Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kusoo Noqday, Isagoo Shacabka lasoo Raacay Diyaaradda Turkish Airline

Muqdisho ( Kalshaale) Wafdi uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo safar ku tagay dalalka Jabuuti iyo Turkiga ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo La-taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka jabuuti kaga soo qeyb galay shir looga hadlayay hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta hiigsiga horumarineed ee 2030-ka ee ajendaha caalamiga ah.

Waxaa sidoo kale uu ka qeyb galay furitaanka Aaga Caalamiga ah ee Ganacsiga Xorta ah ee Jabuuti iyada oo ay munaasabaddaasi goobjoog ka ahaayeen Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Rwanda, Madaxweynaha Suudaan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Guddoomiyaha Midowga.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Jabuuti kaga sii gudbay Dalka Turkiga halkaas uu kaga soo qeyb galay Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan oo dhowaan dib loogu doortay xilka madaxweynaha dalkaasi.

Sawiradda : Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaamaya rakaabka diyaaradda Turkish Airlines oo saaka magaalada Muqdisho Keentay.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. NUURKANEDERLAND says:

    SAASAAN kaa RABAA




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...