Feysal Cali Waraabe: Inaan Soomaaliya La midowno waxaa nooga roon dalalka Kale ee Deriska ah anaga oo ku biirna”

Hargeisa ( Kalshaale) Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa daboolka ka qaaday inay adkaan doonto in Somaliland ay dib ula midowdo Soomaaliya inteeda kale.

Feysal ayaa sheegay in Somaliland ay ka niyad goosatay Somalia, sidaa aawgeed aysan waxba u arag wadahadalka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxa uu tilmaamay Feysal Cali Waraabe in la midoobida Somalia ay ka doorbidayaan la midoobida dalalka kale ee xaduuda kala dhexeysa Somaliland.

“Adeer wey nooga dhamaatay Xamar waxaanu ka doorbideynaa inaan la midowno wadamada kale aanu xadka wadaagno”.

“Somaliland wakhtiga ayey reer xamarku ka dhuminayaan anaguna waxbaa noo cad dooni meyno inaan wadahadal danbe la galno Somalia”.

Feysal ayaa sheegay in carruurta Somaliland xitaa aysan wali ilaabin dhibaato uu carab dhabay inay kala kulmeen Somalia, waxa uuna tilmaamay inay ka hortaagan tahay ictiraafka.

Sidoo kale, Feysal Cali ayaa xubnaha kasoo jeeda Somaliland ee la shaqeeya dowlada Somalia uga digay inay faragishtaan howlaha aan khuseyn maadaama aysan xamar u dhalan, isla markaana ka carareen Somaliland.

Haddalka Feysal Cali ayaa u muuqanaaya mid lagu sii hurinaayo khilaafka Somaliland kala dhexeeya dowlada Somalia.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (5)

  1. Land of Punt says:

    Yaab, odaygaan waa soo waashay!
    Wadanka ma asaga keligiis ayaa leh, marka uu leeyahay Ethiopia nagu dara ileen wadan kale oo deris la yahay ma jiree!
    Nin wax laga qoro maaha.

  2. Hayaan says:

    L/Puntland:

    Ninkan waa handy-cup, waxaa ka quusatay Ciida gale markii uu meelwalba Sirtoodii kashifay, kadib Waxaa I tageen Horjoogaha Jamhadda SNM AKA Jeegaanta, waxay ku dhaheen ninkan si uusan sirtayada u kashifing Guri u dhis una fasax si uu ugu yiraahdo Soomaalida kale wax alla wixii cay iyo aflagaado ah.

    Ethiopia dhamaantood ayaa yiraahda waa walaalahayo aanu jecelahay, laakiin Ethiopia weligaa ka maqli maysid SNM waa walaalahayo!!!!!!

  3. Raamsade says:

    KKKKKKKKKKKKKK WAA NIN WAREERSAN LKN HADII AY OGOLYIHIIN DJABUUTI HALA MIDOOBEEN KALIYA XABASHIDA AYAAN KA CELCELINEYNAA KILINKA LI 6 XAMAR RUUXEEDU XIISO UMA QABTO REER QAAQLE

  4. NuurkaNederland says:

    WAR ILEYN AF AADANLAHAYN MA QABATID!.
    FAYSAL WAA QANDARAASLEDEYSE URAYA.
    WUXUU ETHIOPIA UGU ORDAYAANA SHAQADIISII BASAASNIMADA AHAYD BUU KA DHEX ARKAA.
    GABAY QAMAAN BULXAN:-
    (NIN WALAALKII DOORSADAA ILLAAH DEREJEDAYN WAAYE)

  5. BARAWANI KING says:

    SALAAMU CALEEKUM

    Futo xumi, yaa IIDOOR u baahan. Laakeen, HARTI DAAROOD soomaali kala go’yn maayo.

    WA BILAAHI TAWFIIQ




MUUQAAL: Cabdi Qaybdiid oo Aqalka sare usoo bandhigay Waxa uu kusoo Arkay Dhuuso-mareeb iyo Kulamadii
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa labadii maalmood ...
Daawo: Dhirbaaxo Millateri ee Ruushku ku Dhuftay Israaiil, Kadib Diyaaradiisii looga soo riday dalka Suuriya (Video)
- Sep 24, 2018
London ( Kalshaale ) Dhirbaaxo Millateri ee Ruushku ku Dhuftay Israaiil ka dib Diyaaradiisii ...
Daawo: C.wali Gaas oo kulan la qaatay Golaha deegaanka Boosaso (Muuqaal)
- Sep 24, 2018
Boosaaso ( Kalshaale)  Madaxwyanaha Puntland C.wali Gaas ayaa kulan la qaatay xubnaha cusub ee ...
Askar ka tirsan Puntland oo Bosaso lagu dilay, Warar dheeraad kasoo baxaya
- Sep 24, 2018
Boosaso ( Kalshaale ) Magaalada Bosaso ayaa la sheegayaa in lagu dilay labo askeri, ...
Daawo Video: Eng. Yariisow “Waxa Jira XILDHIBAANO doonaya inay la baxaan kuwii Axmed dawlo Muqdisho ku gubay
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale)  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu ...