloo kahaysta oromiya iyo kanhaysta somalida itobiya waxaan leenay labadaba dhoon

  5. NuurkaNederland says:

    WAA IN MASXAF LAGA DHIGAA SI AY MUSTAQBALKA USOO BOOQDAAN UBADKA DHALANDOONA & DUNIDUBA.
    NO MASJIID.

  6. Ahmed Somali says:

    ASC.
    samawade adeer, DDSI maxay ahayd INA ILAY ka hor?. WBT

  7. Ahmed Somali says:

    ASC.
    SOS waxaan u baahanahay CID ii kala saarta DDSI & ONLF & waxay kala aaminsan-yihiin?. WBT




Ciidamada Xasilinta oo laga qaaday inta badan Wadooyinka Muqdisho saaka
- Jul 22, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Iyadoo xalay saqdii dhexe ay ku ekeyd mudada 48-ka saac ...
Qardho : Shirka Nabadaynta Beelaha Cali saleebaan iyo Muuse Saleebaan
- Jul 22, 2018
Qardho ( Kalshaale ) Waxaa lagu wadaa in saaka magaalada Qardho uu ka furmo ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo Wareysi ka Qaaday Hooyo Dhibaataysan, Maxay Sheegtay oo ka cabanaysaa (Video)
- Jul 22, 2018
Cali Xaraare oo Wareysi ka qaaday Hooyo Dhibaataysan, Maxay Sheegtay oo ka cabanaysaa
Wasiir Faransiis ah oo sheegay ‘dagaalka ganacsiga inuu dhab yahay’
- Jul 22, 2018
London ( Kalshaale ) Wasiirka maaliyadda ee Faransiiska ayaa wuxuu sheegay Bruno Le Maire ...
MUUQAAL Waraysigii Prof. Samatar oo Dhamaystiran Wuxuu ka yidhi Tukaraq, Iyo Su’aalo kala duwan oo la Hordhigay
- Jul 21, 2018
Hargeisa ( Kalshaale)  Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysi dhinacyo badan Taabanaya  oo u Telefishinka ...