Wasiir Cawad oo khudbad ka jeediyay Shirka Iskaashiga Carabta & Shiinaha

Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Khudbad ka jeediyay shirka Sideedaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee lagu qabtay Aqalka Shacabka ee Caasimadda Beijing ee Dalka Shiinaha.

Wasiirka ayaa ugu horeyn ka mahad celiyay sida maamuuska leh ee loogu soo dhaweeyay Dalka Shiinaha, isagoo sheegay in shirkan uu xoojinayo saaxiibtinimada iyo wada shaqeynya Dowlada Shiinaha iyo Wadamada Carabta.

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa dowlada iyo dadka Shiinaha sida wanaagsan oo ay noo soo dhaweeyeen, Shirkan wuxuu ka mid yahay shirarka Iskaashiga ee xoojinaaya Saaxibtinimada taariikhiga ah ee ka dhaxeysa Shiinaha iyo Dowladaha Carabta, wuxuuna xoojinayaa kalsoonida siyaasadeed iyo iskaashiga wada jirka ah ee dhinac walba si loo helo deganaasho Nabadeed iyo Hormarka dhanka dhaqaalaha ee bulshada labada shacab”.ayuu yiri Wasiirka.

Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya ay ku taalo Goob muhiim u ah isku xirka Ganacsiga Aduunka, wuxuuna xusay in Xiriir Taariikhi ah uu kala dhaxeeyo Shiinaha oo Iskaashi dhinacyo badan uu dhex maray.

“Soomaliaya waxay dhacdaa goob muhiim ah oo istiraatiiji u ah Caalamka iyo isku gooshida dhanka ganacsiga, waxayna la leedahay dowladda Shiinaha xiriiir taarikhi ah oo qoto dheer kuna dhisan Ixtiraam, Sidoo kale Soomaliya waxay ka mid tahay dowladihii ugu horeeyay ee xiriir wada shaqeyn la sameeya Shiinaha, iyadoo ka qeyb qaadatay sidii ay Dowladda Shiinaha kaalin weyn ugu yeelan laheyd Caalamka, waxayna Soomaaliya ka qeyb qaadatay sida Shiinaha Qaramada Midoobay uga heli lahaayeen kursigooda sharciga ah”.ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa Dalalka kasoo qeyb galay shirka u sharaxay Hormarka Soomaaliya ka socda, isagoo u sheegay in Isbedelo guul ah laga sameeyay dhinaca Dhaqaalaha, Amniga iyo Siyaasadda.

“Soomaaliya maanta waxay hormar ka gaartay dhinacyada Dhaqaalaha Amniga iyo Siyaasadda waxayna diyaar u tahay in laga caawiyo dhanka maalgashiga sida Baddaha, Garoomada Diyaaradaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga, Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay awoodo sugidda Amniga guud ahaan dalka, waxayna damaanad qaadeysaa Amniga shaqaalaha Dowladda iyo Maalgashiyaasha kala duwan”.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa la kulmay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo qaar ka mid ah Wasiiradda Carabta ee Shirka ka qeyb galay.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (9)

  1. Dabshid says:

    Waan soo dhaweynaynaa hadduu Rasalwasaare Kheyre xayiraada ka qaadey Wasiir Cawad, wuxuu ku jiraa reer Bariga faro ku tiriskaa ee daacad Qaran iyo Daacad Qabiil kala garankaro, inkastoo uu ayaantaan Carabta wareejinhayey Milifkii Governor Gaas horey u geeyey Emaaradka.

    -Saqiir Majeerten sir la’aan ma dhinto.

  2. Land of Punt says:

    Dabshid
    Kkkkkkkkkkkkkk
    Wale odaga habarta wax loo saar, nin ayaa laga sheegay..
    You need speciell strong dose of anti Majeerteen medicine…. Hadii kale waa laguu baqaa in pension gaarin..kkkkkkk
    War ka xishood boqoradii adeeradaa u talin jiray….kkkk
    La’aantood wax ma noqon kartide!

  3. Mohamed says:

    Dabshid:
    Sxb majeerteen waa boqortooyo taariikh ku leh somaliya,geeska africa iyo wadamada carabta.
    Qof cuqdad qaba waxba mayeeli karo, isaga ayuun baa qalbigu guban.

  4. Dabshid says:

    Maxamed

    Boqortooyada Caalamka laga yaqaan maxey ja tiri KASTAMKII Tukoraq,

    Horta website kaan ma waxaa soo galobChines, Walee waa eex loo geystay DUMARKA haddii kaligood lagu eedeeyo FAANKA CATARKA.

  5. weedhsame says:

    Dabshid

    Kkkkkk

    Tii farxad ahayd, waxa ninba meel karaadiyay, adigu shoow ficiltanka iyo hadalada xanafta ayey kaagashay ood kuhaystaaba kkkk

    Markii hore dad gooni ah kuxumee baad islahayde, hada lkn noolal caadi ah bey kuu noqotay oo meel aad kasoonoqotaba majoogtid waan ku arkaaye

    Midda kale, inaad nin suufi ah tahay, faankan aad sheegayso soo ninkii bilaabay adiga ma’ahayn,yacni ninkii oogu horeeyay ee yiraahda
    -waxbaa dhul qalalan,waxbaa dhul qoyan, waxbaa saxara ah,waxbaa geed saaan, waxbaa salli kufadhiyo,iyo dhururuq aan lasoo koobi karin adiga matihid hhhhh

    Odey funny ah baad tahay,

    Feysal waraabaa yaabay

  6. Land of Punt says:

    Weedhsame
    Si sharaf leh ugu soo dhawoow Kalshaale.ca.
    Dabshid u dabci meel dheer ma jiro.
    Majeerteen dadka wax dheer oo Somalia dhulka Somalida bar leh oo siyaasadana horbooda ayuu rabaa in dadka la simo.
    Waa hubaa Dabshid oo Xamar wax ka ah ninka ugu jecel yahay oo Xamar kula qaxweeyo in Msjeerteen yahay.
    Wuxuu rabaa in markiisa ii dowladeeyo oo kabo Hawiye ii xiro, haduu halayo dameerka biyaha igu dhaamiyo markayga.
    Kkkkkkk
    Caawa in Darood iyo la kala xiro waa ninka ugu neceb!
    Maaha nin nin raba in Hawiye madmadow in Xamar isugu haraan.
    Ninka kabo le’eg xirta oo boqor sheegan jiray sidii waagii hore waa ehelkiis.
    Kkkkkkkkkkkkkkkk
    Kkkkklk
    😉

    • Land of Punt says:

      I mean:
      Caawa in Darood iyo Hawiye in la kala xiro waa ninka ugu neceb!
      Maaha nin raba in Hawiye madmadow keliya in Xamar isugu haraan.
      Kkkkkkkkk

  7. weedhsame says:

    Land of punt

    hhhh war ninyahow ninka aqoon badan baa kuugu dhimane, bal hasoo dhaweysanin intaad sifiican ooga baraneyso, adiguna daacadnimo ayaa kudiliye kkkkk kaftan brother

    *Bro odeygu waxba kale lagama rabee, lkn inuu caadi iska dhigo oo caafimaadkiisa kataliyo waaye ujeedadanadu hhhhh




Ciidamada Xasilinta oo laga qaaday inta badan Wadooyinka Muqdisho saaka
- Jul 22, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Iyadoo xalay saqdii dhexe ay ku ekeyd mudada 48-ka saac ...
Qardho : Shirka Nabadaynta Beelaha Cali saleebaan iyo Muuse Saleebaan
- Jul 22, 2018
Qardho ( Kalshaale ) Waxaa lagu wadaa in saaka magaalada Qardho uu ka furmo ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo Wareysi ka Qaaday Hooyo Dhibaataysan, Maxay Sheegtay oo ka cabanaysaa (Video)
- Jul 22, 2018
Cali Xaraare oo Wareysi ka qaaday Hooyo Dhibaataysan, Maxay Sheegtay oo ka cabanaysaa
Wasiir Faransiis ah oo sheegay ‘dagaalka ganacsiga inuu dhab yahay’
- Jul 22, 2018
London ( Kalshaale ) Wasiirka maaliyadda ee Faransiiska ayaa wuxuu sheegay Bruno Le Maire ...
MUUQAAL Waraysigii Prof. Samatar oo Dhamaystiran Wuxuu ka yidhi Tukaraq, Iyo Su’aalo kala duwan oo la Hordhigay
- Jul 21, 2018
Hargeisa ( Kalshaale)  Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysi dhinacyo badan Taabanaya  oo u Telefishinka ...