Ethiopia iyo Eritrea oo dib u furanaya Safaaradihii Asmara iyo Addis Ababa

Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladaha Ethiopia iyo Ertirea ayaa Isniinta soo socta dib u furanaya Safaaradahooda Asmara iyo Addis Ababa, taasoo qeyb ka ah xiriirka labada dal u bilowday, kaddib labaatan Sano oo dagaalo u dhaxeeyay.

Labada dal ayaa isku raacay inay dib u furaan qadadkii isgaarsiinta, ganacsiga iyo xiriirka diblomaasiyadeed.

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa 18-ka bishan dib u bilaabi doonta duulimaadyadeeda muddo labaatan sano kaddib, iyadoo dadka heysta baasbaoorada labada dal ay qaadan doonaan Visaha ama dal ku galka labada dal.

Dib u heshiisiinta taariikhiga ee labada dal dhex maray ayaa sabab u noqday in dhamaan ka heshiiyaan khilaafaadkii siyaasadda iyo dhinaca milateriga ah.

Afhayeenka dowladda Ethiopia Ahmed Shide ayaa sheegay inay dib u furayaan labo waddo oo muhiim ah isku xirta Dekedaha Assab ee Koofurta Eritrea iyo Dekedda Massawa ee waqooyiga Eritrea, si Gobolka oo dhan uga faa’ido.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dib u furida waddooyinka isku xira Itoobiya iyo Dekedaha Eritrea aanay kaliya faa’ido ugu jirin dadka Ethiopia, balse Gobolka oo dhan uu faa’ido u yahay.

Boqolka milyan ee Itoobiya ayaa ku tiirsan Dekeda dalka yar ee deriska la ah ee Jabuuti, waxaana dhowaan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu kala hadlay dowladda Sudan, sidii u isticmaali lahaayeen dekadaha dalkaas.

Booqashadii taariikhiga aheyd ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku tagay Asmara ayaa waxay furtay albaabo badan, iyadoo labada dal isaga soo dhowaaday si aan horay loo fileyn.

Ethiopia iyo Eritrea ayaa muddo labaatan sano u dhaxeeyay colaado iyo muran dhanka Xadka ah, waxaa sanadkii 1998 illaa 2000 u dhaxeeyay dagaalo ay ku dhinteen kumanaan ruux.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...