Warbaahinta Ethiopia oo shaacisay Xaqiiqda sida Jeneral Gebre loo Erayay iyo Doorkii Madaxwayne Farmaajo

Laascaanod ( Kalshaale ) Website-ka Opride.com oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer dalka Ethiopia, ayaa faahfaahin iyo xog aad u dheer ka qoray qaabkii Colonel Gebregziabher Alemseged ama Jeneral Gebre looga Caydhiyey Soomaaliya.

Website-ka ayaa sheegay in magacaabistii Abiy Ahmed ee ra’iisul wasaraaha Ethiopia ay billow u ahayd inuu soo dhammaado waqtigii Gebre ee galaangalka siyaasadda Soomaaliya.

Abiy Ahmed ayaa u dhaqaaqay inuu shaqada ka ceyriyo saraakiil badan oo musuq maasuq iyo xadgudubyo kale lagu tuhmayey, ayada oo ay jirto Gebre lagu eedeeyey inuu xasuuq ka gaystay Soomaaliya.

Dadka shaqada laga ceyriyey waxaa ka mid ahaa General Samora Younis, oo ay aad isugu dhowaayeen Gebre, kana soo wada shaqeeyeen dagaalkii Soomaaliya lagu qaaday 2006.

Sida wargeysku leeyahay, booqashadii Abiy Ahmed uu 16-kii June ku tagey Muqdisho, kulana kulmay Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inay saameyn xooggan ku yeelatay in Gebre meesha laga saaro.

In kasta oo aysan caddeyn, haddii Farmaajo si rasmi ah Abiy u weydiistay in Gebre la caydhiyo, haddana website-ka wuxuu leeyahay, Farmaajo ma uusan qarin sida uu u neceb yahay Gebre.

Markii la doortay bishii Febraayo ee 2017, ayaa wixii ugu horreeyey ee uu sameeyey Farmaajo waxay ahayd inuu Gebre ka mamnuuco inuu cag soo dhigo Soomaaliya, sida uu qorayo Opride.com. Ayada oo taas uu ku guuleystay Farmaajo, ayaa hadda website-ka wuxuu leeyahay, kuma qanacsaneyn in xitaa Gebre uu kasii shaqeeyo IGAD.

Kulankii IGAD ee 21-kii June ka dhacay Addis-Ababa, oo Farmaajo uu ka qeyb-galay, islamarkaana Gebre uusan cag soo dhigin, ayaa sii kordhisay shakiga ku saabsan in Farmaajo dalbaday xil ka qaadista Gebre, ayuu leeyahay website-ka.

In xilka laga qaaday ka sokow, in Gebre lagu soo dabaacay qeybta ogeysiiska wargeyska Daily Nation, ayaa muujineysa in hadda iyo waqti ugu soo dhow uusan kusoo laaban doonin siyaasadda Soomaaliya iyo tan gobolkaba.

Warbixinta wargeyska Opride.com oo dheer halkan ka Akhriso.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (3)

  1. NuurkaNederland says:

    GABRE AWALBA ASKARI URAYA BUU AHAA OO AAN WAXBA AHAYN.
    SPORKO.

  2. somalijecel says:

    Haddii ay xaqiiq tahay war bixintan waa guul aad u weyn.
    Sidoo kale arrintan waxaa ay cabir naga siinaysaa.
    1-In kuwii dhiibay dulmane Qalbi dhagax ay baxeen
    2-Ninkii amarka siiyayna uu ahaa daanyeerkan baxay.
    Cadayn ayay u tahay in ay ahayd arrin siyaasadeed lo dhigay dawaladdan hadda jirta.

  3. Nasra says:

    Askari wax caayrsha lawaayey guuleeyso farmaajo guuleeyso hogaamiye Soomaaliyeed Allaha kuxafido cadoowgaaga hajabo bidnillah




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...