SAWIRRO: Madaxwayne Farmaajo oo Kulan la Qaatay MD. Xasan Sheekh

Istanbul ( Kalshaale )  Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada Madaxweyne ayaa kulanka xaalada uu dalku marayo, caqabadaha siyaasadeed ee dalka iyo inay iska yeeshaan mustaqbalka iyo horumarka dalka.

“Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursadaha iyo caqabadaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna.” Ayuu yidhi Madaxwayne Farmaajo.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu xilka wareejiyay deegaan ka dhigtay magaalada Ankara oo ay qoyskiisa ku noolyihiin.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (26)

  1. NuurkaNederland says:

    QOSLAYE MIYAA NINKAANI?
    WAA TUULKII UGU liitey INTA TUUL NASOO MARTAY. KKKKKKK

  2. Dabshid says:

    Inkastoo aan ka soo horjeeday xadgudubka uu ku sameeyey dadka dego Greater Banaadir State, hadana waa ninku jiro Level ka Aadan Cadde Cismaan oo ahaa ninkii Xilka Qaranka ku wareejiyey C/rashiid Sharma’arke.

    Hadafka Ururkii Doorasho soo celinta ayaa ahaa -Ninkaad doonto dooro Dictator waa tagee.

  3. Jabhad says:

    madaxda sare waan salamaya gobanimo farmaajo

    Waa inuu dalka ku soo celiya madaxdii hore e dalka

    xasan shekh maxaa ku dhacay dhoola cadayn ma

    Jirto maanta lool

  4. Mr BaHaL says:

    Xasan sheeik Maxamuud,waan salaamayaa.Madaxwaynihii hore ee Somaliya waalan.Si nabad ah ah ayuu xilkaasi u wareejiyay.Sidaa oo kale ayaan ka rabnaa Madaxwayne Maxamed Cabdullahi.

    Madaxwayne Formaajo waa inuu taariikhda Somalida meel fiican ka galaa.Waayo?

    Ilaa maanta lama hayo Madaxwayne ka soo jeeda Daarood oo xilwareejinayakkkkkkkkkkk

    Way la baxsadaan,xilki iyo wixii wadanka yaalayba.

    Formaajo arinkaasi ha loo sheego si uu iskaga ilaaliyo arinkaasi.

    Dalmida

  5. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Dabshid, adeer Qabyaaladdu hadday halkaa gaarto SACSAC bey kaa dhigta. Xasan Sheekh madaxweyne ka liita Somalia sooma marin ee waxaa kula gudboonayd inaad ka gaabsato. YAAN Xasan ahayn oo GABDHO beec geeyay “Awelba way dhoofijireen”? YAAN Xasan ahayn oo Maamulki Khaatumo State of Somalia dayriyay “Maamul la dhiso waxaa u dambeeya Galmudug”. YAAN Xasan ahayn oo dayriyay Dhusamareeb; “Magaalo madaxdi Galgaduud waa Dhusamareeb SHIRKANA waxaa lagu qabana CADAADO?” taaso keentay inay Beelo wada dhashay ay ISGARBIYAAN. Adeer waxaa fiicnaalahayd inaadan Xasan Sheekh siinin ammaan uusan lahayn DAQARRADUU noo gaystaan weli bogsoone. Ogow hadde Xasan EEDADAY baa dhashee. WBT

  6. Raamsade says:

    QOFKU WUXUU AMAAN HELAHAA MARKA LA ARKO MIDKA KA DANBEEYA OO KA LIITA SIDAAS AYAA XASAN LOO AMANAYAA MARKII LA ARKAY FIR GAAJO IYO MAQAARLE OO U DHAQMAYA SIDII KOOX BUR CAD AH

  7. Garqaad says:

    Ex madaxweyne xasan sheekh.

    Aabihii Somaliya soo nooleyay. Aabihii aduunka baray in ay Somaliya weli aduunka la jaanqaadi karto. Aabihii dulqaadka ee Somaliya.

    Madaxweyne farmaajo ma talo ayuu u doontay madaxweyne xasan sheekh.

  8. Land of Punt says:

    Cabdulaahi Yusuf ayaa bilaabay dagaaladii ka dib oo Sheik Shariif ku wareejiyey, Sheik Shariif, Xasan Sheik ku wareejiyey, Xasan Sheik Farmaajo ku wareejiyey insha Allah Farmaajo ku wareejin ninka parlemanka 4.5 keenaan, ilaa laga gaarayo one man one vote.
    True.
    Xukun boobkii waa dhamaaday Somalia ninka isku dayana xagee xukumin ileen ninwalba goofkiisa waa yaqaane.🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴

  9. Land of Punt says:

    Garqaad
    Kkkkkk
    Ha biqlayso!
    Aabihi Somalia nooleeyey iga dheh!
    Walle Maryooley weli ma ilbixin!
    Aqligooda kama korin nin jeclaysi..
    That’s why I Love federal.
    Waayo nin rag ah iyo bulsho wax qabsan karta waa nidaamka mar aan aan dheerayn na tusi doona.
    Viva federal.
    10 ilaa 20 sano isii, runta lagu wada ooyin.
    😜

  10. Mr BaHaL says:

    Land

    Meel uu Cabdullahi Yusuf xil ku wareejiray lama arag.Xataa meel lagu doortay lama arag e Ethopiya ayuu biyaha u siday.

    Markiii dambe cidlo ayuu ku bakhtiyay.

    Dalmida

  11. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Akhyaarta Barxadda, middi midd ku taag laga fiican, caadifad Qabiil laga fiican, inaan laysu garaabin laga roon MARKA fadlan qolyahiina Xasan Sheekh difaaca soo ban dhiga WUXUU Subiyay oo la mahadiyay ANIGUNA waxaan idin xusuusin dhibaataduu geystay oo la eersadaye. WBT

  12. Land of Punt says:

    Bahal
    Adiga waxaad isleedahay Land of Punt hadal ku dur laakiin adiga ayaa isbahdilay in drogist arimaha Somalia ” Somali modern trouble history dhuuso kala socon tahay.
    Walaahi hadalkaaga agtayda muusaan culus kuma lahaandoono!
    Waayo nin wax og ma tihid, xitaa hadaadan ogeyn meel Cabdulaahi Yusuf lagu doortay iyo meel isku casilay, meel aas qaran lagu tukaday iyo meel lagu aasay iyo meel ku dhintay! Oo sida xoolaha baqtiyey oo dhiman.. Cudarka ku haya daawo malaha!
    Sick dude!
    Ileen xoolo aduun la socon ayaan la doodi jiray!
    Hadda ka dib wax kusoo qori maayo..
    Facaaga raadso!
    🖕🏼

  13. Mr BaHaL says:

    Land

    Ninkaa aad sheegatay Emaaratka ayuu ku bakhtiyay,kaalkacayo ayaa lagu aasay.

    Sheeikh sharif ayaa ku biilijiray.

    Dalmida

  14. Land of Punt says:

    Ahmed Somali
    Adeer anigu Xasan Sheik eedayn maayo, wax badan ka qaldamay laakiin waxaan ku ixtiraamin in umadda Somalida awlul amar u ahaa ama hogaan iyo in xukunka aqbalay in 4.5 qabiilada nin kale keeneen asagoo tolay oran.
    Inkasta oo uusan oran karin oo wadanka general Udandese ah haystay ninka gaalada mushaarka siiya soo xir dhahaan xirayaan oo asaga wixii loo sheego yeelayey.
    Somalida mr Bahal oo kale ku jira!
    Anoo qabiil neceb in qabiil difaaco igu kalifay.
    In qabiil la dhaafo haddii la diiday aniga in gobolkayga Puntland gobolada ugu horeeyo ka shaqayn weligay.
    I am federalist to the death. Naftayda u hurin in federal hirgalo, waa waxa keliya oo ku kala badbaadi karno.
    Waa run!
    Vivo federal.👍

  15. Land of Punt says:

    Bahal
    Ha ila qabsan.
    Iska daa waxa cunto oo nolol raadso!
    Aqri Somali civilwar, hadiiba maskax kugu hartay.
    Markaas ka dib dadka la sheekaysa.
    Waxna ha iisoo qorin. Aniga takhtarka maskaxda ma ihi.
    You idiot!

  16. Land of Punt says:

    Ninka wixii Somali dhexmaray dersin ilaa xoriyadda la qaatay iyo xoriyad doontii.
    Dib u fiirin taariiqda Somalida ninka noocaas ah iyo gobolka kasoo jeedo boorka looga tegin.
    Nin wixii dhacay ogeyn wax jooga iyo wax soo socda midna wax kama qaban karo.
    Jaahil iska ordaya ama iska hadlaya waa la lahaan sida xoolaha!
    Run.

  17. Garqaad says:

    Oday axmed

    Qof sheegtay in uu dhashay 1941 hadana sidaada oo kale u hadlaayo. Ma garan karo sida loo qancinaayo.

    Midda kale qofka aragtidiisa xurboo u yahay madaxda dalka soo maamushay iyo kuwa hadda maamulo intuba tegareyaal iyo mucaarad intaba wey leeyihiin. Laakii adiga waxaa kugu dhacay xanuun xasan sheekh maxamuud. Dadka waxaad ku beerlaxawsataa eedadeey ayaa dhashay. Laakii anigu waan diiday.

    Madaxweyne xasan sheekh maxamuud. Wax kale iska daaye waxaa wanaag kuugu filan siduu u wareejiyay marka laga guuleystay.

    Waxaa tusaale kuugu filan baddii Somaliya ee uu badbaadiyay dacwadeeda heegan ka furay.

    Waxaa tusaale kuugu filan siduu u xoojiiyay meel u saaray arimaha dibadda.waad ogyahay halkuu uga tegay ayey weli talaa.

    Wuxuu dhisay dhamaan xafiisyada dowladda hadda joogto ku adeegato.

    Adiga wexey kaaga dhegtay.
    Xasan Gabdho ayuu iibiyay adigoon weliba cadeyn u heynin.
    Khaatumo ma aqoonsan eeda ayaad uga dhigtay.
    Galmudug ayuu maamul u sameeyay eeda ayaad uga dhigtay.

    Bal noo sheeg midka hadda aad tageerto waxa uu qabtay?

    @ lop

    War xishoo marka laga hadlaayo dadka wanaagsan meesha lama keeno mahbariinta wadanka laga tarxiilay.

    Reer quruc tariikh wanaagsan waxaa ugu dhaw mudane farmaajo. Waa hadii uu maro wadadii ay mareen.

    Madaxweyne aadan cabdulle cusmaan.
    Madaxweyne cabdi qaasim
    Madaxweyne shariif
    Madaxweyne xasan sheekh maxamuud.

  18. Garqaad says:

    Cafis dhamaan waanka dhacay

  19. Jabhad says:

    Qabyaalada iyo nin jeclaysiga waxay meel xun

    Dhigtaa taarikhda dal lee yahay iyo hogaamiye dal

    Mafaxwayne adan abdule osman dalkiisa o xoraa

    La doortay dadkii somaliyed baa dortay xilkii marku

    Ka degey dalkiisi kama cararin beertisu degay waa

    Hogamiyaha keliya waqtiga dorashadii ka dib si

    Cajiib ah xilka u warejiyey xukun isu dhibkii isaga

    Iyo cabdirishiid calamka oo dhan ba wax ka qoray

    Isku meel lama dhigo hogaamiye daleed iyo nin

    Xero amisom ilalinayso lagu doortay xilka markuu

    Ka tagana ku dooda damaanad qaad isiiya iyo dal

    Aan dego

  20. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Garqaad, adeer horta aan kula kaftamo intaanan HUBKI cuslaa kugu harqin;
    -Adeer garaad kaaga arke MEEQA sanaad jidha?.
    §§§Adeer, horta waxaa loo baahanyahay Markaad cid la doodayso EDEB adna waaba ka arradantahay. *Tan 2baad looma baahna mana awoodid inaad dadka qalbigooda aqrisato HADDABA wixii la qoro si hufan u naqdi. *Tan 3xaad waxaa tahay nin Qabiliista ilaa hadda Lagase yaabee inaad ka korto ood Somalinimo gaadho. *Adeer waxaad ii soo qodhay waa raad DIGAAG oon ka ahayn Inuu Xasan u dagaalamay Badda Somali sona dhiciyay. *Maxaa keenay beer laxawsi “edadaybaa dhashay” adigoo kalan tusay inaan nac igu jirin. *Adeer INDHO far iska gelis looma baahne WAXAAN qoray wax ka beeni. *Horta Mujaahidiinti xijaabatay ILAAHAY SWT Jannadi haka waraabiye aan qaar wax kaaga sheego. *MA maqashay nin la dhihijiray YAASIIN oo ina adeerki oo Talyaaniga sirta SYL sii jiray ku dilay isgooyska CEELGAABTA Wuxuu ahaa C/Maxamuud. * Ma maqashay FAASHA FALANYAAME oo dhowr Talyaaniya ku dilay Xamar dhammaadki 40tameeyadi ilaa billowgi Kontomeeyadi una baxsaday JIGJIGA ilaa 1960na joogay BURCO Wuxuu ahaa Raxanweyn “Zoobe walaalki”. * Xalima Cuuke oo xabsiga Kismaayo ku dhex dhashay MAJEERTEEN. *Adeer Xaawo Taako taalladeedi aragtay OGAADEEN. *Waxaan malayn inaad haayso Taariikhdi; MUURO oo intoo laga cabsaday in C/Ciise gaaladu sumayso YIRI “aniga halay duro dhiiggana ha layga qaado intii Cabdullahi la sumayn lahaa waana isu ekaayeen”, C/RISAAQ X. XUSEEN & C/RASHIID CALI SHARMÀARKE oo gaarsiiyay Waqtigiisi inay Somalia noqoto Waddanka 4raad oo ugu quwad badan Afrika M/JERTEEN. *Adeer intaa waxaan kaga soo qaatay boqolaalki MUJAAHID oon Hawiyaha ahayn. *Mid aan fila inaadan jeclaysanayn, Farmaajo aabihi wuxuu ka mid ahaa Dhallinyaradi Horseedka SYL oo dhallinyarada xisbiyada PRO Talyaaniga la dagaalami jiray. ***LOP adeer waa kuu nacasnimo hadduu Garqaad ku duudsiiyo dhiigi awooweyaasha. Wuxuu ku dhihi kara WAAN kaaga badanahay Xamar BALSE unukaa leh kuma dhihikaro. Adeer dhiigaagi haka dhigin mid Macno làaan ku daatay ee raadso oo haysku soo oodin Burtinliyo & Gaalkacyo dhexdooda. Abwaanki wuxuu yiri; XIDIG BAAD KU DOONTE DAYAXAADBA LEEDAHAY adeer Xamar waxaa kaaleh kalsooniyari.
    +++Garqaad adaa yiri; Farmaajo fiican hadduu maro dariiqi “Madaxweyne aadan cabdulle cusmaan.
    Madaxweyne cabdi qaasim
    Madaxweyne shariif
    Madaxweyne xasan sheekh maxamuud”. Luuqad Qabiil. §§§YAA IGA MAMNUUCAY INAAN MAR-MAR ISTICMAALO LAHJADDA SOMALI QALDAAN ama aan KAFTAMO?. WBT

  21. Land of Punt says:

    Ahmed Somali
    Adeer ragga aad taariiq hore in ogyihiin ka sugeyso maaha rag tan joogta og!
    Tusaale waxay ku doodaan in Cabdulaahi Hawiye xamar cayriyey! Ma oga in heshiiska xilwareejinta ku jirto in madaxweynihii hore meel fog la geeyo si madaxweynaha cusub u helo jawi si xora ku shaqeeyo oo uusan agfariisan asaga iyo ragiisii xilka waayey.
    Cabdulaahi Yemen oo Cali Cabdalle personal friends ahaayeen oo yemen dalbatay.
    Sheik Shariif Kampala la dejiyey.
    Xasan Turki oo weliba asaga noirobi coday lagu yiri, weli waa meel Xamar u dhow.
    Ninka shuruudaas jebiya biilka laga jarin.
    Waxay afka barteen Mahbar la tirxiilay!
    Maskaxdooda cuqdad qabiil ma dhaafsana
    Adeer taariiqdaas waxbadan kala socdaa oo reer ayaa ka mid ahaa.
    Syl iyo raggii Talyani hurdada u diiday waxay ahaayeen reer Hobyoodkii Cali Yusuf madaxda u ahaan jiray.
    Kuwaan waxaas lama waydiiyo.
    Xamarna ayaga looma nicin ee wadanka federalka la xoojiyo oo Beledweyne, Burco iyo Bossaso Xamar wax uga baahan.
    Calaashaan dal wada nool oo hal magaalo ka nool ahayn.
    Salaan sharaf adeer.
    Aniga waxaa la i baray in dadka iga weyn ixtiraamo, kuwaan adoo u sheegay in 1941 dhalatay oo madaxdii qaranka ahaa.
    Xitaa warkaaga ma fahmi karaan.
    Waa ciyaal Faay Cali.
    😗

  22. Garqaad says:

    Oday axmed asc

    Meeqa sacadood ayey kugu qaadatay qoraalkaan. Farta shinbireed lagu soo xarxariiqay

    Waa xaqiiq wax badan ayaan kaa yarahay laakiin. Taasu igama hor istaageyso waxaan aaminahay iyo xaqiiqda jirto in aan sheego.

    Odayaasha adigoo kale ah waa kuwa qurbaha na keenay nagu abuuray qabyaaladda.

    Marka la eego qoraladaadu halka ay u dhacayaan. Iyo da.daad sheegatay wey kala duwan yihiin.

    @ lop
    Kkkkkkkkk
    Oday axmed waa adeerkeey waa iiga kaa hiiliyay. Wax dhib ah iguma heyso laakiin waa lees yaqanaa aniga adeeradeey talyaani lagama soo reebin. Aderadeey weligood mahbar ma noqon.

  23. Land of Punt says:

    Garqaad
    Adeeradaa liiska kuma jirin xitaa Talyani meel ka yimid ma aqoon iyo meel degi, marka qofqof reer Hobyood, saraakiishii Cali Yusuf ahaa sida Cabdulaahi Ciise ka mid ahaa.
    Kkkkkkk
    Aqli moxog, Waambe iyo Gocoso dhaafsan ma jirin..
    Kkkkkkkkk

  24. Land of Punt says:

    Garqaad
    Markaan waqti waxaan kaaga sheekayn sida Kismayo oo in NFD lagu daro la damcay seconds uga fakatay in Kenya maanta ka mid ahaan sida Wajeer iyo Garissa.
    Raggii howshaas ka socon weyday reer adeerkaa kuma jirin..
    Jabhad agoowgiis ahaayeen.
    Kkkkkkkk😀




Ciidamada Xasilinta oo laga qaaday inta badan Wadooyinka Muqdisho saaka
- Jul 22, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Iyadoo xalay saqdii dhexe ay ku ekeyd mudada 48-ka saac ...
Qardho : Shirka Nabadaynta Beelaha Cali saleebaan iyo Muuse Saleebaan
- Jul 22, 2018
Qardho ( Kalshaale ) Waxaa lagu wadaa in saaka magaalada Qardho uu ka furmo ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo Wareysi ka Qaaday Hooyo Dhibaataysan, Maxay Sheegtay oo ka cabanaysaa (Video)
- Jul 22, 2018
Cali Xaraare oo Wareysi ka qaaday Hooyo Dhibaataysan, Maxay Sheegtay oo ka cabanaysaa
Wasiir Faransiis ah oo sheegay ‘dagaalka ganacsiga inuu dhab yahay’
- Jul 22, 2018
London ( Kalshaale ) Wasiirka maaliyadda ee Faransiiska ayaa wuxuu sheegay Bruno Le Maire ...
MUUQAAL Waraysigii Prof. Samatar oo Dhamaystiran Wuxuu ka yidhi Tukaraq, Iyo Su’aalo kala duwan oo la Hordhigay
- Jul 21, 2018
Hargeisa ( Kalshaale)  Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysi dhinacyo badan Taabanaya  oo u Telefishinka ...