Laascaanood: Daawo Cusbitaalka FAYO oo ku guulaystay inuu baajiyo Safarada Dibada ee Caafimaadka (Video+Sawiro)

Laascaanood  ( Kalshaale ) Cusbtaalka FAYO MEDICAL CENTRE oo magaalada Laascaanood ku yaalla ayaa furan mudo ka badan 8 bilood ayaa Cusbitaalkani mudadaa uu furnaa ku guulaystay inuu fuliyo adeegyo helitaankooda ay shacabka gobolkka Sool iyo nawaaxigiisa dhibaatooyin badan ay u mari jireen .

Cusbitaalkan ayaa waxaa furay aqoonyahano ku xeel dheer dhinaca cilmiga Caafimaadka isla markaana mudo badan ku soo jiray hawlaha Caafimaad ayaa waxaa ay ku qalabeeyeen adeego kala duwan oo ay si wanaagsan ugu faa’ideeyeen bulshada gobolkani .

Cusbitaalkan ayaa waxaa uu baajiyey safaro badan oo dhanka Caafimaadka ah kuwaa oo loo aadi Jiray  magaalooyinka Addis-ababa, Mogadisho , Hargeisa iyo walibana dhinaca dalka dibadiisa , Waxaana uu daaweeyey kiisas Caafimad oo aad u cul culus, Kiisaskaa ayaa waxaa ka mid ah Kiisas deg deg ah , kuwo qalliin u badan , iyo waliba dhaawacyo halis ah kuwaa oo marki hore dadka gobolka Sool ay aad ugu dhibanaayeen .

Shacabka gobolka Sool oo uu sanooyinkii u danbeeyey uu ku badnaa kiisaska khatarta ah ee siyaabo kala duwan ay ula kulmi jireen ayaa waxaa mar warbaahinta gobolka ay afti ka qaaday waxaa ay sheegeen 89 % in ay ku nasteen Csubitaalka FAYO ,kaas oo ay ka heleen adeegyo meelo fog fog ay u doonanjireen , aadeegyadaa ayaa waxaa ay  sheegeen in ay hadda doontaan Cusbitaalkaasi .

HALKAN DAAWO MUUQAALKA IYO WARBIXINTA 

Dr Xasan Coombe oo ah Maamulaha Cusbitaalka FAYO , isla markaan ah Dhakhtarka Cudurada Haweenka ayaa sheegay in Cusbitaalku uu bixiyo 24 Saac dhamaan
maalmaha Todobaadka adeegyo dhamaystiran oo bulshada ay ka haqatireen dhamaan adeegyo Caafimaad.
Dhakhaatiirta la soo xulay oo kala duwan iyo howl wadeeno Caafimaad oo aad u hufan ayuu sheegay in ay mar waliba ku sugan yihiin Cusbitaalkaasi .

Dhinaca kale , Waxaa Cusbitaalka maalmihii u danbeeyey uu ku guulaystay inuu fuliyo qalliimo aad u cul culus , Waxaana qalliimadaasi loo doonan jiray magaalooyinka aan soo sheegnay iyo kuwo kale .

Hadaba , Waxaa bulshada gobolka Sool loogu bishaaraynayaa in Cusbitaalka FAYO soo kordhiyey adeegyo kale oo qayb ka noqonay sidii kor loogu qaadi lahaa daboolida baahiya Caafimaad ee shacabka .

 


Warbaahinta Kalshaale kala soo Xidhiidh Email-ka kalshaale.com@gmail.com


Akhyaarta ra'yigiina halkan ku qora (0)




Muuqaal Xiiso Leh: Kulankii dhexmaray Sheikh Maxamed Idiris iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga wax ka barta
- Oct 22, 2018
Ankara ( Kalshaale ) Kulankii dhexmaray Sheikh Maxamed Idiris iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga ...
Daawo Video: Cabdimaalik Coldoon oo Soo bandhigay Qaabkii uu Burco uga Baxsaday iyo Siduu ku gaadhay Jigjiga
- Oct 22, 2018
Jigjiga ( Kalshaale) Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dhowaan Qaab dhuumasho ah kaga baxay ...
DAAWO: Xisbiga Wadani “Muuse Biixi Maskaxdiisa Waxaa ka dhex guuxaysa Jabhadnimo, oo kama Tegayo” (Video)
- Oct 22, 2018
Laascaanod  ( Kalshaale ) Xisbiga Wadani ayaa Eedaymo culus dusha uga tuuray Madaxwaynaha Somaliland ...
Daawo Qosol: Madaxwaynaha Dibad wareega ah ee Somaliland oo sheegay inay Dumarku la taliyaan,
- Oct 22, 2018
Hargeisa ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Dibad Wareega ah ee Somaliland Mustafe Maxamed Martin ayaa ...
Madax Goboleedyada oo ku Hanjabay inay madaxweyne cusub u doorayaan dalka Iyo Khudbadii Madoobe (Daawo)
- Oct 22, 2018
Garoowe  ( Kalshaale ) Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ku hanjabay inay dooranayaan madaxweyne, ...