Video+Sawiro: Adeegyada la jeclaystay ee Cusbitaalka Manhal ee Laascaanood

Laascaanood ( Kalshaale ) Cusbitaalka  ”  Manhal Hospital ” oo ku yaalla magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ah goob Caafimaad oo bixisa adeegyo caafimaad oo kala duwan .

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cusbitaalka oo sanad waliba lagu sameeyo dib u habayn balaadhan oo dhanka agabka dhakhaatiirta Dhismayaasha iyo hawl wadeenadaba ayaa waxaa uu Cusbitaalku qaabilaa kiisas Caafimaad oo Cul culus , Waxaana Cusbitaalku uu buuxiyey Kaalinta adeega Caafimaad ee ay bulshada gobollada Sool Sanaag iyo Cayn ay u doonan jirtey deegaano badan oo ka tirsan geeska Africa .

Cusbitaalka ayaa ka kooban qaybo iyo adeegyo kala duwan , Waxaana uu Cusbitaalka adeegyada iyo qaybaha uu ka kooban yahay ka mid ah :

1. Qaybta Bukaan Socodka iyada oo ay ka sii howl galaan :
– Dhakhtarka cudurada haweenka iyo qalliinka
– Dhakhtarka cudurada caruurta
– Dhakhtarka qaliimada indhaha iyo daawayntooda
– Dhakhtarka cudurada ilkaha & Afka
– Dhakhtarka Lafaha iyo qaliimadooda
– Dhakhtarka cudurada dhimirka iyo daawayntooda .

2. Qaybta Adeega Ilkaha & Daryeelka Xanuunada Afka
– Buuxinta ilkaha
– Maydhista/dhaqista ilkaha
– Dareen dilista jeerkmiska ilkaha
– Saarista iyo galinta Ilkaha
– Xidhista ilkaha qasan ama aan sinayn
3. Qaybta indhaha iyo adeegyada ay bixiso qaybtani :

– Daaweynta indhaha & Cabirka Muraayadaha
– Qaliimadii indhaha oo kala duwan uuna ku samaynayo dhakhtar suuriyaan takhasus u leh

4. Qaybta Dumarka iyo dhalmada oo Iyana ay bixiso adeegyadani:
– Qaliinkii dumarka (Hooyooyinka) oo bilaasha
– Dhalmada oo qayb gaar ah iyo qiimo jaban oo ku raali geliya 
– Mashiinka lagu koriyo Caruurta missankoodu yaryahay ee lagu ilaalinayay oo isna diyaara .

– Culturekii / Beerida Bakteeriyada oo kuu diyaara
– Baadhista Dheecaanada /hormoneska Jidhka bani aadamka 
– Baadhista xanuunada Kelyaha, Wadnaha, Beerka iyo xubnaha kale jidhka uuna kuu yaalo machine casri ah .
– Raajadii iyo Computer Casri ah oo si deg deg ah Jawaabta aad ku helayso
Cisbitaalku Lasanod Manhal Hospital wuxuu shaqeeyaa 24 saacba waxaana kuugu diyaara Dhkhaatiir shaqaale xirfad u leh shaqadoodu isla markaana Takhasusaad u leh Shaqadooda .
– Maalin kasta oo khamiis ah kaadhku waa bilaash sidoo kale dhakhtarku wuxuu bixiyaa client card oo ah kaadhka macaabiisha .

5. Qaybta Daawooyinka iyo Noocyada Daawooyinka aad ka heli karto
– Daawooyin European ah oo tayoadoodu sareeyan
– Daawooyin Qiimihoodu jaban yahay .
6. Qaybta Shaybaarka iyo adeegyad aya bixiso :

6. Qaybta Shaybaarka iyo adeegyad aya bixiso :

Adeegyada gaar ka ah ee uu leeyahay Lasanod Manhal Hospital Waxaaa ka mid ah
– Adeega Daawaynta bukaan Socodka ama qofka qaba xanuunka dhimirka,
– Adeega Xanaanaynta iyo ka war qabka gaar ka ah ee bukaanka
– Adeega Cuntada iyo nafaqooyinka ku haboon bukaanka
– Adeega deegaanka ay ku nool yihiin bukaanka jiifka , hurdadooda iwm
– Adeega Nadaafada iyo ilaalinta fayo qabka bukaanka jiifka.

 

Cusbitaaalka Lasanod Manhal Mental Waxaa uu leeyahay dhakhaatiir ku takahsustey xanuunada Dhimirka , kuwaa oo qaabila dadka qaba xanuuka dhimirka eek u jira xaruntani .

Waxaana ay helaan dhamaan baahiyaha ay u baahan yihiin Bukaaan Jiifkani .

Cusbitaalka Lasanod Manhal Hospital Wuxuu ku yaallaa Xaafada arxas kulle , dhinaca Bari ee Kaalinta Bootaaanka ama Kaantaroolka Koonfureed ee magaalada Laascaanood .

Sidoo kale Cusbitaalka Lasanod Manhal Hospital Wuxuu isna ku yaalla Wadada tagta dugsiga saree ee Muuse Yuusuf.

DAAWO MUUQAALKA ADEEGYADII UGU DANBEEYEY EE CUSBITAALKA 

Kala Xidhiidh Wixii Faah-faahin  ee Dheeraad ah Tell : 753219/754888/753330//4490461


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (15)

  1. samawade says:

    asc dhamaan horumarka lasacano reer khaatumo Indho ha u yeeshaan

  2. sOmalilander says:

    Dadka Saas u quruxda badan iyo dhulka saas u quruxda badan Ee horumarku ka socdo bay ku dhahayaan waaa lahaysta waaan xoraynaynaaa!

    K
    KK
    KKK

  3. Garqaad says:

    Waa xaqiiq laascanood 10 sano ka hor mar aan tegay in ay ahayd meel tuulo ah.
    Mar kale ayaan tegay 2013 wexey ahayd magaalo aan garoowe waxba u aqoonin.

    War qabiil waxba ma dhiso ee kala danbeyn iyo maamul ayaa wax dhiso.

  4. khaatumo haanoolaatoo says:

    reer laascaanood marabaan inuu idoor siijoogo magaladooda horumarka ka muuqda

    maaha mid idoor kuso kordhiyey e waa mid ay shacabku qabsadeen intay jabhada SNM joogtay

    laaska waxa kudhacay deb u dhac wayn magaaladu wixi kahoreeyey 2007 mashaariic

    waawayn dhasmayaal markay sogashay jabhadu wax waliba way istaageen ilaa hadeer

    sidibay wax waliba u cakiran yihiin insha alaah marka laga xoreeyo dayuuska

    dabaqoodhiga aka horgalaha ax waliba waxay ku noqon doonaan cadigoodi

    ma aaminsani inuu gobolka sool isaaq ku haysto xoog waa layaqaan cida xooga ku haysata

    kuwaasna go’aanba laga gaadhay waata xabadu ku bilaabantay mid midba lo khaarajinaya

    @@Garqaad garanmaayo qoraalkaga waxad uga danleedahay adeer xaqiiqada hayska

    indha tirin waad ogtahay inaanu dhulbahante sinaba u aqbali doonin inuu

    isaaq sijoogo dhulkisa e sxb somaaliyi way kala dhaqaajisay waxayna ku
    heshiisay in qabiil waliba dhulkisa maamusho anaguna waxanu kamid nahay

    qabiiloyinka somaaliyeed e xaqa u leh inay ismaamulaan garan maayo waxad

    runta indhaha uga qarsanaysid somaalidu waxay ku maahmaahda gaal dil

    gartisana sii mise waxa ku muuqda cadaawad aad u qabtid majeerten o sidaasad

    u leedahay gobolka sool halaga saaro majeerten o isaaq xoog haku haysto kkkkkk

    waynaso gaadhay fariintaadu raalibaadna iska ahaan doonta sxb WBT

  5. shaxda says:

    Walee Idoor waayaqaan Dawladnimo Iyo Horu Socod Walaalayaal Idoor haddaa Nahay Reer Koonfur Siddan ha Inagu Daawanina Haddaaba Laaskii Aan Ogaa Siddan Noqday
    Walaalayaal Kuwa Inala Ah Reer Koonfur Ayaa Ina qalday Oo Yiri Dawladnimo Ayaan Naqaan Markaan Dib Ujileecay Waxaa Iisoo Sawirmay Inay Ahaayeen Kuwii Canshuurta Xamar Lagu Naaxin Jiray Oona Arag Sidda Loo Shaqeesto Iney Cunaan Xoola Dadaw Mooyee aan Aqoon Sidda waxloo Kala Furdaamiyo Waxaa Udheeraa Waxaa Lagu Taxay Dharkii Mulushiibiyada Iyo boocbooc siddey Islaamaha Yaayada Gaday Uga Cunaan Canshuurtii Ay Dawlada Ka Sugeeysay
    Isaaq ha inaga tagina Haddaa nahay reer koonfur waan fashilnay

  6. khaatumo haanoolaatoo says:

    jaale Hawiye kuligiin idiinma jawaabikaro
    waxad nagu tihiin duulaan cir iyo dhul ah
    caadi iskadhiga noooo xaaaaaaa jira abooooowe
    kkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkk

  7. Garqaad says:

    Khaatumo salaan sare

    Anu isaaqbaa wax dhisay iyo ma dhisan toona kamaan hadal. Kaliya waxaan kusoo arkay 12 sano kahor iyo waxaan kusoo arkay 4 sano kahor unban sheegay. Adigaa og isaaqu wax uu kuu geystay. Adigaa og majeerteen wuxuu ka sameeya.

    Garaad waxaad modaa wax walbo oo laga hadlo ama la dhiso in aysan kuu muuqan laakiin ay kuu muuqato. Isaaqbaa yeelay.

    Dee orod oo iska dhici magaalada ka xureeyo. Hadalka inta iska deysid.hadaan ka hor istaago anigaa kaa gardan.

    Waa dhibaatada somalida haysato hadii nolol laguu sameeyay in aad taagnaato. qabyaaladdu ha nolaato.

  8. Garqaad says:

    Khaatumo
    Marka laga tago kaftanka hawiye diyaar uma ahan. Isirna uma lahan in uu walaalo dagalamaayo mid uu hiiliyo midna ka hiiliyo. Laakiin waa laga yabaa in ay jiraan hawiye aaminsan woqooyi iyo koofur.

    Anigu maan jecladeen woqooyi in ay noqoto koofur oo kale.
    5 maamul beleed oo xuduudyo leh oo itoobiya looga taliyo. In ay woqooyi noqoto maan jecladeen. Waa markaan caqliga saliimka ah adeegsado.

    Somaliya woqooyi ayaa midnimo ugu dhaw waayoo dhulkii woqooyi la dhihi jiray waxaa 90% kataliyo hal maamul.

    Khaatumo sharaftaas waxbaad ku leedahay waa hadaad garan kartid.

  9. Jabhad says:

    Waa wax lagu farxo isku tashiga iyo dadaalka ay

    sameyeen reer lascano manhal lanteda inay helaan

    Waxaa ka danbeyey aqon yahanada darawisheed

    oo ka mida madaxda sare ee MANHAL HOSPITALi

  10. Jabhad says:

    Khatumo garad besha hawiye waxay kuu tahay

    Tagero wayna garab tagan yihin midnimo somaliyed

    wax yabo badan oo aan halkan laga sheegi karin

    Ayey ku garab siyeen dhulka darawisheed alalaaska

    Garqaad iyo dabshid macnehedu maha inay besha

    Tagertay kala go’a somalia

  11. Dabshid says:

    Jabhad

    Kkk

    Si fiican ayaad u dhigtey warku waa intaas aad sheegtey, waxaad maleysayna waa THANI.

    -Waxaan ogolahey inuu Axmed Cadde Garmadoobe oo Dhagax-Buur ka yimid maamulo Jilib iyo Jamaame, ma waxaan dhahaa Axmaadow ma maamulikartid Dhul Irir oo aad Abaartii Dabo-dheer xero nolol lagaaga oodey.

    Isir miyaan isku maamulnaa mise Daris.

  12. Land of Punt says:

    Runta marka laga hadlo Laascanood iyo Garoowe ayaa la simi jiray, maantana waa caasumad iyo tuulo xitaa hal shop centre iyo high buildings lahayn.
    Ku eedayn in Isaaqa lugoynayaan ee waa meel colaad looga baqayo oo nin walba hantidiisii ku aaminayn.
    Xitaa airport ma leh.
    Haddii emergency dhaco waa uun baabuur waxa Laaska qof looga qaado.
    Laascanood meeshii laga rabay iyo meesha joogto kala fog.
    Qardho, Galdogob iyo Carmo ayaa dhaafay oo xitaa miis lala keeni jiray.
    Runtu waa saas Laaska dib u dhacweyn ku dhacay markii dadkii maal gashan lahaa waxooda ku aamini waayeen.
    Dhul dowlad ma dhisto ee dadka ayaa dhista.
    Run

  13. Land of Punt says:

    Waa ayaa Xamar iyo Noirobi Miis wada fuuli jirin 1920 Xamar caasumad ahayd aduunka dhan u kala goosho, Noirobi ahayd cooshash.
    Daawo filmka Aut of Africa, Marleline Stripp, Robert redford iyo Iman Cabdimajiid ku jiraan actorska.
    Maantana waa lagugu qoslin hadaad isla meel keento, waana colaada iyo dhibka waxa Mogadishu faceed ka reebay..
    Dhuusamareeb ilaa Siyaad Bare buul laguma darin, waa colaada.
    Colaad waa cadow magaalo.
    Run

  14. sugule says:

    waa horumar ficn somaliland na ma keenin cid kalana makeenin manhal niman ictisaam ladhaho baa leh oo xaruuntoodu tahy bosaso




Ciidamada Xasilinta oo laga qaaday inta badan Wadooyinka Muqdisho saaka
- Jul 22, 2018
Muqdisho ( Kalshaale ) Iyadoo xalay saqdii dhexe ay ku ekeyd mudada 48-ka saac ...
Qardho : Shirka Nabadaynta Beelaha Cali saleebaan iyo Muuse Saleebaan
- Jul 22, 2018
Qardho ( Kalshaale ) Waxaa lagu wadaa in saaka magaalada Qardho uu ka furmo ...
MUUQAAL: Cali Xaraare oo Wareysi ka Qaaday Hooyo Dhibaataysan, Maxay Sheegtay oo ka cabanaysaa (Video)
- Jul 22, 2018
Cali Xaraare oo Wareysi ka qaaday Hooyo Dhibaataysan, Maxay Sheegtay oo ka cabanaysaa
Wasiir Faransiis ah oo sheegay ‘dagaalka ganacsiga inuu dhab yahay’
- Jul 22, 2018
London ( Kalshaale ) Wasiirka maaliyadda ee Faransiiska ayaa wuxuu sheegay Bruno Le Maire ...
MUUQAAL Waraysigii Prof. Samatar oo Dhamaystiran Wuxuu ka yidhi Tukaraq, Iyo Su’aalo kala duwan oo la Hordhigay
- Jul 21, 2018
Hargeisa ( Kalshaale)  Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysi dhinacyo badan Taabanaya  oo u Telefishinka ...