RW. Abiye Axmed oo Madaxwaynaha Kililka Shanaad u gudbiyey Warqad uu Go’aan xasaasi ah ku qaatay (Warbixin)

Hargeisa ( Kalshaale ) Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed uu wado qorshe lagu xidhayo Xabsiyada ku yaalla dhulka Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Ra’isul wasaare Abiy ayaa Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) u gudbiyay warqad lagu qeexay in dhaqan galinta talaabada lagu doonayo in lagu xidho Xabsiyada waaweyn sida Jeelka loo yaqaan “Jeel Ogadenia”.

Jeel Ogadenia ayaa inta badan waxaa lagu xiraa maxaabiista ONLF, gaar ahaan kuwa lagu qabto howdka dagaalka iyo kuwa laga soo dhiibo dowladaha jaarka la ah Ethiopia.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed, ayaa la xaqiijiyay in Cabdi Iley uu ku wargaliyay in dhammaan maxaabiista loo heysto kiisaska waaweyn dib loo furo gal dacwadeedkood si ay u helaan cadaalad, halka kuwa kale loo wareejinaayo Xabsiyada kale ee ku yaala magaalada Addis Ababa.

Abiy Axmed waxa uu ka digay in Xabsiyada ku yaala magaalada Jigjiga ay sii furnaadan, waxa ayna xogtu tibaaxeysaa in furnaanshiyaha loo ogolyahay keliya Xabsiyada yaryar iyo Saldhigyada oo lagu sii heyn doono maxaabiista inta lagu hayo baaritaanka.

Madaxweynaha DDSI Cabdi Iley ayaa muddo kooban loo siiyay inuu ku faarujiyo Xabsiyada waaweyn oo ay ku jiraan kuwo ku yaala buuraha, halka qaarna ay ku yaalan dhulka hoostiisa.

Sidoo kale, Abiy ayaa qorshaha xirista Xabsiyada Jigjiga ula gol leh kasbashada dhammaan maamulada hoostaga dowlada Ethiopia.

Dhinaca kale, Abiy ayaa rumeysan in dadka ugu badan ee xidhan ay yihiin kuwo loo heysto tuhun isla markaana lamarin baaritaan dhab ah.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (1)

  1. NuurkaNederland says:

    WAA SAX,ALCADDAALA.
    DR ABII WAXAAD MOODAA IN UU SHACABKA ETHIOPIA OO DHAN LA RABO INAY DAREEMAAN XORIYAD.
    HADEERNA WUXUU ILKAHA KA GURAYAA XUKUNKII EPRDF SARAAKIISHII CIIDAMADA, NABADSUGIDA, POLICKA MAALINBA MID UU LA DEGEY.




Ciidamada Xasilinta oo laga qaaday inta badan Wadooyinka Muqdisho saaka
- Jul 22, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Iyadoo xalay saqdii dhexe ay ku ekeyd mudada 48-ka saac ...
Qardho : Shirka Nabadaynta Beelaha Cali saleebaan iyo Muuse Saleebaan
- Jul 22, 2018
Qardho ( Kalshaale ) Waxaa lagu wadaa in saaka magaalada Qardho uu ka furmo ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo Wareysi ka Qaaday Hooyo Dhibaataysan, Maxay Sheegtay oo ka cabanaysaa (Video)
- Jul 22, 2018
Cali Xaraare oo Wareysi ka qaaday Hooyo Dhibaataysan, Maxay Sheegtay oo ka cabanaysaa
Wasiir Faransiis ah oo sheegay ‘dagaalka ganacsiga inuu dhab yahay’
- Jul 22, 2018
London ( Kalshaale ) Wasiirka maaliyadda ee Faransiiska ayaa wuxuu sheegay Bruno Le Maire ...
MUUQAAL Waraysigii Prof. Samatar oo Dhamaystiran Wuxuu ka yidhi Tukaraq, Iyo Su’aalo kala duwan oo la Hordhigay
- Jul 21, 2018
Hargeisa ( Kalshaale)  Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysi dhinacyo badan Taabanaya  oo u Telefishinka ...