Kismaayo Oo laga Dareemayo Qiimo Koror Ku Yimid Shidaalka ( Faah-faahin)

Kismaayo ( Kalshaale ) Magaalada Kismaayo waxaa laga dareemayaa sare u kac dhanka Shidaalka ah caqabaddaan ayaa hadda waxaa ay soo wajahday gaadiidleyda ku dhaqan Kismaayo.

Ganacsatada Shidaalka ayaa sheegaya in Shidaalka laga keeni jiray wadanka Imaaraadka Carabta balse uusan dhowaanahaan uusan imaanin Shidaal Magaalada Kismaayo ee xrunta Jubbada Hoose.

Ganacsatada ayaa arrinkan u sababeeyay dabeylaha ka socda bad weynta Hindiyaha maadaama lagu jiro xilliga bad xiranka.

Fuustada Shidaalka ah ayaa waxay mareysaa qiimo dhan 200-250 doolar, halka Jirgaankii uu marayo 22 doolar tobankii Liiter ayaa waxaa asna uu marayaa qiimo dhan 11 doolar, waxaana arrintaasi ay culeys ku noqotay gaadiidleyda.

Faarax Cabdullahi oo ka mid ah wadayaasha gaadiidka ee sugan Kismaayo ayaa  sheegay inay ka cabanayaan qiimo kororka ku yimid Shidaalka.

“Waxaan ka cabaneynaa shidaalkoo oo kacay markii hore waxaan ku gadan jirnay afar doolar iyo bar hadda waxaa uu marayaa lix doolar “.

Magaalada Kismaayo ayaa aad waxaa ugu soobadanaya gaadiidka raaxada waxayna hadda ka cabanayaan gaadiidleyda qiimo kororka ku yimid shidaalka.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Ciidamada Xasilinta oo laga qaaday inta badan Wadooyinka Muqdisho saaka
- Jul 22, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Iyadoo xalay saqdii dhexe ay ku ekeyd mudada 48-ka saac ...
Qardho : Shirka Nabadaynta Beelaha Cali saleebaan iyo Muuse Saleebaan
- Jul 22, 2018
Qardho ( Kalshaale ) Waxaa lagu wadaa in saaka magaalada Qardho uu ka furmo ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo Wareysi ka Qaaday Hooyo Dhibaataysan, Maxay Sheegtay oo ka cabanaysaa (Video)
- Jul 22, 2018
Cali Xaraare oo Wareysi ka qaaday Hooyo Dhibaataysan, Maxay Sheegtay oo ka cabanaysaa
Wasiir Faransiis ah oo sheegay ‘dagaalka ganacsiga inuu dhab yahay’
- Jul 22, 2018
London ( Kalshaale ) Wasiirka maaliyadda ee Faransiiska ayaa wuxuu sheegay Bruno Le Maire ...
MUUQAAL Waraysigii Prof. Samatar oo Dhamaystiran Wuxuu ka yidhi Tukaraq, Iyo Su’aalo kala duwan oo la Hordhigay
- Jul 21, 2018
Hargeisa ( Kalshaale)  Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysi dhinacyo badan Taabanaya  oo u Telefishinka ...