Real Madrid oo Bayaan ku Xaqiijisay In Cristiano Ronaldo Ku Biiray Juventus

Muqdisho ( Kalshaale ) Kadib sagaal sanadood oo uu xirnaa Cristiano Ronaldo maaliyadda cadaanka ee Real Madrid ayaa soo dhamaaday wuxuuna si rasmi ah ugu biirayaa Juventus sida lagu cadeeyay bayaan kasoo baxay kooxda ka dhisan caasimadda Spain.

Cristiano Ronaldo oo shan jeer hantay Ballon d’Or sidoo kalana noqday xiddiga ugu goolaha badan taariikhda ayaaa la xaqiijiyay inuusan kusii sugnaan doonin kooxda fasal ciyaareedka dambe, waxaana la rajeynayaa inuu kooxda kaga baxo adduun dhan 105 Malyan oo Euro.

33-jirkaan heerka caalami ayaa dhaliyay 415 gool isagoo kooxda u saftay dhamaaan tartamada oo dhan 438 kulan, sidoo kalana mudada uu kooxda la joogo wuxuu hantay afar jeer koobka UEFA Champions League.

“Maanta, Real Madrid waxey dooneysaa iney sooa bandhigto sida ay ugu mahadineyso xiddiga caddeeyay inuu yahay kan ugu wanaasan Adduunka, sidoo kalana qeexay mid ka mid ah waqtiyada ugu fiican taariikhda kooxda iyo kubadda cagta dunida” ayaa lagu qoray bayaanka kasoo baxay Real Madrid.

“Marka laga soo tago koobka horyaalka, koobabkii uu ku guuleystay iyo guulahii uu garoonka dhexdiisa ku hantay mudadii sagaalka sano aheyd ayaa tusaale u ah Cristiano Ronaldo (Shaqada, masuuliyadda, xirfadda dabiiciga ah, huritaankii iyo hormarka uu sameeyay”.


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada oo War Kasoo saaray Xaalada Baydhabo
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif ...
Daawo: Dowladda Qatar oo shaacisay inay Bilaabayso dhismaha dekada Hobyo
- Dec 14, 2018
Doha  ( Kalshaale ) Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin ...
Xaalada Baydhabo oo kacsan iyo Xildhibaan lagu dilay , Wararkii u dambeeyay
- Dec 14, 2018
Baydhabo ( Kalshaale ) Wali xiisad ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo barnaamij uga hadlay Xaalada Baydhaba iyo Mukhtaar Roobow
- Dec 14, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij  Gaar ah oo Cali ...
Daawo: Aqalka Sanatka Maraykanka oo isku raacay in Maxamed Bin-Salman uu ka dambeeyey dilkii Khashoggi (Video)
- Dec 14, 2018
London ( Kalshaale ) Xubnaha aqalka senators-ka Maraykanka ayaa u codeeyay in milatariga dalkaasi ...