Daawo: Wasiir Bayle oo soo Bandhigay Guulaha Balaadhan ee Wasaaradiisa

Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi raxmaan Ducaale Bayle ayaa Shir Jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu faahfaahiyay waxyaabihii u qabsoomay 6-dii bilood ee la soo dhaafay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka Beylah ayaa sheegay in Lexdii Bil ee la soo dhaafay Dakhliga dalka uu kordhay isla markaana uu gaaray 58% marka la barbardhigo sanadkii lasoo dhaafay, isagoo guul ku tilmaamay in markale lacagtii IMF ka dooneysay ay keeneen in ka sareysa.

Wasiirka ayaa tilmaamay in la isku raacay in Dakhlig dalka ay qabato Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo ay suurta gashay in Wasaaraddaha Xukuumadda ay Dakhligii ay hayeen ku wareejiyaan Wasaaradda Maaliyadda.

“Dakhliga ina soo galay ilaa iyo boqolkiia 58 ayaan daboolnay meel hoosa ayaan kasoo bilownay dhawaan waxaan ilaah ka rajeyneynaa wax kasta oo dowlada ay ku socotaba inaan anagu dabooli karno Waxaa noo suurta gashay inaan soo wareejino dakhliga ay qaadi jireen Wasaaraddaha Xukuumadda Soomaaliya iyo Maxkamadaha taas waxay noo fududeysay inaan gaarno heerkii loo baahnaa”.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii xuquuq joogta ah ay u heli lahaayeen Shaqaalaha Dowlada ee sida wanaagsan u shaqeeya, isagoo dhanaca kale u digay dadka aan u shaqeyn dalka iyo dadka ee Mushaaraadka iska qaata wuxuuna xusay in baaritaan uu ku socdo isla markaana si fiican la iskula xisaabtami doono.

Wasiir Bayle  ayaa sidoo kale sheegay in sanadkaan waxyaabaha u qabsoomay Dowlada ay ka mid tahay in meel gaba gabo ah uu marayo qorshaha lagu daabacayo lacagta cusub ee dalka uu yeelanayo, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay 41-Milyan oo lagu fuliyo Hawshaas iyadoo IMF ay dowlada ka caawineyso.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (2)

  1. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Dr Beyle, nooloow adeer dadaalkaaga waan la soconaaye. WBT

  2. khaatumo haanoolaatoo says:

    Geesiga dadkisa guusha u horseeda geerida dishaay geedka haba’o

    mudane Bayle waxad kujirta wadaniyiinta jecel inay dalkoda kaso saraan

    godku kudhacay ilaahay idanki waad gaadhidontaan hankina iyo himiladaad

    higsanaysaan ilaahay haydin fududeeyo howshaad u haysaan qarankina

    Nabad iyo Nolol guuuuuuuuuuul iyo gobanimo




Daawo: Dhirbaaxo Millateri ee Ruushku ku Dhuftay Israaiil, Kadib Diyaaradiisii looga soo riday dalka Suuriya (Video)
- Sep 24, 2018
London ( Kalshaale ) Dhirbaaxo Millateri ee Ruushku ku Dhuftay Israaiil ka dib Diyaaradiisii ...
Daawo: C.wali Gaas oo kulan la qaatay Golaha deegaanka Boosaso (Muuqaal)
- Sep 24, 2018
Boosaaso ( Kalshaale)  Madaxwyanaha Puntland C.wali Gaas ayaa kulan la qaatay xubnaha cusub ee ...
Askar ka tirsan Puntland oo Bosaso lagu dilay, Warar dheeraad kasoo baxaya
- Sep 24, 2018
Boosaso ( Kalshaale ) Magaalada Bosaso ayaa la sheegayaa in lagu dilay labo askeri, ...
Daawo Video: Eng. Yariisow “Waxa Jira XILDHIBAANO doonaya inay la baxaan kuwii Axmed dawlo Muqdisho ku gubay
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale)  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu ...
Muuqaal: Cabdi Shire “Waan ka seexan Waayey Ninkii la gubay, Waa in AROOS Qaran loo sameeyo Wiilka iyo Gabadha’
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ...