Hakinta dagaalkii Tukaraq ee Cabdiwali GAAS, Iyo Damaca Muddo Kororsiga

Garoowe  ( Kalshaale ) Shacabka Puntland oo si weyn uga dhiidhiyey duulaankii Somaliland ku qabsatay deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool iyo hanjabaadii ka timid Maamulka Muuse Biixi ayaa su’ aalo badan iska weydiinaya hakadka ku yimid dhaq dhaqaaqii Puntland dooneysay inay ku xoreyso dhulka horey loo qabsaday gaar ahaan gobalka Sool.

Tan iyo 8dii bishii Janaayo ee sanadkan oo ku beegnayd xiligii ciidamada Somaliland dagaal kula wareegeen deegaanka Tukaraq oo ahayd kastamkii Puntland xili shacabka Puntland ku mashquulsanaayeen soodhaweyntii wafdigii Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa socday dhaq dhaqaaq ciidan oo ay xoogiisa wadeen beelaha ku dhaqan gobalada Puntland oo iskood isu abaabulayey, kuwaasi oo ciidamo badan geeyey gobalka Sool iyo waliba xoolo ay ugu deeqeen ciidamada Puntland.

Dadaalkaasi ka yimid beelaha Puntland ayaa ahaa kii sababay in isbedal ku yimaado dhawaaqii kasoo baxayey Maamulka Muuse Biixi oo horey ugu hanjabad in ay tagi doonaan caasimada Puntland iyo Garowe.

Xukuumada Puntland oo iyadu ku dhawaaqday in dagaal ay u geli doonto xoreynta gobalka Sool ayaa baaqyo kala duwan u dirtay shacabka Puntland inay garab istaagaan ciidamada difaaca, baaqyadaasi oo ay shacabka si mugleh uga jawaabeen, iyagoo ku deeqay hub, ciidan, saanad iyo xoolo.

Sidoo kale shacabka ku dhaqan magaalooyinka ay ciidamada Somaliland qabsadeen sida Laascaanood ayaa ka jawaabay baaqyadii kasoo baxay xukuumada Puntland, iyagoo dhigay banaanbaxyo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac oo looga soo horjeedo Somaliland kuwaasi oo ka dhacay xarunta gobalka Sool, ciidamada Somaliland ayaa xabsiga dhigay tiro badan oo dad rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur ku sugan magaalada Laascaanood.

Waxaa iyaguna jiray weeraro hubeysan oo ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood oo ay fuliyeen maleeshiyaad kasoo jeeda magaalada oo taageersan dhaq dhaqaaqa Somaliland looga saarayo gobalkaasi.

Hadaba xiligan ayey shacabka Puntland su’ aalo badan iska weydiinayaan dib u dhaca ay keentay xukuumada Puntland oo ay hogaamiyaan Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Kuxigeenkiisa Eng.Cabdixakiim Camey oo xiligan u muuqda inay ka gaabsadeen duulaan xiligan lagu qaado fariisimaha Somaliland ka sameysatay deegaanka Tukaraq oo wax ka yar 80km u jirta caasimada Puntland ee Garowe.

Dadka qaarkiis ayaa aaminsan in arrintan ay la xariirto culeyska Beesha Caalamka ay ku saartay dowlada Puntland in la joojiyo dagaalka gobalka Sool, balse waxaa iyaguna jira warar isa soo taraya iyo tuhumo la xariira in xukuumada Madaxweyne Gaas sida ay daacad uga tahay qorshahii xoreynta Sool, arrimahan oo ay shacabka Puntland billabeen inay si weyn ugu falanqeeyaan baraha Bulshada ku sheekaysato.

Muddo Kororsi?

Madaxweynaha Puntland oo la doortey shan sano ka hor yaa lagu doortey barnaamij siyaasadeed oo uu wax ka qabanayo Amniga, hagaajinta dhaqaalaha, dhismaha ciidanka, daryeelka arrimaha bulshada, la dagaalanka Musuqmaasuqa,hirgelinta nidaamka Xisbiyada badan iyo midnmada Puntland ee dib u soo celinta magaalooyinka xukuumadihii hore lagala wareegay ee ka tirsan Puntland. Haddaba iyada oo la marayo malamihii u danbeeyey ee xilka loo dhaariyey ayaa la is weydiinayaa waxa ka hirgalay ballan qaadkiisi iyo dhartii uu shacabka u qaadey, sida Dhaqaalaha Puntland heerka uu maanta taagan yahay, Amniga, dhismaha ciidanka, la dagaalanka Musuqa, so celinta deegaanada maqan iyo hirgelinta nidaamka Dimoqraadiyadda.

Xidiidh kala kalduwan oo aan la sameynay saraakiisha ciidamada ee ku sugan aaga Tukaraq, oo aanu wax  ka weydiinay  dareenka shacabku ka qabaan hakinta hawlgalka ayaa waxay sheegeen in xukuumadda baaqeedi si weyn looga jawaabey, loona diyaar garoobey in Sool laga xoreeyo Somaliland, laakiin aysan ka soo dhamaan Madaxtooyada Garoowe, iyagoo ka gaabsaday inay ka hadlaan in arrintan la xariirto arrimo siyaasadeed iyo dano kale.

Dadka falanqeeya siyaasadda Puntland ayaa aaminsan in Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas markii horeba aanu dagaalka diyaar u ahayn, taas oo ay tusaale u tahay qaabka dagaalku ku bilowdey 15 May 2018, isaga oo ku maqan magaalada Baydhabo.

Gaas ayaa docda kale ku argagaxay cududa militari iyo hubka ay ku jiraan gaadiidka dagaalka ee badan oo ay keeneen beelaha Puntland kuwaasi oo hadda noqday ciidamo ka baaxad iyo cudud badan ciidamadii ay dowlada Puntland geysay Tukaraq, isla markaana u arkeen xubnaha Xukuumada talada heysa in hawlgalkan uu waji kale yeelan karo hadii qaabkan lagu dagaal galo iyo cidda hantiyi doonta guusha xoreynta Sool oo hubaal ah inay saameyn weyn ku yeelan doonto Doorashada 2019.

Waxaana la rumeysan yahay in dhaq dhaqaaqa ciidan ee ka madax banaan xukuumada talada heysa ay sidoo kale caqabad iyo jidgooyo ku noqotay qorshe la hadal hayey oo ahayd in xukuumada Gaas iyo Camey codsadaan muddo kordhin ku aadan xaalada dagaal ee lagu jiro.

Mucaaridka damacsan inay u tartamaan doorashada 2019 ayaa sidoo kale ku lug yeeshay abaabulka ciidan ee socday isla markaana ka qeyb qaatay ololaha ay wadaan beelaha ciidamada ku deeqay, middaasi oo cabsi dheeraad ah ku abuurtay hogaanka sare ee dowlada Puntland.

Xogta Muddo kororsiga ee Madaxweyne Gaas oo si weyn isu soo taraysa inkasta oo isagu aanu ku dhawaaqin ayaa keeni karta cawaaqib xumo ku habsata Puntland, marka la eego ciidamo beeledyada aadka u tirada badan ee Dowladdu durbaanka u tuntey, marka la eego xiisadahii ka dhashay isku dayayadii muddo kororsiga ahayd oo ay damceen xukuumadihii ka horeeyey tan hada joogta iyo waxybaaihii ka dhashey ayaa la oran karaa maanta ayeyba ka sii khatar badan tahay, marka la eego dhanka amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Qalinkii Xuseen Faarax  / Lasoco Qaybta Labaad.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (24)

  1. samawade says:

    awalba waanu ogayn in aanu gaas dhagoole dagalamayn meel cidlo ah in LA fadhiyona mayaqaan gaas dhagolu waxuun buu dagalamaa dagaal markaa socda oo xabadu dhacayso intaa waxii dhaafsan aduu Ku diliy asagooleh goorma ayaynu dagaalka galaynaa iyo meesha maxa la fadhidaan waar inagu kiciya dagaalka waa hadalada ka soobaxa gaas
    taliyaa ciidanku markuu yidhaa fadhiiso adeer oo amarka qaado waxa LA ga yabaa inuu toogto talliya oo meeshaa dagaal labo safi kadhaco midakalle ninka reer miyiga ah ama gaas dhagolaa waxa ka danbaysa baahidii reerka xoolahii dhaankii raashinki biyihii xataa waxa u ka fakirayaa dacawada iyo warabaa sidaas oytahay xaalada jirta waxaan kutalinlaa dhibkodii dhib ha ugudarinee iska fasaxa masakiinta
    hadaad diidaan nin IGA yaqaan ka waraysta

  2. Dabshid says:

    Xoolahii dadka laga kasbeeyey maxaa ayaga laga yari, mise ayaguna HAKAD/MULUQ MULUQ ayey ku jiraan.
    ——————————–

    * Doorashadu markey taagantahey loolan dirirkeeda

    * Dugaag iyo waxaad aamintaan daalin iyo tuuge, adinkaa durbaanada u tumo oon dareen qabine

    * Nimaan daacad idinku maamuleyn digasho mooyaane, adinkaa siduu doonayaba diidey oranayne

    * Xilna wuxuu udoortaa nimaan idiin diir nixine, ama wuxuu daldalo raboo duunyo laga raacey

    * Hayeeshee dib waxey ka noqon daayinkaa garane.

  3. khaatumo haanoolaatoo says:

    waxan maqlijiray habar dhali wayday aleelo kuwalatay sxb riyada hala joojiyo

    deegaankan in laga xoreeyo jabhada kuso duushay waa lagu khasban yahay gooray noqotoba

    kolay waxa socda qorshe larabo in lagagaso saaro ciidamo kujira kuwa jabhada SNM

    kana sojeeda gobolka sool inti badnayd kaso baxday inyarba ku hadhay

    reer sool iyagaba isku filan haday u diyaar garoobaan inay iska saaraan jabhada

    kuso duushay dhulkoda xiliga doorashadu maba dhowa haday tahay 2019

    inta kahoraysa lakala baxaya siday aniga ilatahay maamulka putnlaand inuu

    mawqifkisa cadeeyo way fiicantahay dadkana shakiga kasaaro WBT

  4. Zaki says:

    Niyad jab weyn baa Ku dhacay ciddii puntland inay sidan dhaanto aaminsanayd.Ma awalbaanay muuqan inaanu gaas u socon dagaal, ee uu wax ma garatada iskaga jeedinayay buuqan iyo sawaxankan.NASIIB BAAD LEEDIHIIN HADDAANU GAAS IDIN HALLIGIN, EE ISKA NASTA OO ILAAHAY UGU MAHAD NAQA.CAQLI XUMAA, OO MAXAA IDINKU SEEGAN MAAMULKIINA SOWDINKAA ARKAYA INAANU WAX AWOOD AH HAYN,AAN KA AHAYN MALIISHIYAADKAN HADDII DAGAAL BILAABMO OROD GAROOWE KU DHAAFAYA.TOGBA TAGTII BUU ROGMADAA KKKKKKK.WAXAYBA U HADLAYAAN SIDAY AWOOD HAYAAN OO GAAS HOR JOOGO.TAMARTIINA IDIIN RUN SHEEGTAYDEE KKKKKKKKKKKKKKK.

  5. Dabshid says:

    Sida qoraalka ka muuqato anigu ma qabo in Governor Gaas ka cabsadey in reer Sool gooni isu taagidoonaan marka la xoreeyo Laascaanood, laakiin waa nin og baaxadda Ciidamada iyo dhaqaalaha Puntland,

    Wuxuu kaloo ogyahey inuusan kaalmo ka heleyn Maamulka Greater Banaadir State maadaama uu ogyahey wuxuu ka geystey Shirkii Kismaayo ee QIYAANO QARAN iyo JILBO QABSIGII Carabtii la ceyriyey, iyo hadalkii Dubai uu ka yiri ee Dowlad kama jirto Xamar,Puntland lagama maamulo Xamar.
    Tuulo kasto gooni ula heshiiya, bariba kaalaya Boosaaso bal inuu diido Farmaajo.

    * WARIIRI maradaa lagu dilaa.

  6. Aarka hargaysa says:

    Kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk

  7. Aarka hargaysa says:

    Gaas balan qaadkisii 5 SANO kahor maxaa ka fulay maxaase kafuli waayay laascanood faataxo lagumaqabsan waxaa kadanbaysay tukoraq niiko laguma qabsan kkkkk anigu waa nigii hore idiinku sheegay reerkan darood layidhaa inay idaacad kahan jaban mooyee waa fulay hadaad aragto nin faanaya waa fule

  8. Land of Punt says:

    3 nin oo Warsangeli, Dhulabahante iyo Majeerteen ah, 3da nin ugu sareeya Puntland oo is ag fadhiya waa geli la’ayihiin tukaraq oo Garoowe u muutaqa oo gurmad iyo waxwalba sahal kusoo gaari karaan.
    Meesha xiniinyaha loo geli waayey yaa ila qiyaasi karin.
    Majeerteen fulayo ah marka laga reebo maxay tahay sababta kale?
    Kkkkkkkk😀

  9. sOmalilander says:

    K
    KK
    KKK
    KKKK
    KKKKK
    KKKKKK
    KKKKKKK
    KKKKKKKK
    KKKKKKKKK
    KKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK
    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  10. Land of Punt says:

    Qofka aqliga leh, waa ogyahay in la rabo reer Sool hubka u sida Iidoorka in xaajo iyo wada hadal u socdo oo dhinaca kale u wareegaan ana la go’aansado in haddii hadal diidaan ayagana la laayo.
    Cadaadiska beesha caalamka looma joojiyeen.
    Dagaalka disaster ku dhamaan kartaa oo dhulkaas iyo dadka dega isku burburaan.
    Waa dillema.
    War jiraba cakaaro imaan.✊

  11. Garqaad says:

    Mr gaas waa in loogu daraa 4 sano dhulkii dalka budhlandhi ayuu soo celiyay.
    Mr gaas ka hor lama sheegin nin dagaal isku dayay oo budhlandhi ah. Wuxuu iska dayay xaniinyo ay isku dayi wayeen cadde iyo faroole. Odayga haloogu daro 4 sano.

    Xoolahana halla soo badiyo world koobkii axadda ayuu soo dhamanayaa. Markaas ayuu qaadayaa weerar cir iyo dhul ah. Kudayo dowladda dalka budhlandhi.

  12. Aarka hargaysa says:

    Kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkk garqaad waad igaqos lisay

  13. somalijecel says:

    ACWW:War maxaa la sheegay wali ma wajigii aan ogaa baad leedihiin.

    Anigu waxaan qiyaasayaa in Puntland aanay u socon Laaska.
    1-In dhaqaale laga helo shacabkan masaakiinta ee baariga ah.
    2-In waqti loogu daro gaas ama dib loo dorrto.
    Waxaa ay iila muuqataa arrin uu 2016 kii anigaa diyaarad ka soo raacay dhuusomareeb xamar u soo socda,ayaa nin abtigay ah siyaasina ah wuxuu igu yiri abti shacabka somalida waa shacabka dunida ugu xun.Waxaan ku iri bal abtiyow ii sharax.
    Wuxuu yiri waa shacab iska bridge sidii la doono loo isticmaali karo 2 reer ee ugu daran waa Majeerteen iyo Isaaq sababtoo ah waa ugu qabyaalad badan yihiin,ofcourse uguna xun yihiin dhinacyo badan marka laga eego.
    Haddii 500-3000 wiil masaakiin ah aanay dhiman,anigu waxaan qabaa guul in ay tahay, waxaase la yaableh ninka Gaas iyo Biixi aanay aqoon haddana reer ku taageeraaya.
    All in all ninkii waxaan ka bartay in aan dad xun nahay,qofkii doonan wuxuu doono inoo sheego oo aan isku layn karno.
    WAA BEEN MAJEERTEEN IYO ISAAQ AYAA ILBAX AH,CAQLIGOODU WAA QABYAALAD ILLAHAY HAKALA QABOOJIYO SHARKOODANA HANAGA HAYO.

  14. Land of Punt says:

    Tukaraq iyo Garoowe 70km meter, labida Gaatama xuduudka Dhulos iyi Habarjeclo iyo Tukaraq 300km..kkkk
    Ragaan meesha fadhiya dhaqaaqi la’ayihiin.
    Kkkkkkkkkk
    Iidoor qooro weyne..
    Kkkkkk
    Cali Injir iyo Baashe yaraan ku faraxumeeyey..
    Stockholm syndrome igq dheh.
    Laakiin ma dheera marka ayaga Iidoorka ciida la cunsiin doono.
    Walaahi Iddoorka iyo Cali injirka wataan waa loo dhaarsan yahay.
    Imisa sano ayaa Iidoor ku dabagaban eyda iibsadeen.
    War aniga Dhulbahante inta Garaadada shireen Somaliland raaceen aniga dabaaldega ugu horeyn lahaa laakiin in beel Harti horgale laga adeejiyo, wsa la is dilin.
    War is coming sooner or later.
    🔫😦

  15. Land of Punt says:

    Maanta Xudun oo buhda Ugadhyahan ayaa ciidan soo dhoobtay Tukaraq, sida u arko Dhulbahante waa midoobi rabaa, ragii Dhuloos oo calan Isaaq ku dagaalamayey calan blue ah xirteen.
    Dagaalba waa laga maarmin, insha allah.
    Dhul ninkiisii baa leh.
    Marka beel walba dhulkeeda ayaga u dowlad yihiin ayaan Sonalinimo in kala baxno iyo wax ku heshiino ka wada hadlin.
    Maanta qabiil kale qabiil Somali uma dowladayn karo macal gabooye.
    That era is dead.
    Run
    😦

  16. Kalahage says:

    Lop

    Wali ma ruwaayadii baad wadaa ahayd nin dhulbahante ah baan dhinaca kale ku arkay….dawaco daymada ma dayso.

    War dadka ha waalina meesha waxba kuma haysaanee.

  17. Zaki says:

    Land of Punt sxb maad xaqiiqada waajahdaan oo indha adayga iska daysaan.Hadii Somaliland dhowrkaa qof wataan sidaad aaminsantahay reer sool oo dhamina idin rabo barako daridinaa may muuqato?.Sidan Ku ceebowdee maxaa idiin talo ah kkkkk.Maliishiyaadkiina hanfiga Ku harraadee kkkkk.mise xaalku waa nin qoyani biyo iskama dhawro.

  18. Kalahage says:

    In 10 years you were saying war is coming soon or later…

  19. Jabhad says:

    Hani uk

    oo boqatay jiidaha sidii ina samatar bey iyaduna

    Ari ku deqday caawa buhodle bey dhaanto ku

    Tumanaysa lool

  20. Garqaad says:

    Haweenkii in loo diro furinta hore miyey ka dhamaan weyday.

    War bal iyaga aaga hore hallagu tijaabiyo mindhaa ragga dhamaane.

  21. Barwaaqo says:

    Kkkkkk, maalintay Butiland ku xun tahay Waxaan ka gartaa waxa uu qoro allsanaag: Video ka sheekaynsya jidka ceeldaahir ayuu soo dhigaa oo uu ugu talo galay qurbajoogta Waroos. Jidkaasi waa been Faroolanna waxa uu odhan jiray Dekadda Laasqoray baan dhisayaa Xaa ku been ah!

  22. Land of Punt says:

    Kalahage
    Waxa loo dagaalimi la’ayahay ma fahmi kartaa?
    Aqli waa in lagu dagaalo, kaad u dagaalaysay in kula dagaalayo,
    maaha arin sahlan.
    Idinka kuwiina Hawiye dagaalka sugi la’dihiin. Alaa idinka weyn.
    Iidoor iyo horgale Dhuloos dhinta midna ma rabo, dhooda maxaan ku falin.
    Borana iyo Gabilay ku noqda.
    Xitaa Alshabaabkii Garacad iyo Garmaal dhiigooda ma rabin.
    Dagaalka mar ayuu kugu qaajib yahay hadaad rag tahay= markaad dhulkaaga, maalkasgw iyo dadkaaga difaacayso.
    I hate wars!
    Dagaalkaan Tukaraq i don’t like it.😢

  23. sugule says:

    nimanka isaq waan necbahy hadana markaan soo galo kalshaale commentigooda bn akhristaa waa niman funy ah waxyar oo kooban oo mugwayn bay qorayaan

  24. Jabhad says:

    Xaq ku been ah lool war jidka waa socda ilaa

    Ceerigaabo wuu garaya dekeda laasqoray iyadana

    2019 ayaa qorshuhu yahay in la dhiso lool




Daawo: C.wali Gaas oo kulan la qaatay Golaha deegaanka Boosaso (Muuqaal)
- Sep 24, 2018
Boosaaso ( Kalshaale)  Madaxwyanaha Puntland C.wali Gaas ayaa kulan la qaatay xubnaha cusub ee ...
Askar ka tirsan Puntland oo Bosaso lagu dilay, Warar dheeraad kasoo baxaya
- Sep 24, 2018
Boosaso ( Kalshaale ) Magaalada Bosaso ayaa la sheegayaa in lagu dilay labo askeri, ...
Daawo Video: Eng. Yariisow “Waxa Jira XILDHIBAANO doonaya inay la baxaan kuwii Axmed dawlo Muqdisho ku gubay
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale)  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu ...
Muuqaal: Cabdi Shire “Waan ka seexan Waayey Ninkii la gubay, Waa in AROOS Qaran loo sameeyo Wiilka iyo Gabadha’
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ...
MUUQAAL: Xildhibaan Aamina ” Waa in maxkamad lasoo taago dadkii Dilay ee ku gubay Axmed Dowlo Xamar (Video)
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildh Aamina " Waa in maxkamad lasoo taago dadkii ka danbeeyay ...