Xulka Faransiiska oo Dhegaha ka tumay Biljimka Una gudbay ciyaarta Finalka ee Koobka Adduunka ! (Daawo Muuqaal)

Laascaanod  ( Kalshaale ) Xulka qaranka France ayaa u soo baxay finalka koobka aduunka kadib markii ay 1-0 ku khaarajiyeen Belgium. Samuel Umtiti ayaa noqday geesiga xulka France kadib marii uu dhaliyay goolka kaliya ee uu xulkiisu ku garaacay Belgium isla markaana ay ugu soo baxeen finalka koobka aduunka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

France ayaa hadda diirada saari doona kulanka finalka koobka aduunka oo ay la ciyaari doonaan midkii habeen danbe soo baxa England iyo Croatia.

Xulka qaranka France ayaa si cajiib ah uga soo gudbay imtixaanadii ay soo mareen waxayna hadda diyaar u yihiin in ay koobka aduunka hantaan markii labaad.

Xulka Belgium ayaa waqtiga la baratamayay si ay goolka barbaraha u keensadaan isla markaana ay ciyaarta waqti dheeri ah ugu dari karaan laakiin France ayaan doonayn in ay shaqo kale isku furaan waxayna samaynayeen wax walba oo ay natiijada ku ilaashan karaan.

Si kastaba ha ahaatee, xulka qaranka France ayaa awooday in ay Belgium aamusiiyaan isla markaana ayna la iman goolka barbaraha taas oo keentay in ugu danbayn ay ciyaartu ku dhamaatay 1-0 uu France ku garaacay Belgium waxayna u soo baxeen finalka koobka aduunka iyaga oo sugi doona England iyo Croatia midkii soo baxa.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




MUUQAAL: Cabdi Qaybdiid oo Aqalka sare usoo bandhigay Waxa uu kusoo Arkay Dhuuso-mareeb iyo Kulamadii
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa labadii maalmood ...
Daawo: Dhirbaaxo Millateri ee Ruushku ku Dhuftay Israaiil, Kadib Diyaaradiisii looga soo riday dalka Suuriya (Video)
- Sep 24, 2018
London ( Kalshaale ) Dhirbaaxo Millateri ee Ruushku ku Dhuftay Israaiil ka dib Diyaaradiisii ...
Daawo: C.wali Gaas oo kulan la qaatay Golaha deegaanka Boosaso (Muuqaal)
- Sep 24, 2018
Boosaaso ( Kalshaale)  Madaxwyanaha Puntland C.wali Gaas ayaa kulan la qaatay xubnaha cusub ee ...
Askar ka tirsan Puntland oo Bosaso lagu dilay, Warar dheeraad kasoo baxaya
- Sep 24, 2018
Boosaso ( Kalshaale ) Magaalada Bosaso ayaa la sheegayaa in lagu dilay labo askeri, ...
Daawo Video: Eng. Yariisow “Waxa Jira XILDHIBAANO doonaya inay la baxaan kuwii Axmed dawlo Muqdisho ku gubay
- Sep 24, 2018
Muqdisho ( Kalshaale)  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu ...