Koobka Adduunka: Xulka Croatia oo Dhegaha ka Tumay xulka Ingiriiska una Gudbay Ciyaarta Finalka (Daawo Video)

Moscow  ( Kalshaale )  Xulka Croatia ayaa markii ugu horeysay u soo gudbay kulanka kama dambeysta ah ee tartanka ciyaaraha adduunka kadib markii ay 2-1 uga badiyeen xulka England waxaana ay la ciyaari doonaan xulka Faransiiska ciyaarta kama dambaysta ah.

Xulka Ingiriiska ayaa daqiiqadii 5aad waxa ay heleen gool uu u dhaliyay daafacooda Kieran Trippier iyadoo goolkana uu ahaa laad xor ah.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa ay ku dhamaatay 1-0 iyadoo labada xulba ay iska qasaariyeen fursado goolal loo fishay.

Hase yeeshee ciyaartoyda xulka Croatia ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta dadaal badan muujiyay waxana ugu dambeyntii daqiiqadii 68aad ay heleen gool ay ku barbareeyeen waxana u dhaliyay ciyaaryahanka garabka uga ciyaarayay ee Ivan Perišić.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO WAXA DHACAY

90kii daqiiqo ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah waxaana lagu daray 30 daqiiqo.

Qeybtii dambe ee soddonka daqiiqo lagu daray ciyaarta ayaa xulka Croatia waxa ay dhaliyeen goolkii guusha waxaana u dhaliyay Mario Mandzukic.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




MUUQAAL: Cabdi Qaybdiid oo Aqalka sare usoo bandhigay Waxa uu kusoo Arkay Dhuuso-mareeb iyo Kulamadii
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa labadii maalmood ...
Daawo: Dhirbaaxo Millateri ee Ruushku ku Dhuftay Israaiil, Kadib Diyaaradiisii looga soo riday dalka Suuriya (Video)
- Sep 24, 2018
London ( Kalshaale ) Dhirbaaxo Millateri ee Ruushku ku Dhuftay Israaiil ka dib Diyaaradiisii ...
Daawo: C.wali Gaas oo kulan la qaatay Golaha deegaanka Boosaso (Muuqaal)
- Sep 24, 2018
Boosaaso ( Kalshaale)  Madaxwyanaha Puntland C.wali Gaas ayaa kulan la qaatay xubnaha cusub ee ...
Askar ka tirsan Puntland oo Bosaso lagu dilay, Warar dheeraad kasoo baxaya
- Sep 24, 2018
Boosaso ( Kalshaale ) Magaalada Bosaso ayaa la sheegayaa in lagu dilay labo askeri, ...
Daawo Video: Eng. Yariisow “Waxa Jira XILDHIBAANO doonaya inay la baxaan kuwii Axmed dawlo Muqdisho ku gubay
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale)  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu ...